Você está na página 1de 5

1

Dr. Cabduraxman Baadiyow


Su’aallo iyo Jawaab

1. Ismaaciil Yusuf: Nairobi:


Maxay kukal duwn yihiin Ururka Islaax iyo Itixaad?
 
Jawaab: Walaal, su’aashaan jawaab dheer ayey u baahantahay, laakiin haddii aan si
gaaban u sheego, Itixaad waa urur la asaasay 1983 markii la mideeyay labo urur oo kala
ah Jaamca Islaamiyah iyo Waxdada. Xarakada waxaa sal u noqday fikirka Salafinimada.
Waxaa muhiim ah in la kala sooco salafinimada ku dhisan in Islaamka loo fahmo sidii ay
u fahmeen culumadii nooleedeed sedexdii qarni ee hore iyo manhajkii ay diinta
fasiraadeeda u raad-raaceen iyo Ururada la baxay salafinimada. Sida la wada arkay,
salafiyada Somaalidu inteeda badan waxey si xoog leh ugu mashquulsanyihiin la
dagaalanka waxyaabaha ay u arkaan bidco iyo culumada suufiyada ayaga oo weliba si
xikmad la’aan ah arinkaas u sameynaya. Waxey aaminsanyihiin iney ayaga kaliya sida
saxda ah Islaamka u fahamsanyihiin. Intaas waxaa la jira, Xarakada Itixaad waxaa ku
dhexdhuuntay Al-Qacidda 1991 oo gelisay dagaallo isdaba joog ah. Waxaa si
dhuumaaleysi ah arinkaas u waday raga hadda hor-boodaya Shabaabka qaar ka mid ah.
Waxaa hadda matila Itixaad Xarakada Ictisaam. Al-Shabab iyo Hizbul-Islaam waxey
iyaguna ku abtisdaan Salafinimada.

Dhanka kale, Islaax waa xarako la asaasay 1978 , waxeyna ku dhisantahay fikirka
Ikhwaan Al-Muslimiinka oo aaminsan in si degan oo miir-qab ah isbedel loogu sameeyo
bushada si ay u aqbasho ku dhaqanka Islaamka. Lama ogola in adeegsado xogg iyo qoray
caaradiis oo waxaa la rabaa in si nabad ah isbedelkaas ku yimaado. Sidaas ayaa Islaax u
diiday iney ka qeybgasho hawl kasta oo ku dhisan in diig Somaaliyeed la daadiyo oo ay
ugu dambeysay Midawga Maxkamadaha Islaamka. Waxaa kale oo Islaax caan ku tahay
fikirka dhexdhexaadka ah oo la dagaalameyn suufiyada iyo salafiyada intaba oo ku
dhisan in laga wada shaqeeyo wixii la isku raacsanyahay, wixii la isku khilaafsanyahayna
la isku dulqaato. Suufiyadda waxey ka aaminsanyihiim iney yihiim waalid, macalimiin
2

iyo culimadii dalka soo gaarsiisay Islaamka, ka hortagtatay Isticmaarka. Sidaas darteed
Waxaa lagama maarmaan ah in la ixtiraamo oo si weyn loo qadariyo.
 

2. Xassan Cali (London, UK)


Madaama aad uruka Islaax ugu xilsaarantahay xagga siyaasadda iyo dib u
heshiisiinta ma jiraa isku day ah inaad kala dhex gasho DKM ah iyo ururada kasoo
horjeeda ee magaca diinta Islaamka kula dagaalamaya? Maxaa horjooga in la isku
doono, lana mideeyo ururada iyo shaqsiyaadka rumeysan fakar sidaas ah ee jooga
Soomaaliya?
Jawaab: Walaal Xassan, dib-u-heshiisiintu waxey ku dhisantahay in labada dhinac ay
rabaan iney heshiiyaan, ruuxa ama kooxda kala dhexdhexaadineysana ay raali ka yihiin.
Labada dhinac ee Somaaliya isku hayaa dib-u-heshiisiin ma rabaan, diyaarna uma aha.
Dhanka kale, wax caqli ah oo horjooga in la isku keeno ururdadda iyo shaqsiyaadka
rumeysan fikirka ikhwaanka ma jiraan. In la isku keeno mudoo dheer ayaa laga
shaqeynayay, waxna waa ka suuragaleen, laakiin heerkii la rabay lama gaariin. Ururada
fikirka Ikhwaanka ku dhismay waxey sameemeen marxaladii cabsida ku dhismeed ee
dawladii militriga jirtay. Waxaa caadi ah iney dhib badantahay mideynta uruirada oo
waxaa sameysmayaa dhaqan urureedyo kala duwan, hogaanno kale duwan, saaxibo kala
duwan iyo barnaamijyo kale duwan. Haddana, mar kasta waxaa loo baahanyahay
iskaashi, wada shaqeyn iyo intii wada shaqeyn karta la isku keeno. Xagga shaqsiyaadka,
waxaa laga rabaa iney ku biraan mid ka m id ah ururada ay ku qancaan inuu la shaqeyn
karo.

