Você está na página 1de 24

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

TUSMO
Weedha tifaftiraha Shirkadda Telesom oo Abaalmarino Guddoonsiisay Hal-doorkii Shaqaalaha ee sannadka 2011 Telesom iyo Google oo si Wadajir ah u fulinaya Barnaamijyo Cusub Qiimo-Dhimistii ugu Ballaadhnayd oo Telesom u samaysay Macaamiisha DAAHFURKA ADEEGGA CODKA SOO DHICISTA MOBILE-KA Ila-Maqal (Caller Ring-back tones) Telesom iyo Salaam Financial Services oo soo bandhigay adeegga KAAFI Xaflad Casho Sharaf ah oo ay Shirkadda Telesom u samaysay Dhakhaatiir Cusub Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom Telesom oo mishiin koronto ugu deeqday Cusbitaalka Borama, deeq lacageedna guddoonsiisay dawladda hoose ee Gabiley Ka Faaiidayso Salaam Remittance (Salaam Sainancial Services) Wax ka baro Cudurka Qaaxada! Quraanka & Culuumta Sayniska

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Waxa farxad weyn noo ah in aanu idinku soo dhoweyno tirsigii 13aad ee majaladda Telesom Newsletter. Majaladan oo saddexdii biloodba hal mar soo baxda (Quarterly), waxa soo saara Shirkadda Mustafe A. Muse Editor-in-Chief Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha (Public Relations office). Majaladan waxa aad ka heli kartaa maqaalo xiiso leh oo isugu jira dhacdooyinka iyo wararka Telesom, Adeegyo cusub oo faaiido u leh macaamiisha, barnaamijyo caafimaad, Suugaan, Dhaqan iyo Mohamed Ibrahim Sub-Editor barnaamijyo kale oo aqooneed. Wixii macluumaad ama qoraalo faaiido u leh dalka iyo bulshadaba

GUDDIDA TIFAFTIRKA
1. C/Salaam Ismaaciil 2. Eng. Faarax Sugaal 3. C/Wahaab Maax 4. Cadnaan Daahir 5. Yaxye Iid 6. Maxamed Cabdi (Darbo)

waxa aad noogu soo hagaajisaan xafiiska Xidhiidhka dadweynaha ee Telesom oo ku yaala xarunta dhexe ee Salaam Remittance ama ku soo dir ciwaanka: Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland, Office: +252 2 522168, Email: pr@telesom.net, kibaaro@telesom.net

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Shirkadda Telesom oo Abaalmarino Guddoonsiisay Hal-doorkii Shaqaalaha ee sannadka 2011

elesom Newsletter 15th Mar, 2012,Shirkadda Telesom ayaa xaflada si heer sar ah loo soo agaasimay u qabtay shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkii

Axmed Daahir iyo marti sharaf kale. Ugu horayn waxaa halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey Sh.Yuusuf Sh. Adan waxaanu tilmaamay in waxyaabaha ay shirkadda TELESOM ku horumartay ay ka mid tahay iyada oo shaqaalaheeda ku xulata aqoon iyo amaano. Waxaa sidoo kale uu shaqaalaha shirkadda ku ammaanay in ay yihiin kuwa ku sifaysan ammaano iyo adeeg hufan. C/Qaadir Maxamed Sahal oo ah Madaxa Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Telesom oo isna xafladda ka hadlay ayaa faah -faahin ka bixiyey sida ay Telelsom ku xulato shaqaalaha ay qaadaynayso iyo shuruudaha looga baahan yahay qofka shaqada loo qaadanayo, waxaanu sharaxaad dheer ka bixiyay talaabooyinka loo maro shaqaalaha la qaadanyo ilaa marxaladda qofka shaqada loo dhiibayo. Guddoomiye ku-xegeenka shirkadda Telesom Md. Maxamud X. Adam (Xadeed) kana mid ah aasaasayasha shirkadda Telesom ayaa isna ka hadlay kaalinta ay Telesom ugu jirto dadka iyo dalka oo ay wax badan u fududeeyeen dalka xagga isgaadhsiinta, horumarka iyo kobcinta dhaqaalaha, waxanu

dhammaaday ee 2011, shaqaalahaas oo lagu abaal mariyey abaalmarino maaliyadeed iyo shahaado sharafyo. Xafladda abaalmarinta ayaa loogu qabtay Hotel Maansoor, iyada oo xarumaha goboladda ee Telesom ay ka socdeen xaflado gaar -gaar ah oo uu isku xidhayay khadhka Maqal iyo Muuqaal ee Shirkadda (Video Conferencing). Waxa xafladahaasi ka soo qaybgalay saamilayda shirkadda, maamulka sare, shaqaalaha, masuuliyiin sarsare oo ka socday xukuumada Somaliland, qaar ka mid ah macaamiisha shirkadda Telesom iyo marti sharaf kale. Madaxda Xukuumada mataalaayey waxaa ka mid ahaa Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi X. Cali, Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire, Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Sh. Khaliil Cabdilaahi, Wasiirka warfaafinta Md. Cabdi Yuusuf Ducaale (Boobe), iyo xildhibaano. Waxaa sidoo kale ka soo qayb-galay Salaadiin iyo Culimo magac ku leh bulshadda oo ay ka mid yihiin Sh. Yusuf Sh. Adan iyo Sh. Adan Siiro, Sudlaan Ismaaciil Suldaan Cabdiraxmaan, Suldaan

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom oo Abaalmarino...
hadalkiisa raaciyey in shirkaddu marayso meel wanaagsan iyo in ay higsanayso horumar ka sii sarreeya halka ay maanta taagan tahay. Sheekh Adan Siiro oo ku hadlayay magaca Ganacsatada Wadanka ayaa isna sheegay in ganacsato ahaan ay mahadweyn u hayaan shirkadda, waxaanu yidhi; TELESOM WAXAY NOOGU JIRTAA MUDNAANTA KOOBAAD WAA SHIRKAD LAWADA LEEYAHAY MAAHA MID CID GAARA ISKA LEEDAHAY CID WALIBA WAX BAY KU DARSANKARTAA MARKAA WAXAAN LEEYAHAY QOFKII DOONAYA IN UU SHIRKAD MACMIIL U NOQDO AMA WAXKU DARSADO TELESOM HA U TAGO, IYADAA UMMADDA KA DHAXAYSEE (TELESOM , GOOD SERVICES, GOOD QUALITY AND GOOD PRICE). Wasiirka Madaxtooyada Md. Xirsi X. Cali Xasan oo hadal qiimo badan ka jeediyay munaasabadda ayaa sheegay in xukuumad ahaan ay garabgalayaan ciddii dalka horumar u wadda, waxana uu Telesom ku tilmaamay in ay tahay shirkad adeeg wanaagsan oo ay dadku jecel yihiin. Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkaddu ay sannadkan bixisay cashuurtii ugu badnayd. Intaasi ka dib waxaa shahaadooyin iyo abaalmarino uu gudoonsiiyey shaqaalihii ugu wanaagsanaa sannadkan ee keenay A+ & A waxaana halkaasi abaalmarintaa ku gudoomay in ka badan 36 shaqaale ah oo ka kala yimid gobolada iyo magaala Hargaysa. Magacyada Shaqaalihii ugu sarreeyay waax kasta (employee of the department/site): Hargeysa: 1 Axmed Cabdikayd C/laahi IT 2 Axmed Saleebaan Jaamac Accounting 3 Sakariye Maxamed Iimaan Engineering 4 Ismaaciil Aadan Cabdi HR 5 Saleebaan Xasan Wacays ISP 6 Warda Maxamuud Xirsi MPR 7 Siciid C/laahi Saciid Sales 8 Xuseen Cilmi Aadan Supply Chain 9 Guuleed Maxamed Aadan ZAAD 10 Keyse Cabdi Ismaaciil Landline 11 Caydaruus Xariir Muxumed TFC 12 Maxamed Cismaan Nuur Security Xarumaha Goboladda (Sites): 1 C/raxmaan Maxamed Cabdi 2 Deeq Cabdi Xasan 3 Maxamuud X.Cumar 4 C/Kariim Muuse Max/ed 5 C/raxmaan Max/ed Jaamac 6 Maxamuud Saleebaan Faarax 7 Faysal Axmed Jaamac 8 C/risaaq Muuse Cabdulle 9 Caydaruus Sh. Maxamed 10 Maxamed Xuseen Xasan 11 Mukhtaar Xuseen Xasan 12 C/raxmaan Maxamed Maxamuud 13 C/Laahi Cali Ducaale 14 Deeq Cismaan Muumin 15 Axmed Nuur Liibaan 16 Cilmi Maygaag Gaboobe 17 C/laahi Barkhadle Cashuur 18 Saalax Dubad Dhiif 19 Cabdi Maxamuud Qayaad Burco Boorama Wajaale Berbera Laascaanood Buuhoodle Gabiley Ceerigaabo Arabsiiyo Sheekh Lowyacado Ceel Afweyn Caynabo Oodweyne Saylac Xariirad Widhwidh Xudun Boon

