Escolar Documentos
Profissional Documentos
Cultura Documentos
Barqanimadii maanta ayaa dab xoogan waxa uu ka kacay dhismaha Telefeshinka ku hadla
Afka Aala-Sucuud ee xaruntiisu tahay magaalada Riyaad ee dhulka Xarameynka
islamarkaana ah caasimadda boqortooyada
Aala-Sucuud.
Dabka oo ahaa mid xoogan islamarkaana ku fiday qolal badan oo kamid ah dhismaha
Telefeshinka ayaa markiisii hore waxa uu ka billowday qolka Korontada, waxaana la
ogayn sababta rasmiga ah ee dhalisay,
...
Ciidamo katirsan Imaarada Islaamiga ah oo aad u hubeysnaa ayaa gelinkii dambe ee
maalinti shalay waxay weerar xoogan oo aad u culus ku qaadeen garoonka weyn ee
magaalada Qandahaar ee dalka
Afgaanistaan.
Weerarka oo ahaa mid Iqtixaam ah islamarkaana watay Camaliyaad Istish-haadi ah ayaa
waxaa Mujaahidiinta u suurta gashey iney gudaha u galaan garoonka weyn oo ay ku
yaalaan xarumo ...
Wararka ka imanaaya gobolka Siinaa ee dalka Masar ayaa ku waramaya in gelinkiii
dambe ee maalintii shalay weerar xoogan oo nooca dhulka lagu aaso ah lala eegtay
Ciidamo katirsan kuwa Masaarida oo
marayay meel u dhow magaalada Al-Cariish ee gobolka Siinaa.
Qaraxa oo ahaa mid culus oo si weyn loo maqlay ayaa lala eegtay Gaari nooca Tawga
ah oo ay ...
Wararka ka imaanaya dalka Yaman ayaa sheegaya in dalkaas lagu dilay gudoomiyihii
gobolka Cadan u qaabilsanaa Xukuumadda Cabdi Rabbi Haadi Mansuur, kadib markii lala
eegtey Qarax xoogan oo si aad ah
jugtiisa loo maqlay.
Gudoomiyaha la beegsaday oo lagu magacaabo Jacfar Muxamed Sacad ayaa waxaa qarax
xoogan oo noociisa warar is khilaafsan ay kasoo baxayaan waxaa lagula eegtey inta u
...
Xilli dambe oo habeenkii xalay ah ayaa Warbaahinta Imaarada Islaamiga ah ee
Dhaalibaan waxay baahisay kalimad maqal ah oo uu jeedinayo Amiirka Imaarada Sheykh
Mullaa Akhtar Mansuur.
Kalimaddan oo ku baxeysay luuqadda Bashtuuga ayuu Shiikhu kaga hadlay arimo
farabadan oo muhiim ah, waxaana uu Shiikhu sidoo kale dib u xusuusiyey dadka
Muslimiinta ah hadafka Mujaahidiinta Imaaradu
ay qoriga u qaateen. ...
Iyadoo kalimad soo baxdey maalintii shalay oo uu jeedinayay hogaamiyaha Alqaacida
ee Maqribu Islaam uu ku sheegay in Jamaacada Al-Muraabidhuun ay beyco la gashey
Alqaacida ayaa waxaa arinkaas si
adkeeyey Jamaacada.
Kalimad cod ah oo warbaahinta Caalamka ay baahinayeen islamarkanaa uu jeedinayo mid
kamid ah Mujaahidiinta Katiibada Al-Murabaidhuun ayuu ku sheegay iney la midoobeen
kuna biireen Mujaahidiinta
Alqaacida.
Anagoo ...
Dowladda Faransiiska oo caan ku ah dagaalka ka dhanka ah Islaamka iyo Muslimiinta
ayaa sii xoojisey dagaalkeeda ka dhanka ah diinta Islaamka, waxaana maalmihii ugu
dambeeyey ay qaadey tallaabooyin
muujinaya heerka Cadowteeyo ee Faransiiska.
Ciidamada Booliiska iyo kuwa ka hortaga Argagaxisada waxa loogu yeero ayaa
albaabada isugu dhuftey saddex Masajid oo ku yaala magaalooyinka Paaris iyo Lion ee
dalka Faransiiska. ...