3. Dalmar (Hargeysa)
Waxaan ahaan jiray Xarakadii Waxdada, imminkana waxaa ka tirsanahay Xisbiga
kulmiye. Somaliland ka go’ídeeda maxey ka qabtaa Islaax?
 
Jawaab: Xarakada Islaax waxey ka amba qaadaa fikirka Islaamka oo ku dhisan
midnimada Muslimiinta. Shabciga Somaaliyeed asaga ayaa si madax banaan oo jeclaan
ku dheehantahay u midoobay in 1960. Dhibaatadii weyneed ee ka dhalatay xukunkii
kali-taliska ahaa uu madaxa ka ahaa Maxamad Siyaad, burburintii magaalooyinka
3

waaweyn sida Hargeysa, dilalkii aan kala sooca laheyn ee ciidamada Somaaliya geysteen,
waxey keentay caro weyn iyo qeybsanaanta dadka. Waxaa dabkaas sii huriyay Jabhadihii
saldhigaha ka sameystay Itoobiya. Tallo-xumada Somaliyeed, xukuumad iyo
mucaaradba, waxey sabab u noqotay burburka dawladda Somaaliya iyo kala
qeybsanaanta shacabka. Dhibaatadaas waa socotaa oo welli caqli sax ah oo lagu xaliyo
dhalka Somaaliya ka jira guud ahaan lama helin. Xarakada Islaax waxey aaminsantahay
iney suugal tahay in dadka Somaaliyeed sidii ay shalay ayaga oo is jecel u midowbeen in
haddana midoobi karaa haddii ay helaan hogaamiayayaal sax ah oo arinkaas dariiqeeda
saxda ah u qaada.

4.Shukri Sh Xasan ( Imaaraadka Carabta)


Waxaan ka mid ahay dadka aadka uula socda barnaamijkaaga aad ka bixiso Onkod
waaxaan ku waydiinayaa maxaa loola jeedaa magaca la yiraado “A Tacaamul Macal
waaqic”? Waxaan Joogay Shirkii Carta, waxaan maqlyay qaar ka mid ah Madaxdii
Ururkiina in ay ku soo galeen dawlada 4.5, tafaasiil ma iga siin kartaa arinkaas?
 
Jawaab: “Tacaamul maca al-Waaqic” waa eray Carabi ah oo micnihiisu yahay “la
falgelidda xaaladda taagan”. Eraygaan waxaa la sameeyay markii la arkay in
dhalinyarada Islaamiyiinta ah ay ka go’sanyihiin bulshadooda. Waa mabd’a waafaqasn
Islaamka oo ah in la qabato wixii la kari karo ayada oo la tixgelinayo duruufta iyo
xaaladda taagan markaas ayada oo aan marna la khilaafeyn mabaadi’da Islaamka. Waa
mabd’a ku dhisan fiqiga iyo fahmka saxda ah ee Islaamka. Sidaas darteed, markii la
waayay qaab xukunka Somaalida loogu qeynbiyo sida doorashooyinka, ayaa waxaa lagu
heshiiyay in reernimo wax loogu qeybiyo. Waxaa lagu heshiiyay in 4.5 wax loogu
qeybiyo inta laga gaarayo doorashooyinka. Dadka badan ee ka soo horjeeda in qaab
beeleed wax loogu qeybiyo Somaalida inta gaarayo doorashooyin, waxaa laga rabaa iney
soo bandhigaan tallo kale oo wax lagu qeynsan karo. Xubnaha Xarakada Islaax waxey ka
mid yihiin dadkooda, ruuxii reerkiisu soo doortana baaralamaanka ayuu soo galay.

5. Ali macow ( London, UK)


 Sida aan la socono Xaaladda dalka meesha ay mareeso waan u wada jeednaa magacii
wadaadadana waxaa qarxiyay waa nimanka sheektay in ay yihiin Culumo marka sidee
dadka uuga gadi kartaan Siyaasadiina
4

 
Jawaab: Waa runtaa in macaga Islaamka loo adeegsaday ujeedooyin guracan oo
macagana laga dilay dadka rabaa in la dhaqan geliyo Islaamka. Laakiin, diinta Islaamku
waa tii Ilaahey, koox ama ruux si khaldan u adeegsadayna looma daynayo. Sida muuqata
dadka Somaaliyeed waxey kala fahmayaan Islaamka saxda ah iyo kuwa ku daneysanaya
oo diigga dadka daadintiisu ayan waxba ugu fadhin. Waxaa dhici karta in arinkaasu kor u
qaado fahamka saxda Islaamka. Sidaas darteed, Xarakada Islaax ayada oo xikmad
adeegsaneysa waxey sii wadeysaa iney horseeddo ku dhaqanka Islaamka iyo
humumarinbta fahamka sax ah ee dhexdhexaadka ah.
 