Horumarka ay gaadhay Telesom waxa hormuud ka ah, shaqaalaha kartida, aqoonta iyo akhlaaqda leh ee ka hawlgala. Wasiir Xirsi X. Cali.

wasiirku xusay in ay horumarka ay Telesom gaadhay ay hormuud ka yihiin shaqaalaha kartida, aqoonta iyo akhlaaqda leh ee ka hawlgala. Wasiirka Qorshaynta Qaranka Md. Sacad Cali Shire, oo isagu xafladda soo xidhay waxa uu sheegay in shirkadda Telesom ay kaalin mug leh ku leedahay horumarka dalka, iyada oo uu

Muuqaalka Qaar ka mid ah Masuuliyiintii xafladda Shaqaalaha Telesom hadalada ka jeediyay

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom iyo Google oo si Wadajir ah u fulinaya Barnaamijyo Cusub

elesom Newsletter, March 7, 2012, Masuuliyiinta Shirkadda Telesom ayaa 3dii March 2012 xarunta Shirkadda ku qaabilay wefti ka socda Shirkadda

Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan waxa uu xusay in adeegyadan cusub ay ugu horreeyaan in Macaamiisha Telesom ee Moobilka iyo Adeegga E-mailka ee Google ay ku wada sheekaysan karaan ama isweydaarsan karaan farriimaha qoraalka ee SMS-ka, iyada oo la adeegsanayo Moobilka Telesom. Waxana uu intaasi ku daray in barnaamijkani uu hadda ku jiro wakhtigii tijaabada, isla markaana macaamiisha loo sii deyn doono dhowaan. Xidhiidhkan cusub ee Shirkadda Google iyo Telesom waxa la rajeynayaa in uu mustaqbalka dhow u fududeeyo macaamiisha adeegyo kala duwan oo shirkadda Google ay bixiso. Telesom waa shirkadda ugu ballaadhan wadanka ee bixisa adeegyada GSM-ka oo isugu jira 2G/3G labadaba, Internetka iyo adeegga laymanka guryaha. Telesom sidoo kale waa shirkadda keliya ee wadanka ka bixisa adeegga moobilka lacagaha lagu xawisho iyo adeegyo kale oo tiro badan oo ay ka mid yihiin AqoonMaal, oo ay macaamiishu ka helaan warar iyo macluumaad aqooneed, adeegga kumushaax (Roaming), oo kuu sahlaya in dalal badan oo dunida ah aad moobilka Telesom la tagto, kuna isticmaasho iyo adeegyo kale oo tiro badan.

Google ee caanka ku ah baadigoobaha iyo adeegyada kale ee Isgaadhsiinta. Weftiga Google oo uu horkacayay Mr. Divon Lan, oo ka tirsan qaybta adeegyada Suuqyada soo koraya ee Google, waa markii ugu horreysay ee ay Somaliland yimaadaan iyaga oo qorsheynaya in ay qayb ka noqdaan Suuqa koraya ee Teknoolajiyadda wadanka. Masuuliyiinta Telesom ayaa weftiga Google ku soo wareejiyay qaar ka mid ah xarumaha Shirkadda, iyaga oo soo arkay teknoolajiyadda casriga ah ee Shirkaddu adeegsato, oo runtii ku noqotay mid aanay filayn. Waxa kale oo labada dhinac ay isweydaarsadeen macluumaad kuwajahan adeegyada Isgaadhsiinta, gaar ahaan Internetka iyo sidii loo horumarin lahaa. Dhanka kale, Madaxa Waaxaha Xidhiidhka Caalamiga ah iyo Internet-ka Shirkadda Telesom, Mr. Maxamuud Cabdiraxmaan ayaa ka warramay heshiis caalami ah oo labada shirkadood ee Google iyo Telesom ay wada galeen bishii April 2011, kaasi oo ku saabsan in la abuuro adeegyo cusub oo ay ka faaiidaystaan Macaamiisha labada shirkaddooda.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Qiimo-Dhimistii ugu Ballaadhnayd oo Telesom u samaysay Macaamiisha


ahaynba. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga Moobilka, Internetka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegga ILA-MAQAL (Codka soo dhicista mobile-ka) Adeegyada AQOONMAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/ English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faaiido u leh bulshadda. Intaa ka dib, waxa maanta farxad weyn noo ah in aanu ku dhawaaqno QIIMO -DHIMIS BALLAADHAN oo aanu ku samaynay adeegyada Telesom, gaar qoran oo aanu $1 ka dhignay 15-kii daqiiqo, halkii uu ka ahaan jiray 3.3 daqiiqo. Taas oo u dhiganta in aanu jabinay 350% (sadex jeer iyo badh) kana dhigaysa Telesom Shirkadda Geeska Africa ugu jaban qiimaha lagula hadlo dibadda. UK, Canada, Malaysia, China, USA, Sweden, Denmark, Holland, Norway, Belgium, France, Germany, Thailand, Turkey, Russia, New Zealand, Italy, Switzerland, Australia, India, South Africa, Ireland. 2. Sidoo kale waxa aanu qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka iyo laynka wadamadan hoose ka dhignay 15 daqiiqo: Canada, Malaysia, China, USA, Thailand 3. Qiimaha lagula hadlo $1 Mobile-ka wadamadan hoose waxaanu ka dhignay 5 daqiiqo: UK, Sweden, Turkey, Russia. 4. Dhinaca wadama jaarka aynu nahay gaar ahaan Soomaliya iyo Puntland, 100% ayaanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo $1 waxa aanu ka dhignay 20 daqiiqo. DALKA GUDIHIISA: Dalka Gudihiisa waxa aanu maanta laga bilaabo $1 ka dhignay 200 daqiiqo, laga bilaabo saacadaha 10-ka fiidnimo ilaa 6da arroornimo.

T
ka.