Wararka naga soo gaaraya dalka Mareykanka ayaa ku waramaya in wadankaas uu ka
dhacay weerar aad u xoogan kaas oo sababay dhimashada dad Mareykan ah.
Weerarka oo ka dhacay xarun ay ku suganyihiin dadka Naafada ah kuna yaala gobolka
California ee dalka Mareykanka ayaa waxaa fuliyey sida ay sheegayaan Saraakiisha
Booliiska saddex ruux oo mid kamid ah
ay haweeney tahay. ...
Sida ay ku waramayaan wararka ka imaanaya dalka Yaman, Ciidamada Ansaaru-Shareeca
faraca Alqaacida ee dalka Yaman ayaa saaka la wareegay magaalada Jacaar oo kamid ah
magaalooyinka ugu waaweyn dalkaas,
islamarkaana ay ku sugnaayeen Maleeshiyaadka Lijaanu-Shacbiyah oo taageero hiil iyo
hooba ka qaata Xukuumadda Aala-Sucuud.
Dagaalyahano aad u hubeysan islamarkaana Takbiirsanaya ayaa gudaha u galay
magaalada, waxaayna ay kala eryeen maleeshiyaadkii ...
wararka ka imaanaya dhulka Shaam ayaa ku waramaya in Mujaahidiinta Jabhadda iyo
Xukuumadda Lubnaan ay gaareen heshiis Maxaabiis is dhaafsi ah kaas oo lagu sii
daayay Maxaabiis labada dhinac ay kala
heysteen.
Heshiiskan oo in muda ah soo socday, islamarkaana soo maray maraaxil kala duwan
ayaa markii dambe waxaa uu sababay in la sii daayo Maxaabiis katirsan Jabhadda iyo
dadka ...
Michael J. Flynn oo mar soo noqday Taliyaha guud ee Sirdoonka Mareykanka iyo
madaxii Ciidamada gaarka ah ee ku duulay dalka Ciraaq ayaa dhaliilay siyasadda
dowladaha Reer galbeedka oo ay Mareykanku ku
jirto ee ay ku wajahayaan Islaamiyiinta Jihaadaya ee doonaya iney soo celiyaan
Khilaafada Islaamiga ah, islamarkaana xureeyaan dhulka Islaamka ee ku jira gacanta
Reer galbeedka.
Michael oo wareysi ...
Gelinkii dambe ee maalintii shalay oo Axad ahayd ayaa maleeshiyaadka Xuuthiyiinta
Shiicada ah waxay duqeymo xoogan ku garaaceen deegaano dhaca xududu beenaadka
dhulka Xarmeynka ee Aala-Sucuud ay ka
taliyaan iyo Yaman, kuwaas oo geystay khasaare dhimasho ah.
Maleeshiyada Xuuthiyiinta ayaa duqeymahooda u adeegasday qoriyaasha sida xoogan u
dhaca ee Baabuurta ku xiran iyo Sawaariikhda meelaha fog gaara, waxaana ay
beegsadeen ...
Diyaaradaha Xukuumadda Shuuciga ah ee Ruushka ayaa duqeymo arxan daro ah waxay ka
geysteen maanta dalka Suuriya, halkaas oo ay ku dileen Tobanaan Ruux oo dumar iyo
Caruur ay ku jiraan.
Suuq weyn oo ku yaala magaalada Ariixaa ee dhacda galbeedka magaalada Idlib ee
gobolkaas ayaa waxaa kusoo dhacay Saaruukh aad u weyn oo ay soo riday Diyaaarad
Ruush ah, ...
Dowladda Ingiriiska waxay mar kale Xabsiga u taxaabtey daaciga caanka ah ee Anjem
Jowdari, kaas oo aad u taageera Jamaacaadka Jihaadiyiinta ee Caalamka Islaamka ka
howlgala.
Ciidamada Booliiska ayaa xirey daacigan, waxaana ay ku eedaynayaan inuu la kulmey
qof aan mudneyn in lala kulmo. 4tii bishan ayaa daaciga Islaamiga ah Anjem Jowdari
waxaa laga sii daayey Xabsiga,
isagona loo ballamiyey ...