3. Fartuun Sh cali (Nairobi)
Su’aal: Waxaan ka mid ahaa ardaydii wax ka baratay Schoolka Mujamac Umul
Quraa waxaan hadda deganahay Nairobi. Sidee u araktaa khilaafka Sh. Shariif iyo
Cumar Cabdi Rashiid? Waxaan maqalnay in aad ka mid noqon doontid dowlada la
soo dhisi doono, ma runbaa?.

Jawaab: Khilaafka Madaxda dawladu wuxuu la midyahay kuwii ka horeeyay oo markii


fashal siyaasadeed la arko farta la isku fiiqijiray. Haddii ay heshiiyaan iyo haddii ay
diriraan, waxba kuma soo kordhin karaan arinta murugsan ee Somaaliya. Waa Muuqataa
ineysan qaadin waddadii dawaldnimada oo ay ku socdaan waddii fashalka oo hore ay u
qaadeen madaxdii ka horeysay. Tan ku saabsan inan ka mid noqon doono dawladda la
soo dhisi doono, waa sheekada suuqa taalla, laakiin waxaan ka warqabo ma aha.

4. Walaal waxaan ka mid  ahaan jiray wasiiradii Dowladii KMG ee Cabdullahi Yusuf.
Waxaan ku waydiinayaa wafdigii aad hogaaminaysay ee u kala dab qaadayay dowladii
KMG iyo Maxaakiimtii Islaamka sida ay u dhaceen iyo tafasiil dheeraad ah hadaa
naga siin kartaa?
 
Jawaab: Walaal, arinkaasu hadda ma laha waxaan aheyn qiimo taariikheed. Aniga oo
madax u ah guddi xarakada Islaax u xilsaartay inuu dhexdhexaadiyo dawladda KMG iyo
Maxaakimta ayaan la xiriirnay labada dhinac. Haseeyeeshee, nasiib-darro, Maxaakimtii
waa diiday wada hadalka. Musaalaxada Islaax waxey ku dhisneed inaan loo baahneyn in
lagu wada hadlo dalalka ajnabiga ee lagu shiro magaaladda Buur-Hakaba. Waxaa warqad
5

u soo qoray Islaax Sheikh Shariif oo markaas ahaa guddomiyaha Maxaakimta oo


gashanka ku dhuftay in hawshaas la galo.

5. Jaamac Cabdullahi (Haydarabad, India)


 
Walaalayaal ma Urur siyaasi baad tihiin misi NGO bal noo noo kal qaada waxaad
tihiin anagu ilaa iyo haad maanan maqlin Islaaxaa wadanka badbaadisay?
 
Walaal Jaamac ku so dhwoow barashada Islaax. In kasta oo raadka iyo hawl qabadka
Xaraka Islaax meel kasta lagu arko, hadana dadka oo dhan ma wada yaqaaniin. Waxaan
ka hadlayaa hawlaheeda dacwada, horumarka iyo xubnaheeda. Haddii aad rabto inaad
wax badan ka ogaato fadlan booqo websidkeeda www. Islaax.org. Sidaas oo kale websid-
ka google ka raadi Islaax, “Islah in Somalia”, waxaad heleysaa waxyaaba badan oo dad
kala duwan ka qoreen Islaax. Waxey iskugu jiraan dad jecel iyo neceb iyo kuwa aan welii
maqlin sida adiga oo kale.

6. Sheikh Cabdixakim Baadi-Cadde (Helsinki, Finland)


Horta yaa madax ka ah Islaax waligayba waxaan maqli jiray Dr. Dasuuqi ee bal ma
noo sheegi karata 5 uugu sareesa?
 
Jawaab: Dr. Ibrahim Al-Dasuuqi weligiis madax kama noqon Xarakada Islaax ee waa
Sheikh iyo dakhtar caan ah oo dawdada Islaamka ka dhex-muuqda. Waxaa xarakada
Islaax madax ka ah Dr. Cali Bashai Cumar oo ah dhextar caan ah. Tafaasiisha
asaasyaasha xarakada ee mabaadi’deeda ka aqriso websit-ka xarakada www. Islaax.org.

Você também pode gostar