Mudane Cabdisalaam Ismaaciil Nuur

ahaan adeegga Prepaid-ka ee Mobileka, kadib markii aanu daraasanay duruufaha dhaqaale ee dalka ka taagan iyo daryeelida macaamiishayada qaaliga ah. Qiimo-dhimista aanu samaynay waxa ay ka kooban tahay sadex qaybood oo kala ah Gudaha, Dibada iyo National-ka: 1. Waxa aanu hoos u dhignay qiimaha lagula hadlo layn-ka wadamadda dibadda (International), gaar ahaan wadamada hoos ku

elesom Newsletter, March 31, 2012, Shirkadda Telesom ayaa daboolka ka qaaday qiimo-

dhimis ballaadhan oo ay ku samaysay adeegyadeed kala duwan ee gudaha iyo dibadaba gaar ahaan, adeegga prepaidWar-saxaafadeed uu u saxeexan yahay maaamulaha qaybta horumarinta ganacsiga ee Telesom Md. Cabdilsaan Ismaaciil Nuur, oo si faahfaahsan u sharaxaya qiimo-dhimista ayaa waxa u qornaa sidan: Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday hal-abuurnimo iyo in ay ku horrayso wakhtikastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD. Zaad waxa ka faaiidaystay qof Macmiil Telesom ah iyo mid aan

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

DAAHFURKA ADEEGGA CODKA SOO DHICISTA MOBILE-KA


Ila-Maqal (Caller Ring-back tones)

elesom Newsletter, January 24 2012 Shirkadda Telesom ayaa daahfurtay adeeg cusub oo loogu wanqalay Ila-maqal (Ringback tone). Xafladda daahfurkan oo ahaa shir-saxaafadeed lagu soo casuumay dhammaan bahweynta saxaafada Somaliland ayaa lagu qabtay xarunta dhexe ee Telesom. War-saxaafadeedka lagu daahfurayay adeegga Ila-Maqal oo uu xafladda daahfurka ka akhriyay maamulaha qaybta horumarinta ganacsiga Telesom, Md. Cabadisalaan Ismaaciil Nuur waxa uu u dhignaa sidan: Shirkadda Telesom waxay ku caanbaxday hal-abuurnimo iyo in ay ku horrayso wakhtikastaba sidii bulshada loogu soo bandhigi lahaa adeegyo casri ah, oo kabaya horumarka noloshooda. Telesom waa shirkaddii ugu horreysay ee dalka keenta adeegga caanka ah ee ZAAD. Zaad waxa ka faaiidaystay qof Macmiil Telesom ah iyo mid aan ahaynba. Waxa kale oo ay shirkadda Telesom ku suntan tahay in ay tahay shirkaddii ugu horreysay ee dalka

keenta adeegga Moobilka,

Inter-

netka, 3G-ga, GPRS-ka, Adeegyada AQOON-MAAL oo ka kooban warar (news), qaamuus isugu turjumaya Somali/English, Wikipedia, iyo macluumaad badan oo faaiido u leh bulshadda. Haddaba, kulankeenan maanta [Jan 24,
Mudane Cabdisalaam Ismaaciil Nuur

nastaan codka macno-daradda ah ee mobile-ka (ringing), kaas oo aanu ku beddelnay codad faaiido iyo saamayn ku yeelanaya dhagaha macaamiisha. Adeeggan waxa aanu ugu wan-qalnay Ila-Maqal (Ringback tone): Waa adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu tijaabada ahaa xiiso galiyay macaamiisha, adeeggan waxa ku jira dhawr cod oo kala ah: 1. Sugaan, 2. Axaadiis, 3. Anaasheed iyo Ducooyin. Mustaqbalka waxa lagu biirin doonaa barnaamijyo madaadalo iyo murti soomaaliyeed ah, sida gabayo, maahmaaho iyo xikmado aan xajiin iyo turxaan lahayn. Si loo isticmaalo adeeggan Ila-maqal macaamiishu waxa ay iska diwaangelinayaan mobayladooda, iyaga oo erayga reg SMS ahaan ugu diraya numberka 300, kadibna waxa uu garaacayaa numberka 118. Halkaas ayaa laga hagayaa.

Ila-Maqal (Ringback tone): Waa adeeg dalka ku cusub oo muddadii uu tijaabada ahaa xiiso galiyay macaamiisha.

2012] waxa aanu ku soo bandhigaynaa adeeg kale oo casri ah, xiiso badan isla markaana saamayn mug leh iyo isbeddel ku yeelan doona isticmaalka Mobile -da Telesom. Adeeggan oo aanu ugu talogalnay in maacaamiishu kaga

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

elesom Newsletter, 26 Dec 2011, Salaam Financial Services oo ah hayad maaliyadeed una shaqaynaya sida bangiyada caalamka oo ku salaysan shareecada islaamka (Islamic Banking) ayaa daahfurtay adeega cusub ee KAAFI. KAAFI waxa uu kuu fududeynayaa inaad lacagta ku dhigan karto ama kula bixi karto ZAAD oo laguugu xidho xisaabta ama akoonka aad ku leedahay SALAAM, meel kasta oo aad ka heli karto shabakada Telesom. Xafladda daahfurka adeegga KAAFI oo ay ka hadleen masuuliyiin ka kala socday shirkadda Telesom iyo Salaam waxa ugu horayn ka hadlay Cabdisalaam Ismaaciil Nuur oo ah maamulaha Qaybta Horumarinta Ganacsiga Telesom, oo ammaanay sida ay ugu hagar baxdo shirkaddu adeegyada kala duwan ee ay hadba bulshadeeda u keenayso iyada oo uu adeega KAAFI ku tilmaamay mid ay qayb ka tahay shirkadda Telesom.

Sidoo kale, waxaa isna goobta daahfurka hadal dheer ka jeediyay Guddoomiye ku-xigeenka Salaam Financial Services, Md. Maxamed Ibraahim, waxaanu yidhi; SALAAM waxa uu kuu fududeynayaa in aad lacagta ku dhigan karto ama kula bixi karto ZAAD oo laguugu xidho xisaabta ama akoonka aad ku leedahay SALAAM meel kasta oo aad ka heli karto shabakada Telesom. Waxa kale oo aad dhaqdhaqaaqa xisaabtaada iyo

hadhaagaba kala socon kartaa mobilkaaga (SMS BANKING). Waxa kale oo iyaguna madasha hadalo koobkooban ka jeediyay Md. Cabdiqani Xariir oo ah Madaxa Suuqgeynta iyo Adeega Macaamiisha SALAAM iyo Md. Cabdiraxmaan Aadam Shire oo ah Madaxa Waaxda ZAAD Services, iyaga oo tilmaamay in adeegga KAAFI uu faaiido weyn u leeyahay bulshadda Somaliland, gaar ahaan macaamiisha ZAAD ka diiwaangashan.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

elesom Newsletter, 14 Feb 2012, Shirkadda Telesom ayaa Hutel Maansoor Xaflada casho Sharaf ah

ku maamuustay dhallinyaro Dhakhaatiir ah oo wadanka wax ku bartay balse shahaadada digriiga labaad ka soo dhammaystay jaamacad ku taala dalka Yugaandha. Casho-sharafta ay Telesom ku maamuustatay dhakhaatiirtan dhallinyarada ah ee cusub, waxa kale oo ku wehelinayay maamulka daladda dhallinyaradda ee SONYO. Xafladda Casho sharafta ah oo ay shirkadda Telesom si gaar ah ay ugu maamustay saddexda dhakhtar oo kala ah Dr. Maxamed Yusuf Culimo, Dr. Adan Haybe Faarax iyo Dr. Abdifataax Yusuf Baaruud, kuwaas oo soo bartay culuunta maamulka xarumaha caafimaadka dadweynaha (Public Administration Health), sidoo kale waxay soo koradhsadeen aqoontoodii dhakhtarnimo, iyaga oo ka helay jaamacada khubaro caafimaad oo ka kala yimi daafaha dunida.