Iyadoo Reer galbeedku wadaan ol ole ballaaran oo ay ku iclaaminayaan dagaal ka dhan
ah Muslimiinta Shaam iyo Ciraaq oo ay hor boodeyso dowladda Islaamiga ah ayaa waxaa
soo baxaya dowlado sheegaya iney
diyaar u yihiin in Ciidamo lugta ah u diraan dalka Suuriya. dowladda Bulgeria ayaa
sheegtey iney dhankeeda diyaar u tahay in Ciidamo lugta ah u dirto dalka ...
Xukuumadda Shiicada ah ee Iiraan oo wax kabadan 4 sano oo kaamil ah Ciidamadeedu ka
dagaalamayaan dalka Suuriya iyagoo difaacaya nidaamka Nuseyriga Bashaar Al-Asad
ayaa waxay la kulmeysaa dhiig bax
joogta ah, waxaana aad usii kordhaya tirada Saraakiisha ku dhimanaya dagaallada.
Sida uu sheegay Website ka ag dhow Ciidanka Kacaanka Iiraan, Sarkaal sare oo
katirsan kacaanka islamarkaana hogaaminayey guuto lagu ...
Barnaamijka Dhacdooyinka Dunida Islaamka waxa uu kamid yahay barnaamijyada
Todobaadla ah, waxaan looga hadlaa arimaha Caalamka Islaamka.
Barnaamijka Dhacdooyinka dunida islaamka 27 11 2015 (285)
Cawke Waxaa Uu Ahaa Saaxiibkii Minkirifoonka Saaxiibkii Saxaafada Yuusuf Garaad
Cawke Waxaa Uu Ahaa Saaxiibkii Minkirifoonka Saaxiibkii Saxaafada Yuusuf Garaad
Allah ha u naxariisto, Axmed Xasan Cawke, in badan ayaan war isla qorsheynay, isla
qornay oo isla qaabeeynay.
Aad ayay ii dhibeysaa in aan maanta qalinka u qaado in aan wax ka qoro Cawke aniga
oo adeegsanaya fal tagto ah sida wuxuu ahaa
Xaqiiqadu waxay tahay Axmed in uu ahaa nin mihnaddiisa ku sameeyay magac aad u
weyn, magaca ugu weyn ee laga sameyn karo.
In uu ahaa nin qoys unkay oo barbaariyay, nin saaxiibbo badan kasbaday nin dad
badani ay aqoon guud ka kororsadeen nus qarnigii uu saxaafadda ka shaqeynayay inta
badanna uu kaalin hormuud ah uga jiray.
Markaa waxaan u arkaa nin xusuusta laga qabi karaa ay tahay mid isugu jirta,
wanaag, farxad, ku dayasho xagga horumarka shakhsigu ka gaari karo shaqadiisa iyo
in Ilaaheey looga mahadnaqo in uu
Soomaali ka dhaliyay.
Axmed waxaan isku barannay goob shaqo, waa Radio Muqdisho horraantii
siddeetamaadkii, isaga oo magaciisa iyo sumcadda uu bulshada ku dhex lahaa ay
cirkaa mareyaan.
Waxaan berigaa jeclaa in aan baaritaan ka dib diyaariyo qormooyin ku saabsan
dhacdooyika markaa taagan ee xiriirka caalamiga, difaaca iyo bulshada, kuwaas oo
ahaa sida aan Raadiyaha ku soo galay.
Maalin ay ii diyaarsanayd qormo wanaagsan oo aan ugu talo galay Bandhigga Raadiyaha
laakiin uu codku iga xirnaa ayaan Cawke ka codsaday in uu tebiyo.
Waxaan aad ula yaabay sida ay dadku u wada xiiseeyeen warbixintii.
Intii ka dambeysayna waxaan doorbidi jiray in uu Cawke akhriyo warbixinnada aan
diyaarin jiray marka aan Raadiyaha ku cusbaa markaana waxa aan sheegayo la fahmayay
laakiin aan cidina magceyga aqoon.
Telefishinka Qaranka markii la furay, in yar ka dib ayuu ku biiray oo Barnaamijyo
ku yeeshay.