Madaxda Shirkadda Telesom ee ka soo qaybgalay casho-sharafta waxa ka mid ahaa Cabdisalaam Ismaciil Nuur maamulaha guud ee qaybta Horumarinta Ganacsiga (Business Development Division), Md. Cabdiwahaab Maax Maxamud maamulaha guud ee Qaybta Ganacsiga (Commercial Division), Maamulaha Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha Md. Yaxye Iid Dhimil, Maamule ku xigeenka Waaxda Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha Md. Maxamed Cabdi Darbo iyo Madaxa adeegga macaamiisha iyo Xidhiidhka Dadweynaha, Md. Mustafe Adam Muse iyo madaxa xidhiidhka Caalamiga ah Cadnaan Daahir waxaanay dhammaantood ugu hambalyeeyeen dhakhaatirtan dalkoodii hooyo u soo laabtay guushan iyo aqoontan ay gaadheen, iyaga oo ku dhiirigeliyay in ay dalka si hagar laaan ah ugu shaqeeyaan. Waxaa sidoo kale iyaguna halkaasi ka hadley Guddoomiyaha iyo agaasimaha daladda SONYO Axmed Cabdi Wacays iyo Siciid Maxamed Axmed, waxaanay shirkadda

Telesom uga mahadnaqeen maamuskan ay ku qaabishay Dhakhaatiirtan dada yar iyo guud ahaanba doorka ay Telesom kaga jirto Shaqaalaysiinta dhallinyarada Jaamacadaha kala duwan ee dalka wax ku soo bartay. Waxaanay shirkadda ka codsadeen in ay sii laban laabto dedaalka iyo garab-galka dhallinyarada ay la garab joogto. Ugu dambayntii waxaa iyaguna hadalo iskugu jira mahadnaq iyo xog-waran ku saabsan dedaalkii dheeraa ee ay soo mareen ka waramay Dr. Maxamed Yusuf Culimo, Dr. Adan Haybe Farah iyo Dr. Abdifataah Yusuf Barud. waxaanay sheegeen in ay sameeyeen dedaal badan. Waxa kale oo ay sheegeen in ay ugu tageen dalka Yugaandha dhallinyaro dedaalaysa oo aqoon leh. Waxay xuseen inay Jaamacada ay dhiganayeen ay ku jireen in ka badan 5000 oo dhakhtar, professors-ka waxa ka dhigayay waxay ka soo kala jeedeen dalalka Uganda, Kenya, Pakistan iyo qaar kale oo waddamo kale ka soo jeeda.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Waxa diyaariyay xafiiska HRM-ka

Baro mid ka mid ah hormuudka Shaqaalaha Telesom


Haddii aynu eego dhinaca waxbarashada dadban, Axmed Adam waxaa uu mudadii u dhaxaysay sannadkii 1996 1999 bartay, computer, management iyo accounting-ka, machadka KAAH. 2004 waxaa u sidoo kale, qaatay tobobar la magac baxay TOT course of effective Training Method. 2007 waxa uu qaatay tabobar lagu baranayay Iibka, Suuq-gaynta, xidhiidhka macmiilka iyo sida loo maamulo shaqaalaha, kaas oo ay diyaarisay shirkadda Telesom. Sidoo kale waxaa uu qaatay tabobaro badan saddexdii sanno ee u danbeeyey. Axmed Adam waxaa uu shirkadda Telesom ku soo biiray sannadkii 2006 waxaanu muddadaas soo qabtay shaqooyin kala duwan. Hadda Axmed waa madaxa Iibka iyo Suuq-gaynta Telesom ee Magaalada Togwajaale, waana ku-xigeenka maamulaha Site-ka Togwajaale.

Axmed Adam Jibriil

ormadeenii taxanaha ahayd ee Baro mid ka mid ah hormuudka Telesom. tirsigan oo ah kii 12aad waxaynu ku qaada-dhigi doonaa Axmed Adam Jibriil oo ka mid ah Shaqaalaha Telesom ee Tog-wajaale.

Axmed waxaa uu muddadii uu shirkadda Telesom ka Axmed Adam Jibriil, waxaa uu ku dhashay Jamhuurishaqaynayey uu sameeyey dedaal iyo horumar la taayada Somaliland gaar ahaan magaalada Hargaysa, sanban karo. Taasna waxaa inoo cadaynaysaa shaqooynadkii 1980. Axmed waxa uu waxbarashada hoose iyo inka kala duwan ee uu soo qabtay iyo darajooydhexeba ka dhamastay dugsiyada Sheekh inka uu gaadhay. Waxaanu kumuBaraawe iyo Madarasada Altaystay abaalmarino, shaFurqaan. Waxbarashaddii Axmed Adam Jibriil, waxa uu ahaa haadooyin iyo dalacsiin. Dugsiga sare Waxaa uu ardaygii ugu sareeyay (Honor Stuka baxay dugsiga dent) kulliyadda Maamulka & Sidaasi daraadeed, Faarax Oomar ee MaMaaraynta Jaamacadda Hargeysa markii uu maamulka gaalada Hargaysa. Axshirkadda iyo xafiiska 2004-kii med Adam waxaa uu ka shaqada iyo shaqaalahu arkeen qalin jabiyey Kuuliyada Maakartida iyo dedaalka uu muuiyey, Mr. mulka iyo maaraynta ee Jaamacadda HarAxmed Adam Jibriil, ayaa loo aqoonsaday in loo gaysa sannadkii 2004, waxaanu noqday ardaygii ugu caleemo saaro inuu noqdo shakhsiga tirsigan masareeyay (Honor student). 2010 ilaa hadda waxaa uu jaladda Telesom lagu falan-qayn doono sanadkan. ka dhigtaa Jaamacadda Tima-cadde barashada culuumta Islaamka. Gabogabadii, Axmed oo kaliya maaha shaqaalaha kor Axmed Adam waa nin waxbarashada jacayl iyo hamuun u qaba sida ka muuqata sooyaalka taariikhdiisa, isaga oo mar walba jecel in uu tayeeyo aqoontiisa. u qaaday aqoontooda, xirfaddooda & horumarkooda shaqo ee waxaa jira shaqaale badan oo aanu mid mid ugu soo qaadan doono tirsiyada soo socda ee majalada Telesom, haddii Alle agolaado.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom oo mishiin koronto ugu deeqday Cusbitaalka Borama, deeq lacageedna guddoonsiisay dawladda hoose ee Gabiley

elesom Newsletter, 20 Feb 2012, Shirkadda Telesom ayaa cusbitaalka Guud ee magaaladda Boorama ugu deeqday Mishiin weyn oo ah nooca aan shanqadha lahayn oo 30KV. Waxaanay masuuliyiinka shiradda Telesom si toosa ah ugu wareejiyeen maamulka guud ee Cusbitaalka Borama. Xaflada gudoonsiinta Mishiinka oo ka dhacday hoolka shirarka ee Cusbitaalka Borama ayaa waxa ka soo qayb -galay maamulka shirkadda Telesom, agaasimaha iyo boodhka Cusbitaalka, Badhasaabku xigeenka Gobolka Awdal, Sheekhul baladka Booram iyo marti sharaf kale. Ugu horayn, waxaa xafladaasi ka hadlay, agaasimaha guud ee cusbitaal Boorama, waxaanu shirkadda Telesom uga mahadnaqay sidii dhakhsaha badnayd ee ay codsigoodii u fuliyeen, isagoo tilmaamay in shirkadda Telesom Miishiinka cusbitaalka Boorama ay keentay wakhtiigii aadka loogu baahnaa. Waxaa isna ka dib hadlay maamulaha Shirkadda Telesom ee gobolka Awdal Md. Cabdiqadir Aadan Nuur, isagoo mahadnaqa iyo amaanba u soo jeediyey maamulka shirkadda Telesom siday ugu taageeraan wax-ka qabashada baahiyaha ka taagan gobolka Awdal, waxanu xusay in shirkadda Telesom tahay shirkadd ay dadka reer Boorama wax ku leeyihiin oo faaiidadeeda si toos ah iyo si dadbanba ay uga helaan. Sidoo kele, waxaa isna hadal kooban ka soo jeediyey maamulaha horumarinta Ganacisga (Business Development Division) ee shirkadda Telesom, Md. C/salaam Ismacil Nuur waxaanu si aad ah u xusay in shirkaddu waxaa ugu wayn ee ay dalka u qabtay tahay in shaqadii loo igmaday oo ah in dalka ay wadda gaadshiiso isgaadhsiinta ay wadda gaadhsiisay oo magaalo kasta iyo tuulo kasta maanta si fudud loo wadda xidhiidhi karo. Waxaa kale oo uu tilmaamay in shirkadda Telesom sahashay in lacagtii waddanka dhex taalay la iskugu

gudbiyo si bilaasha ah oo uu qofku ehelkiisa iyo qaraabadiisa wadanka meelkasta oo ay ka joogaan daqiiqado kooban ku gaadhsiin karo, taasina ay kor u qaaday dhaqdhaqaaqii ganacsiga. Waxaa kale oo uu xusay in Shirkadda Telesom tahay shirkad ay dadku wadda leeyahay oo loo dhiibtay lacag oo waliba inta dadkii loogu shaqeeyey haddana faaiido dib loogu soo celiyey sanaddo badan. Md. Cabdi-wahaab Maax, oo ah Maamulaha Qaybta Ganacisga (Commercial Division) waxa uu sheegay in shirkadda Telesom ay guddanayso waajibaadka ka saran bulshadeeda maadaama ay bulshadu tahay ta ay ka hesho faaiidada kana dhex ganacsato, sidaasi daraadeedna ay waajib tahay in bulshada wax ay u qabto. Waxaa kale oo uu xusay in Shirkadda Telesom ay bulshada ku nool gobolada ay ka caawiso baahiyahooda kala duwan sidoo kalena ay dawladda laftigeeda iyadoo cashuur ka qaada ay haddana wixii ay garab waydiisato ay shirkaddu ka caawiso. Ugu danbayntii, waxaa kalmadii xidhitaanka ka soo jeediyey xaflada Kusimaha Badhasaabka Boorama Md.Cabdi Nuur Sugaal, waxanu yidhi, Waxaan aad ugu

faraxsanahay shirkadda Telesom ee bixisay janaraytarka oo uu baahin wayn u qabay dhakhtarku, aad iyo aadna way ugu mahadsan yihiin. Telesom markii ay qabtay shaqadeedii war isgaadhsiinta, ZAAD-ka iyo Korantada, waxay u gudubtay horumarkii oo ah inay dadka wax ku celiso. Waxaan tusaale ugu soo qaadanayaa, tartankii ciyaaraha gobolada, Telesom waxay ahayd shirkaddii ugu horaysay ee waxa ugu wayn bixisa ee aan u tagay. Dhinaca kale Telesom waxa ay bishii February 2012, ugu deeqday lacag dhan $7000 (todoba kun oo dollar) dawlada hoose ee gobolka gabiley, lacagtaas oo ay guddoontay Md. Khadra Xaaji Gaydh, Maayarka degmadda gabiley, waxa loogu talo galay in ay qayb ka noqoto lacag lagu dhisayay dugsi waxbarasasho.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

18 Shaqaalaha Telesom ah oo ka qalinjabiyey Jaamacadaha dalka

annad walba waxaa shirkadda Telesom ugu qalinjabiya jaamacadaha dalka shaqaale aad u tiro badan, taasina waxa ay cadaynaysaa dedaalka ay maamulka Telesom ugu jiraan horumarinta iyo dhiirigelinta shaqalaha shirkadda.

Sannadkan 2011 waxaa Jaamacadaha Elo American University, IHU, Hope, Admas iyo Hargaysa ka qalinjabisay shaqaale badan oo Telesom ka tirsan, kuwaas oo qaar ka mid ahi ku guulaysteen kaalmaha hore, magacayada Shaqalaha Telesom ee Jamacadaha Dalka ka baxay waxaa ka mid ah:

1. Axmed Sh.Yusuf Diiriye (Honor)


Elo University

2. Eng. Mukhtar Muxed Alla-bari


(Honor), Elo University

3. Sh. Deeq Cabdi Xasan (Honor)


Elo University

4. Eng. Abdirashid Jibril Yoonis


Elo University

5. Farah Jamac Guuleed


Admas University

6. Cabdifatah Axmed Cumaer


Admas University

7. Shucayb Jirde Xasan


Admas University

8. C.risaaq Xasan Cisman (Honor)


IHU University

9. Khadar Siciid Maxamed


Hope University

10. Cabdilaahi Kayse Guure


Hargeisa University

11. Farxaan Maxamed Abokor


Hargeisa University

12. Hodan Maxamud Warsame


Hargeisa University

13. Xasan Maxamed Xasan


Hargeisa University

14. Maxamed Axmed Muxumed


Hargeisa University

15. Kaltuun Xasan Cabdilaahi


Hargeisa University

16. Jamac Maxamed Axmed


Hargeisa University

17. Khadar Xariir Xuseen


Hargeisa University 18. Muuse Maxamed Siciid Hargeisa University

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom iyo Xidhiidhka ay la leedahay Beelaha La Hayb-sooco

argaysa [Newsletter Telesom ]Badhtamihii sannadkii 2011 waxaa lagu soo bandhigey Hotel Maansoor ee magaalada Hargeisa Buuga loogu magacday Hiil oo uu qoray, Qoraaga Xasan Adan Madar, buuggaas oo ka hadlaaya waayaha iyo duruufaha ku gadaaman Beelaha la hayb-sooco waxa bandhigidiisa soo qabanqaabiiyay Akademiga Horumarka iyo Waxbarashada Dadka Laheyb-sooco ee (ADEM), waxaana Maal-galisay Shirkadda Telesom. Xaflada Bandhiga Buuga Hiil waxaa ka soo qayb galay qaybaha kala duwan ee bulshada Somaliland sida Culimada, Aqoonyahanka, Salaadiinta, Siyaasiyiinta, iyo Ganacsatada shirikaadka dalka. Waxaa ugu horeyn Xafalada furay Isu-duwaha Akademiga Xuseen Ibrahim Xassan, isaga oo si gaar ah uugu nuuxnuuxsadey Horumarka ay Beelaha laheyb-sooco ka sameeyeen dhinacyada waxbarashada iyo ganacsiga waxaanu Isku-duwuhu baaq gaar ah u diray dhamaan ummadda Gabooye meel kasta oo ay joogaan, isaga oo kula dardaarmay inay iska dhaafaan cabashada iyo calaacalka kuna dadaalaan gacan qabashada kooda wanaaga wada iyo la dagaalanka kooda dhinaca xun wax ka eegaya waxaanu Xuseen sidoo kale kula dardaarmay xukumada Axmed Siilaanyo inay ku dadaasha hoos u eegida iyo wax u qabadka dadka laheyb-sooco. Madaxa Waaxda Iibka ee shirkadda Telesom, Cabdiwajaab Maax ooo munaasibadda hadlka ka jeediay ayaa sheegay; In shirkadda Telesom koobna oo kaliya inay beelaha la hayb -sooco ka caawiso dhinaca maalgalinta xafladaha gaar ah ee waxaa jira mashaariic horumarineed oo ay la garab joogto beelaha la hayb-soocsa. Mashaariicdaa waxaa ka mid ah inay shirkadda Telesom u dhistay beelaha la hayb-sooco Iskuul lagu barto cilmiga Diiniga ah iyo ka maadiga ah, sidoo kalena ay ugu deeqday 10 macalin hal sanno Mushahaaradood. Haddaba, Guddoomiyaha Akadeemiyada iyo Horumarinta Beelaha La hayb-sooco (ADEM) Md. Barkhad Jaamac Xirsi waxaa uu ka warbixiyey dhibaatada haystada Beelahooda iyo waxyaala u sababa, waxaanu yidhi, Dadkani waa dad laga degay Maskaxda iyo Maanka, taas oo ku reebtay caado xun oo soo jireen ahayd, dadkani malaha hiil, hirkasho iyo horumar toona. Dadka waxay u baahan yihiin in aqoontooda la dhiso si jiilka soo korayaa uga baxaan dhiibatadan. Guddomiye Barkhad waxaa uu sheegay in Akadeemiyad ahaan ay
Sul. Daahir: Suldaanka guud ee Beerlaha la hayb-sooco

xidhiidh joogta ah Shirkadda Telesom.