Wuxuu ka mid noqday weriyayaasha tirada yar ee ka wada shaqeeya Raadiyaha iyo
Telefishinka sida Maxamed Cumar Haydara, Axmed Cabdinur, Shukri Maxamuud Afrax iyo
Sacdiya Cabdullaahi Salaad oo markii
dambe ay Cawke is guursadeen isuna dhaleen Xasan iyo zakariye oo isagu hadda
Barnaamij Telefishin sii daaya.
Berigii dambe waxaa uu noqday Af Hayeenka Madaxweyne Maxamed Siyaad Barre.
Taas Axmed wax badan ayuu ka bartay.
Waa marka koowaade Hoggaamiyihii dalka ka talinayay muddada dheer, khibradda
badnaa, aadna loo eedeyn jiray run iyo beenba, ayuu la shaqeeyay, la noqday wehel,
fursadna u helay in uu u kuurgalo qofka
uu yahay.
Waxaa uu ka bartay sida loola kulmo Boqorrada Carbeed iyo Madaxda Afrikaanka iyo
sida qasriyada iyo Madaxtooyada dalalkaasi ay u kala dhismo, dhar iyo dhaqan duwan
yihiin.
Waxaa kale oo ay isbartiin Madaxdii iyo intii kale ee ka ag dhoweyd.
Marar badan Cawke wuxuu soo qaadan jiray sheekooyin uu ka maqlay Xuseen Kulmiye
Afrax.
Wuxuu ka bartay koofiyadcastii ay baabuurta siiblaha ah ku wada safri jireen, sida
daqiiqadaha ugu yar raashin kulul loogu cuno.
Khibraddaas oo markii dambe uu uga faaiideystay Bush House in isaga oo wakhtigu
ciriiri ku yahay uu haddana soo qadeyn karo shaqadiisana gudan karo.
Markii ay qabtu dhacday oo uu u qaxay Kenya ka dibna Uganda, waxaan ku xiriiri
jirnay telefoonka.
Waxaan mar kale isugu nimid London oo aan ka wada shaqeynay BBC.
Waxaan safar shaqo ku wada marnay magaalooyin badan oo Bariga iyo Geeska Afrika ah.
Raadiye iyo Telefishin Saxaafadda gaar ahaan raadiye iyo telefishin, siiba marka ay
tebin toos ah yihiin, waxay ku qotomaan qorsheyn fara badan oo biyo kama dhibcaan
ah, diyaar garow maskax ku
saleysan, xowli howsha lagu qabto, gooreyn warbixin kasta xilliga la tebinayo iyo
inta ilbiriqsi ama daqiiqadood ee laga dhigayo si loo helo xog iyo xilli isku
sargoan.
Waxaa kale oo muhiim ah tebidda wixii harsan iyo odoroska wax kasta oo dhici kara
oo aan qorshaha hadda ku jirin sida haddii ay dhacdo in waxa lagu talo galay ay
waxba ka qabsoomi waayaan iyo waxa
gudboon, suurta galna noqon kara in laga yeelo.
Sidaa darteed shaqada Raadiye iyo Telefishin waa howl-wadareed oo qof keliyihi ma
qaban karo.
Weriye kastaa wuxuu kaalin ku leeyahay dheriga la wada karinayo oo ah barnaamijka
la soo saarayo war, waxbarasho iyo mid bulsho midka uu ahaadaba.
Qorshahaas oo laga yaabo in dhowr maalmood ama ka badan ay koox dhami ka soo
shaqeyneysay waxaa dili kara ama nooleyn kara waa tebiyaha oo ah qofka farriinta
qaadaya ee dhegeystaha iyo daawadaha ugu
gelaya gurigiisa, xafiiskiisa, makhaayadda, ama la raacaya baaburka si uu farriinta
ugu gudbiyo.
Haddii aad koox kubbadda cagta ka soo qaaddo, tababbar kasta oo la siiyo iyo quwad
kasta oo ay kooxdu leedahay waxay isugu biyo shubaneysaa gool dhaliyaha oo ay tahay
in uu ka tarjumo.
Tebiyuhu wuxuu u dhigmaa Gool dhaliyaha.