la

leeyihiin

Dhanka kale, Suldaanka Guud ee beelaha la habsooco Suldaan Daakir ayaa isaguna ammaan iyo mahadnaq u soo jeediyey shirkadda Telesom, waxaanu yidhi, Guud ahaan shirkadda Telesom waxaanu ku amaanaynaa dadaalka ay ummadda ugu jirto, gaar ahaana Beelaha la hayb-sooco. Shirkaddaha kale waxaan u soo jeedin lahaa inay sida Shirkadda Telesom oo kale dadka ku eegaan il-naxariis leh. Maamulka shirkadda Telesom-na waxaan u soo jeedin lahaa inay 10 macalin ee ay hore noogu deeqeen ay noogu kordhinyaan 15 macalin oo kale maadaama oo ay ardayda aanu haynaa aad uga badan tahay 10 macalin ee Telesom naga caawiso fiigooda.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax-qabadka Arrimaha Bulshada ee Telesom Laascaanood, Ceerigaabo iyo Buuhoodle


Telesom Laascaanood: Shirkadda qaaliyaha qabtay Telesom xarunteeda LaasCabdi Hure, maamulaha Shirkadda Telesom Mudane Jamaal X. Axmed Ducaale iyo dhallinyaro tiro badan. Telesom Buuhoodle: Tartan Kubadda cagta oo ay maalgelisay shirkadda Telesom Buuhoodle ayaa laga hirgaliyay magaaladda Buuhoodle, tartankaas oo aad u xiiso badnaa waxa daawanaayey boqolaal dhallinyaro iyo waayeelba ka koobnaa. Kooxaha tartanka ka qaybgalay waxay ka koobnaayeen 8 kooxood oo kala ahaa: ALASKA. Waxa ciyaartii dhammaadka isugu soo hadhay labada kooxood ee DABKA & SWL waxay guushii ku raacday Kooda DABKA. Maamulaha Telesom Buuhoodle, mudane Cabdisamad Cali Xasan ayaa abaal-marino iskugu jirtay Lacag, kubaddo iyo kabo kala siiyeen kooxdiihii ku guulaysatay kaalmaha 1aad iyo 2aad, kooxdii ugu ciyaarta fiicnayd, ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa iyo gool-hayihii ugu waanagsan. DABKA, SWL, SAYVO, YOUNG HILAAC, BOYS & HORSEED, KALSHAALE, caanood ayaa guddoonsiisay abaal-marin maacaamiisheeda xafiiska isticmaala adeega AQOON-MAAL xafladas oo lagu xarunta Laascaanood. Waxaa guddoonsiiyey maamulaha Telesom Laascaanoo, Md. Cabdirisaaq Axmed Warsame. Gobolka Laascaanood ama waxay noqotay loogu ismagaalada

ticmaalka badan adeegga AQOON-MAAL, waxanay ku guulaysteen abaal-marintii ugu badnayd. Telesom Ceerigaabo:

Telesom Ceerigaabo waxay qabatay ciyaar saaxiibtimo oo dhex martary laba kooxood oo ku kala ciyaarayey Shirkadda Telesom iyo kooxda Gaashaan oo ka dhacday garoonka weyn ee Daallo Stadium, waxaana ka soo qaybgalay Wasiirka Xananaanada Xoolaha Dr. Cabdi Aw daahir, badhasaabka gobolka Sanaag Cali

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Zeko Sooc: Waa maxay Seko?


Qaybtii 3aad

W
4.

aa Qorme taxane ah oo aanu ka soo qaadanay buug yare uu diyaariyay Suldaan Maxamed Xasan oo ka tirsan BOD-ka shirkadda, kaas oo uu ku diyaariyay noocyada zakada, habka loo bixiyo, maalka ay ku waajibto iyo wakhtiyada la bixiyo.

Tirada ka baxaysa wax-soosaarka beeraha:

Beeruhu waxay ka midyihiin nicmooyinka Ilaahay ku galadaystay aadamaha, sidaa awgeed waxaa ilaahay ku waajibiyay wixii kasoo baxa in laga bixiyo qadar magacaaban marka ay soo go,aan sida uu Qur,aanku cadeeyay iyo sunnada rasuulkuba, waxaana alle ku yidhi kitaabka kariimka ah: (141 : ) Oo macneheedu yahay (waxaad cuntaan midhaha ay bixiyaan beeruhu markay baxaan, waxaad kale oo ka bixisaan xaqa ( sekada ) marka aad goosataan). Waxaana ay sunnadu caddaysay tirada laga bixinaayo noocyada kasoo baxa beeraha iyo inta ay ku sekoobayaan taasi oo nebigeenu ku yidhi xadiis uu werinaayo Abuu Saciid Alkhudari Alle haka raali noqdee: (Wixii ka yar shan awr-qaad ee beer kasoo baxa seko laguma laha). ( . ) Waxaa ay culimadu ku qiyaaseen shantaa awr-qaad inay dhantahay waqtigan: (653kg) Intaasi wixi kayari ma sekoobaab, ee wixii intaa gaadha ama ka badan ayaa

la sekaynayaa habka sekadooduna waa sidan soo socota. 1. Beeraha iyo midhaha lagu beero roobka ama wabiyada dur-durka ah waxaa laga bixinayaa 10% wixii soo go, ay toban boqolkiiba. 2. Beeraha iyo midhaha lagu beero riig, baliyo, ceelal iwm waxaa lagu dhufanayaa 5% marka ay soo go, aan lala sugi maayo sanad iyaga. 3. Qaybta saddexaad waa Beerta mar lagu waraabiyo biyaha Roobka, marna lagu waraabiyo tacabka iyo xooga kuwa noocan oo kale ah waxaa loo sekaynayaa hab u dhexeeya labadii hore oo ah in la bixiyo 7.5%. marka laga saaro wixii qashin ah sida : isha, baalka, qolofta iwm. FIIRO GAAR AH: Had iyo jeer marka laga hadlaayo sekada waxa kasoo baxa beeraha waxaa loo Jeedaa midhaha kaydka gala oo waxaa ka baxaaya kuwa aan kaydsamin Ee khudaarta ah, waana inaynu madaxa ku haynaa inay banaantahay wixii sadaqo ah ee uu qofku la baxaayo.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Ka Faaiidayso Salaam Remittance (Salaam financial Services)


Diyaariye: Maxamed Ibraahim: Maareeye ku xigeenka guud ee Salaam

ALAAM waa xarun cusub oo laga furay caasimadda Somaliland ee Hargeisa sannadkii 2010 bishii afraad, waa hayad maaliyadeed (financial institution) una shaqaynaysa sida bangiyada caalamka oo ku salaysan shareecada islaamka (ISLAMIC BANKING) Goobta Xaruntu waxay ku taal badhtamaha caasimadda Hargeysa ka soo horjeedka baanka ganacsiga Somaliland, waxay dhanka galbeed ka soo eegaysaa xarunta khayriyadda. Waxa loo furay inay xaruntani u adeegto bulsho weynta Somaliland, dhinacyada dhaqaalaha bulsho iyo xidhiidhka xagga maaliyadda ee dibadda. Waa xarun u diyaarsan bangi ahaan marka u horreysa ee la sharciyeeyo bangiyadana noqonaysa baankii u horreeyey ee laga hirgeliyo Somaliland, waana xaruntii u horreysay ee bixisa adeegyada maaliyadeed ee bangi guud ahaanba Somaliland. SALAAM adeegyada uu hadda qabto waxa ka mid ah: Xisaab furid (Account opening) SALAAM waxa aad ka furan kartaa dhammaan noocyada kala duwan ee xisaabeed (accounts) ka sida (Saving/Current Accounts). Akownadu waa laba nooc oo kala ah AKOWN SHAKHSI AH iyo AKOWN GANACSI (Individual/ Corporate account) Furrida account-ku waa mid ah lacag laaan wax khidmad ahna lagama qaado qofka macmiilka ah marka loo furayo account-ka kaliya waxa laga rabaa qofka macmiilka ah inuu lacagtiisa dhigto SALAAM, marka

uu doonana ka qaato, isaga oo adeegsanaya jeeg ama warqadda lacag la bixidda. SALAAM waxa uu kuu fududeynayaa inaad lacagta ku dhigan karto ama kula bixi karto ZAAD oo laguugu xidho xisaabta ama akoonka aad ku leedahay SALAAM meel kasta oo aad ka heli karto shabakada Telesom. Waxa kale oo aad dhaqdhaqaaqa xisaabtaada iyo hadhaagaba kala socon kartaa mobilkaaga (SMS BANKING). Sidoo kale waxaad xisaabtaada kula socon kartaa shabakada internet ka meel kasta oo aad caalamka ka joogto adiga oo heli doona adeegga E-BANKING. Dhammaan adeegyadaas waxaad ka heli kartaa SALAAM, adiga oo taga kana qaata USER ID iyo PIN haddii uu kuu furan yahay akoon SALAAM ah. Kuma koobna intaas adeegga uu kuu qabanayo SALAAM, waxa kale oo ka mid ah inaad si sahlan u diri karto lacagaha ku socda bangiyada kale sida TT ama Telegraphic/Telex Transfers dhammaan caalamka sida shirkadaha, shakhsiyaadka ama jaamacadaha, keliya waxaad u baahan tahay inaad haysato cinwaanka meeshaad u direyso iyo baanka aad u direyso oo dhammeystiran.
Ka Eeg bogga 18aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Ka Faaiidayso Salaam ...


Maalgelinta (investment): SALAAM waxa uu diyaariyey noocyada maalgelinta, sida; muraabaxada, mushaarakada ama mudaarabada iyo wixii la mid ah oo waafaqsan shareecada islaamka. Adeegyadan waxa diyaar u ah hadda muraabaxada oo ah nooc ganacsi oo u fududeynaya macaamiisha inay si fudud iskaga bixin karaan badeecadaha lagu siiyo deynta, iyada oo adeegyada kalena si dhakhso ah loo bilaabi doono. SALAAM waxa uu sida ugu dhakhsaha badan uga furanyaa laamo dhammaan gobolada dalka sida Burco, Boorama, Berbera iyo Wajaale oo la furi doona inta aan sannadku dhammaan. Yoolka SALAAM SALAAM waxa u qorsheysan inuu u adeego bulshada dhinaca dhaqaalaha oo waafaqsan shareecada islaamka si uu kor ugu soo kaco dhaqaalaha dalku. Inuu fuliyo kana dhigo adeegga dhaqaalaha islaamka mid shaqaynaya oo muuqda si faca soo koraya ugu noqdo ku dayasho iyo xalaal quudeed. Inuu adeegsado tiknoolajiyada casriga ah si uu uga midho dhaliyo higsigiisa xagga islaamiyeynta dhaqaalaha. Inuu abuuro fac aqoon u leh farsamada bangiyada islaamiga oo hadda ku socda si xawli ah guud ahaanba caalamka. In maalgashigu noqdo mid ka hana qaada dhammaan dhinacyada kala duwan ee bulshada, dhiirri geliyana qurba jooga inay waddankooda maalgashi ku sameeyaan. Ballanqaadka SALAAM: Adeegga macmiilka (Customer services) Waxa kuugu diyaar ah shaqaale u carbisan soo dhaweynta macmiilka una jajaban raalli gelinta macaamisha oo khibrad u leh adeegga aad u baahan tahay. Adeeg hufan (Quality services) Adeeg hufan ayaa laguugu diyaariyey xarunta SALAAM, iyada oo la adeegsanayo tiknoolajiyada casriga ah iyo shaqaale u tababaran haddii ay tahay xidhiidhka gudaha dalka ama dibaddaba si aad u hesho macluumaadka aad u baahan tahay iyo shaqo hufanba. Haddaba keliya waxaad u baahan tahay inaad soo booqato xarunta SALAAM si aad u hesho dhammaan

Dhismaha Xarunta guud ee Salaam

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax ka baro Cudurka Qaaxada!

ogga Caafimaadka ee majaladda Telesom waxa aanu tirsigan ku soo qaadanaynaa qorsho xiiso badan oo ay Dr. Soheir Hassan Ahmed ka diyaarisay cudurka Qaaxadda. Dr. Soheir, waa dhakhtarad da yar oo ka mid ah dhakhaatiirtii ugu horsaysay ee ka qallinjabiya jaamacadda Hargeysa kuliyadda caafimaadka (faculty of medicine and surgery) sannadkii 2009-kii. Dr. Soheir Hassan Ahmed waxa ay hadda ka shaqaysaa cusbitaalka guud ee caasimadda Hargeysa iyo Xarunta qaaxadda ee (PSR findsome TB Center) oo ku taal xaafadda New Hargeisa. Cudurka qaaxada waa xanuun la kala qaado (infectious disease), waxaana sababa jeermis ilma aragtay ah oo loo yaqaano (Mycobactrium Tuberculosis). Wakhtigii ugu horaysay ee la ogaaday cudurka qaaxada waxa uu ahaa 1882, waxaana ogaaday nin saynisyahan Germany ah oo lo odhan jidhay Robert Koch, kaas oo ku helay cudurkan jaaisada Nobel prize. Waxaa la hela sannad walba 8.8 million bukaan cusub ah oo qaba cudurka qaaxada, 1 million ayaa u dhinta, 1 million kalena waa carruur, ilbidhqsi waliba qof cusub ayaa qaada cudurka qaaxada . Waa maxay cudurka qaaxadu?

Cudurka qaaxadu waa xanuun la kala qaado oo uu keeno bakteriyad loo yaqaano Mycobactrium Tuberculosis, kaas oo ku dhaca sanbabada, laakiin ku dhici kara meelo kala duwan oo qaybaha jidhka ah sida: xuubka sanbabada, wadnaha, qanjidhada, maqaarka ama dubka, xubinta taranka, caloosha iyo maskaxda.
Sidee ayuu ku fidaa Cudurka Qaaxadu?

Dr. Soheir Hassan Ahmed Xanuunka qaaxadu wuxuu ku fidaa marka qof qaba xanuunka u qufco, hindhiso ama xaakadiisa ku 4. Dhidid habeenka ah. tufo dhulka wuxuu hawada ku si 5. Qofka oo cuntada cuni karidaynaya bacteriyadii cudurka waaya. dhalinaysay, taas oo qofkii caafiMiisaanka qofka oo hoos u dhaca. maadka qabay uu hawo ahaan u Sida loo baadho cudurka qaaxada? qaadanayo jeermiskii, galaysana 1. Dubka ama maqaarka oo laga sanbabada iyo dhammaan qaytijaabiyo (skin test) laakiin ma baha kala dhuwan ee jidhka. yaalo Somaliland. Markaa waxaa laga yaaba in uu 2. Xaakada oo la qaado (sputum jeermisku ku jiro karo jidhka examination). muddo sannado ah (dormant Tb), 3. Sawir feedhah ah oo la qaado oo wax calaamado xanuun ah ku (chest x-ray). keenayn qofkii (no symptoms or 4. Xaakada oo la beero (sputum signs) ama ka gudbayn (no culture). spreading). Marka difaaca jeermis Wax yaabaha kor u qaada dilaha bukaanku uu hoos u dhaco, qaaxada? jeermisku wuu firfircoonaada 1. Qof qaba xanuunka HIV/AIDS. (active) waxaanu sababaysa 2. Saboolinmada (low socioecoxanuunka qaaxada. nomic status). Waa maxaay calaamdaha 3. Bilaa hoy(homeless) qaaxadu? 4. Meelaha dadku ku badanyihiin side maqaaxiyaha iyo 1. Qufac ka badan laba todomarfashyada. baad (main symptom). 5. Barakacayaasha (immigrants). 2. Xaako ama xaako dhiig ah. 6.Qofka qaaxada qaba oo la wa3. Xumad
Ka Eeg Bogga 20aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Wax ka baro Cudurka Qaaxada!