Axmed Xasan Cawke kaalinta uu ugu wanaagsanaa oo Ilaah hibada u siiyay oo cid ku
gaarta aanan anigu ilaa hadda arag, waa kaalinta tebinta.
Sababtaas ayaa ka dhigtay in uu mar kasta lafdhabar u ahaado marba kooxda ay
Barnaaij wada diyaarinayaan.
Dhanka kale, maaddaama ay Saxaafadda inteeda badani ay tahay howlwadareed, waxay u
baahan tahay dulqaad, dad afgarad, furfurnaan iyo dabeecad wanaagsan.
Axmed intaas iyo ka badanba wuu lahaa.
Waxaa u dheereyd in uu ahaa nin maad badan oo iyada oo shaqo adag lagu jiro haddana
dadka ka qoslin kara oo illowsiin kara daalka iyo werwerka.
Axmed Xasan Cawke, wuxuu ahaa shakhsi khibrad aad u dheer u leh nolosha iyo
warfaafinta.
Wuxuuna ahaa nin Ilaaheey heybad u siiyay waxa loo yaqaan mikrofoonka.
Hadduu yahay mid Raadiye, mid Telefishin iyo midka fagaarayaasha la isugu soo baxo.
Hibadaasi waxay isugu jirtay waa marka koowaade in aanay maskaxdiisa iyo qalbigiisa
meel ku lahayn waxa loo yaqaan qajilaaad ama fal-ka-nax.
Cid kasta oo lala hadlayo wuxuu Allah garansiin jiray sida wax looga dhaadhiciyo
ama ugu yaraan intaa uu hadlayo ayuu maskaxda ka qabsan jiray.
Wuxuu lahaa cod u gaar ah, oo ku wanaagsan dhegeysiga, isaguna si wanaagsan ugu
tababbartay hadba sida loo rog rogo, kor in loo qaado iyo in hoos loo dhigo, in la
boobsiiyo iyo in si tartiib ah loo
yiraahdo, in la sii cusleeyo iyo in la khafiifiyo.
Aammus marka loo baahan yahay si ay dadku u fahmaan, ugana yara fekeraan waxa aad u
sheegtay iyo inta ilbiriqsi ee uu noqonayo aammuskaasi.
Codkaas ma ahan keliya in inta af Soomaaliga ku hadasha ee barnaamijyadiisa ku
taxani ay qiran yihiin.
Waxaa qiray dad aan af Soomaaliba ku hadal.
Waa farsamayaqaanna gabdhaha iyo wiilasha leh ee Ingiriis iyo dhalashooyin kale
isugu jira ee ka shaqeeya istuudiyayaasha BBC.
Taas ayaa keentay in uu Axmed ka duwanaado weriyayaasha badankood oo iyagu dhinac
uun ku kooban ama u badan.
Axmed wuxuu ahaa nin isku si ugu wanaagsan barnaamijyada wararka, kuwa cayaaraha,
waxbarashada iyo dunida madaddaalada.
Hibada kale ee Ilaaheey Axmed siiyay oo sidoo kale uu ku darsaday dadaalka iyo
baaritaanka, waa in uu ahaa nin aqoon fiican u leh afka, dhaqanka iyo degaannada
Soomaaliga.
Wuxuu aad u xiiseyn jiray af guriga degaannada kala duwan ee Soomaalida.
Dabeecad-wanaag Xagga shakhsiyadda, Axmed wuxuu ahaa nin aan calool-ku-qaad iyo
uurxumo aqoon.
Haddii aad is qabataan wuxuu ahaan jiray nin durba ka soo noqda carada.
Marka ay dhacdo in uu soo laaban waayana, waxaad hubtay in marka aad adigu ka
dalabto is afgarad in aad ugu tegeyso isfaham iyo heshiis dhab ah.
Wuxuu ahaa nin dhug leh oo asaga oo aan muujin lagana dareemin, haddana si aad ah
ula socda dadka hareerihiisa ah ee ay wada shaqeynayaan sida ay iyagu isula
macaamilyaan.