daaga sigaarka, badeecada iyo weelka cuntada. Taalo bixin ama waci gelin bulshada? Cudurka Qaaxadu waa cudur lagaga bogsado muddo cayiman gudahood, waana wax la heli karo dawadisa. Haddii bukaanku dawadisa u qaato si joogta ah wuu bogsanayaa, laakiiin haddii u jarjaro mudada dawaynta waxba u ma tarayso, waxaanu abuurayaa in uu daawooyinka la hayo hadda wax u tari wayaan (drug resistant). Waxaa lagula talinayaa bukaanka qaba cudurka qaaxada ama kuwa iska shakiya in ay tagaan xaruumaha caafimaadka ee qaaxada si ay u helaan baadhis dhamaystiran; waxa kale oo la gudboon in aanay dawada ka iibsan suuqa, waayo isku tayo ma aha labada dawo (drug quality). Waxaa laga rabaa qofka xanuunka qaba in uu xaakadiisa ku dufo

meel baydhsan ama u marku tufo ku aaso ciida. Waxa kale oo laga raba in uu furo subax waliba daaqadaha qolka iyo alabka ba si u qolku u helo hawo nadiif ah (ventilation).

Marka uu bukaanku uu qufacayo ama uu hindhisayo waa in uu afka gacanta saaraa ama maro ku daboolaa afka.

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Quraanka & Culuumta Sayniska


Qalinkii: Siciid Maxamuud Gahayr "Hargeysaawi" , Email: saedmgahair@hotmail.com

uraanka Kariimka ah waxa ku jira ama uu ka kooban yahay in ka badan 6000 (Lix kun oo Aayadood), kuwaas oo 1000 (Kun) in ka badan oo aayadood ay ka warramaan Sayniska. Dadka qaar si ay wax u fahmaan waxay u baahan yihiin in mar wax loo sheego, qaarna waxay u baahan yihiin in laba ama saddex goor wax loo sheego, qaarna waxa ay u baahan yihiin in toban jeer wax loo sheego, halka dadka qaarna ay u baahan yihiin in wax loo sheego 100 jeer si ay wax u fahmaan, kuwo kalena waxa ay rabaan in arrin laga dhaadhiciyo 1000 goor ama ka badanba. Sidaas awgeed Quraanku cidkastaba inta ay wax ku fahmayso ayuu wax ugu sheegaa, qofka intaas waxba ku fahmi waayaana waa qof ay maskaxdiisu xaqqa ka awdan tahay. Quraanku sidiisaba ma aha Saynis Science ee Waa Signs, Aayado rabbaani ah oo uu Ilaahay soo dajiyay, oo ugu talogalay in dadku ay wax ku qaataan, kuna rumeeyaan jiritaanka iyo kalinimada Eebbe Subxaanahu Watacaalaa. Dadka reer Galbeedka ah ee haysta diinta Kiristaanka, waxa ka dhex aloosan loollan adag oo u dhaxeeya diinta iyo sayniska, gabi ahaanna waa mid aan suurtogal ahayn in uu mufakar reer Galbeed ahi aqbalo in ay meel ku kulmaan diinta iyo saynisku. Kitaabka magaciisu yahay Bible oo ah kitaabka ay rumaysan yihiin dadka haysta diinta kiristaanku, waxa ku qoran ama uu sheegaa, in geedkii loo diiday Nabi Aadam Calayhi salaam cunistiisu in uu ahaa geedka aqoonta, sidaas awgeed uu Nabi Aadam helay waxoogaa aqoon ah markii uu cunay geedkii uu Alle u diiday. Dadyawga reer Yurub waxa ay laba qarni ku muransanaayeen in ay aqbalaan aqoonta Sayniska ah ee ka imanaysa muslimiinta iyo in kale, maadaama oo kitaabkood a n oocyad a badani aanu dhiirgalinba aqoonta. Kiniisadu waxa ay aamisan tahay in la fogeeyo aqoonta, maadaama oo cunista geedka aqoontu tahay sababtii jannada iyo barwaaqada looga soo saaray Nabi Aadam,

Baadariyada ama Bishoobyada kiniisaduhuna waxa ay daliishadaan in Aadam helay aqoonta markii uu cunay geedkaas, helista uu Aadam aqoonta helayna waxa aan ku farxin bay leeyihiin Baadariyadu Ilaahay oo Aadam jannada ka soo saaray marki uu geedkaas cunay. Siciid Maxamuud Gahayr "Hargeysaawi" Taas aawadeedna waxa aqoonta gabi ahaanba is hortaagi jiray madaxda kiniisadaha. Ugu dambayntii markii ay awooda heleen saynisyahannadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku, ee ay ka adkaadeen madaxdii kiniisadaha, shacbigiina ay hanteen, waxa ay qaadeen tallaabooyin ka soo horjeeda kuwii ay qaadi jireen madaxda kiniisaduhu, iyaga oo ka aargoosanaya cadaadiskii ay kiniisaddu ku hayn jirtay. Saynisyahannadii iyo mufakiriintii reer Galbeedku waxa ay diciifiyeen awooddii kiniisada, saamayntii, maamulkii, iyo waxqabadkii kiniisaddana waxa ay ku koobeen dhinacyo xadidan. Laakiin diinta Islaamku waxa ay dhiirigalisaa aqoonta, si ka duwan diinta Kiristaanka. Markii uu Ilaahay abuuray Nabi Aadan, waxa uu siiyay aqoon aanu siinin malaaiigta. Alle waxa uu Aadan baray magacyada waxyaabaha jira oo dhan, ka dibna malaaiigta ayuu waydiiyay magacyada waxyaabaha jira, waxa aanay ku jawaabeen malaaigtu: Ilaahayoow adiga ayaa xumo ka nasahane, ma lihin cilmi aan ahayn kii aad na bartay, adiga ayaa ah Caziis, Xakiim ah. Kadibna Ilaahay waxa uu Aadam ku yidhi Uga waran magacyadooda,Aadamna waxa uu malaaigtii uga warramay magacyadii. Halkaas waxaad ka garan kartaa in Ilaahay aadamaha ku maamusay milgaha aqoonta,Geedka uu Nabi Aadam cunayna muu ahayn geedka aqoonta, ee waxa uu ahaa geed uu ku dagay Shaydaanka Ibliis, lacnad baa ku dhacday e, Ibliis waxa uu Aadam iyo Xaawa ku yidhi Ma idin tusiyaa geedkii waaritaanka iyo mulkiga aan gaboobahaynin, Sidaas ayaanay Aadam iyo Xaawa ku cuneen geedkii uu Ibliis ugu sheegay Geedka waaritaanka iyo mulkiga, Nabi Aadamna waxa uu aqoonta lahaa ka hor intii aanu cunin geedkan uu ku degay Ibliis. kala soco tirsiga danbe ee majaladda Telesom

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

HIMILO (VISION): In aanu noqono horyaalka adeegyada Isgaadhsiita iyo teknoolajiyada oo heer sare ah (To be the leader in providing world class ICT services)

Telesom Newsletter: Waa majalad saddex-biloodle ah (Quarterly), oo ay soo saarto shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, gaar ahaan xafiiska Xidhiidhka dadweynaha (Public Relations office). Telesom Tower, Bridge Road, Hargeisa Somaliland, Office: +252 2 522168, +252 2 522383 Email: pr@telesom.net, Email: kibaaro@gmail.com Web: www.telesom.net
Telesom Newsletter, Jan-March 2012, Tirsiga 13aad

Você também pode gostar