Midka howsha hagranaya, kan cinaadka wada, midka xanta hoose gudbinaya, midka qof
hadal u dusinaya, midka aan la isku hallayn karin, kan caga jiidaya, midka isbeen
farriimaya iyo kuwa la midka ah (ikm).
Sidoo kale wuxuu la socday midka kaalintiisa gacan ku siiya, kan dadaalka badan,
kan khatar ka diga amaba ka xalliya, midka khalad ka saxa, midka si hagar laaan ah
howsha ula fuliya ikm.
Xagga howl karnimada, sannadihii aan London ka wada shaqeynay, Axmed waxaa ka
muuqday firfircooni aad u badan iyo ku kalsoonaan shaqadiisa.
Wuxuu ahaa nin xarrago jecel oo si wanaagsan u lebbista, ilaaliya muuqaalka
timihiisa iyo garka iyo shaaribka uu caanka ku ahaa.
Axmed wixii aan isla soo marnay, waxa aan kala kororsannay, howlaha aan isla
qabannay, inta aan isla safarnay, inta aan kaftannay inta aan aan wax u soo
joognay, ma ahan kuwo aan qormo iyo laba ku soo
koobi karo.
Axmed wuxuu ahaa nin salaadda ku fiican.
Waxaan Ilaaheey uga baryayaa naxariista Janno in uu siiyo.
Qof kasta oo codkiisu gaarayna waxaan ka codsanayaa in haddii ay wax ka tabanayaan
ay cafiyaan, una duceeyaan.
Muqdisho Dad badan ayaa shalay iyo xalay iiga tacsiyadeeyay geerida Axmed Xasan
cawke iyaga oo ka fekeraya in aan wada shaqeyn jirnay saaxiibna aan ahayn.
Nin ka tirsan madaxda Sportigu wuxuu xalay ii sheegay in iyaga oo dhowr ah ay isu
yimaadeen oo ay Ilaaheey u baryeen.
Cayaaraha Gobollada ayuu noo raaci jiray ayuu raaciyay.
Wasiir hooyadii dhimatay oo aan tacsi ugu tegey, waxay Xildhibaanna ag fadhiyay u
sheegeen Wasiirka in uu anigana iiga tacsiyeeyo geerida Cawke.
Shalay markii aan warkan naxdinta leh maqlay, qoraal aad u kooban ayaan dhigay
Facebook.
In ka yar 14 saacadood, waxaa ducada Cawke soo qoray 2794 waxaana share gareeyay
432.
Waxaase i taabatay markii xalay meel isbaaro taallo oo mugdi ah uu soo istaagay
baabuur aan la socday.
Askarigii noo yimid ayaa wadaha ku amray in uu nalka gudaha shido.
Askarigii markii uu i aqooday ayuu baabuurka la soo wareegay oo dhankeyga yimid.
Intuu i salaamay ayuu yiri Cawke Allah ha u naxariisto adigana samir iyo iimaan.
Qalinkii Yusuf Garaad.
Halkan Ka Daawo: MUqaalka Magaalaa BURCO 2015 Kii Ugu Quruxda Badna ee Lagu Soo
Duubo Habeen Iyo Maalin By Nasir Omar& Maxamed Xashi..
Halkan Ka Daawo: Wareysi Xiiso Badan oo Lala Yeeshay Safiirka Ethiopia uu Fadhiya
Somaliland Md Maxamoud Aadan Jaamac GALAAL
Halkan Ka Daawo: Gudoomiyaha Xarunta Agoomaha ee BURCO Marwo Foosiya Cabdullahi
Janaale oo Jaaliyada Reer Norway Uga Warbaxisay Halkay Maraysa Xarunta Agoomaha
Urtehagen
Halkan Ka Daawo:Munaasibad Casho Sharaf ah Oo Xildhibaanada Degmada Burco Ku
Qaabileen Farxaan Oo Ka Mid ahaa Gudidii Ictiraafka Ka Keentay TOWER HAMLET Iyo
Shahaado Sharaf Lagu Maamuusay.
Halkan Ka Daawo: Xafladi Balaadhnayd ee Ka Dhacday East London Laguna Tageerayay
Musharaxa Madaxweyne Xisbiga KULMIYE Md Muse Biixi Cabdi
Halkan Ka Daawo:Abwaan Xaaji Cabdikariim BARAAR oo Gabay Cajiiba Kaga Jawaabay
Gabaygi SUUSLE ( Xoor Shini Helay)
Halkan Ka Daawo: Heesti Loo Sameeyay Xirsi Xaaji Xassan Heesti: (Silaanyo Dabadii
Noqo Siyaasiga Somaliland Haga
Halkan Ka Daawo: Barnaamij Xiiso Badan oo Lagu Wareysanayo Councilor Amina Ali Iyo
Cabdirashid Hiirad oo Masuuliyiinti Ka Dambeysay Aqoonsiga Degmada Towerhamlet Ku
Aqoonsatay Somaliland
Halkan Ka Daawo:Gudoomiyaha Caafimaadka Ee Degmada Dhoqoshay Oo Baaq U Diraaya
Qurba Jooga Deegaanka Iyo Baahiyaha Xanaanada Degmada Oo Uu Soo Bandhigay.
Halkan Ka Daawo: Barnaamijka Soo Dhoweynta Suldaanka Guud ee Beelaha Habar Jeclo
Lagu Soo Dhoweeyay Hargeisa Airport
Cilminafsi
CILMU NAFSI xaga ciyaalka hadaan idiin taabto waxa jira sidaan hore u arkay ciyaal
badan oo ka niyad jabay wax barasho waayo sidii loo lahaa saaqid ama macalinku u
lahaa waxaba ma fahmay sid, sida u
sha oo lagu caseeyo ciyaalka soomaaliyeed waxaasi waa waxaanay wali somali fahmin
waxan intaa ku darayaa waxan ku noolahay qurbaha waxay ciyaalku ku leeyihiin xaquuq
tiro badan oo anan soo koobi
karaynin tusaale lama caseeyo lama niyad jabiyo marwalna waalidku waxuu tusaa nuu
jecel yahay waa cilmiga nafta lagu dhaqo lagu ogaado in ay bugto iyo inkale markaas
dadka somaliga kuhadlaa aad ayay
ugu baahanyihiin in ay wax kabartaan cilmiga nafta waayo somliya lagama yaqaano
qofkasta oo cilmiga nafta ubaahan ama xanuun nafsi ahi uu hayaa waxaa loo
yaqaanaa(nacas),ama qof waalan.
Sidaa awgeed baa laga yaabaa dad badan oo xanuun nafsi ahi hayaa inaanay garan ama
haddii ay dhakhtar la xidhiidhi lahayeen ka baqda in waali lagu tuhmo ama tilmaamo
sidoo kale cilmi nafsiga waxaa lagu macneeya ain uu saldhig un yahay in qofku isku
qaato wax uusan aheeyn Cilmi nafsigu waa barashada nafta iyo dabeecadeheeda iyadoo
laga eegayo dhinacyo badan waxaa
la ogaadaa naftu waxay diidayso iyo waxay doonayso iyo siday jawaab uga bixiso waxa
la soo dersa oo jawaab bixintaasi isugu jirta mid dareen ah iyo mid hadal ama fal
ay u soo gudbiso,haddaba nafba
nafta kale sababaha ay uga gedisan tahay marka loo eego dhaqanka iyo dabeecada u
gaarka ah waxaa dib loogu celiyaa oo loo sababeeyaa taariikh nololeedkeedii iyo
waxyaalihii ay hore ula soo kulantay oo
isugu jira deegaanka ay naftaasii ku noolayd iyo dadka ay la soo dhaqantay sidoo
kale aqoon iyo waayo aragnimo nooca ay soo kasbatay ilaa iyo taariikh
nololeedkeedii iyadoo naftu ku salaynaysa
macluumaadka ku kaydsan maskaxdeeda ayaa nooca jawaab bixinteedu ku aroortaa hadba
qarada iyo tayada iyo nooca ay kayd ahaan maskaxdeeda ugu hayso,haddaba waxa qofka
la soo dersa oo Ingiriisiga la
yidhaahdo effect,Carabigana musiir waxa jawaab celinta la yidhaahdaa
react(ion)Carabigana mustajaab,waa waxa qofka ku soo derinaya iyo siduu ula
dhaqmayo ama jawaab bixintuu keenayo,sidaynu hore u soo
tilmaannay jawaab bixinta qaabkeeda iyo dabeecadeedu waxay ku xidhan yihiin oo dib
ugu noqonayaan macluumaadka ku kaydsan qofkaa maskaxdiisa ha ahaadeen kuwo cilmi ah
ama kuwo waayo aragnimo oo uu soo
kasbaday noloshiis
2.cilmo nafsigu waa barashada nafta iyo dabeecadaheeda iyadoo oo loo eegayo
dhinacyo tusale ahan waxa lagu ogada naftu waxey dooneyso iyo waxey diideyso iyo
sidey jawab oga bixiso waxa la soo dersa oo
jawab bixintas iskugu jirto mid dareen ama hadl ah iyo mid ficil ah iskugu jiro
Ciyaaraha
Ciyaaruhu waa madadaallo waqtiga la isku dhaafiyo, marmarka qaarkoodna loo
adeegsado in wax la isku baro.
Waxay leedahay xeerar la raaco oo la isku ogyahay.
Ciyaaraha qaarkood waa caam oo adduunka oo dhan baa laga adeegsadaa, waxaana ka mid
ah kubaddaha kala duwan (kubadda cagta, kubbadda kolayga, kubadda shabagga,
kubbadda gacanta); dabbaasha, orodka iwm.
Waxaase jira ciyaaro dhaqameedyo u gaar ah bulshooyinka qaarkood.
Ciyaar soomaalida waxaa ka mid ah shaxda, layli goobalayda (leelo googabalay), riyo
ka dhalista, jarta, iyo kuwo kale oo badan.
Ciyaarahaas waxaa loo yaqaannaa ciyaar dhaqameedyo waxayna soomaalidu la wadaagtaa
bulshooyin kale oo qaaradda afrika ka mid ah. klghjgaufiog they are bad
Ciyaartii Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhamaatay (Maxey ku soo idlaatay)
Ciyaartii Soomaaliya iyo Itoobiya oo soo dhamaatay (Maxey ku soo idlaatay)
Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa ka yaabisay xulka qaranka wadanka Itoobiya ciyaar aad u
xiiso badan oo ay la ciyaareen.
Ciyaartoyda Soomaaliya ayaa ka yaabisay xulka qaranka wadanka Itoobiya ciyaar aad u
xiiso badan oo ay la ciyaareen.
Ciyaartaan oo ka dhacday wadanka Jabuuti ayaa xulka qaranka wadanka Soomaaliya
wuxuu soo bandhigay ciyaar la jecleesto, waxaana ciyaartaan ay ka tirsaneet isreeb
reebka koobka Aduunka.
Waqtigii loogu talagalay ayaa waxey ku soo dhamaatay ciyaartaan 0-0 oo ay labada
wadanba ku kala tageen, hayeeshee ciyaartoyda dalkeen ayaa u qalmay guusha in ay
raacdo.
Intii ay socotay ciyaarta ayaa garoonka waxaa laga saaray mid ka mid ah ciyaartoyda
kooxda qaranka Itoobia ka dib markii uu ku xadgudbay mid ka mid ah ciyaartoyda
dalkeen.
Si kastaba ha ahaatee waxaa la sugaaba waa ciyaarta xiisaha badan ee dhexmari
doonta labadaan wadan mar kale taasi oo ka dhici doonta wadanka Itoobiya.
Barnaamijka ku meel gaarka ah ee Shaqada tayada Wanaagsan leh ee Koonfurta iyo
Bartamaha Somaaliya (CSZ).
Placina Hotel, Nairobi Kenya 23kii Abriil, 2009ka Iyadoo qeyb ka ah dadaal muddo
socday oo loogu talagalay in lagu diyaariyo Barnaamijka ku meelgaarka ee shaqada
tayada wanaagsan leh ee Soomaaliya,
waxaa lagu qabtay hoteelka Placina ee magaalada Nairobi 23kii April, 2009ka shir ay
ka qeb galayaan dhamaan xubnaha bulshada ee wada shaqeynta kala dhexeyso ILO
Somaaliya..
Shirka waxaa ka soo qeyb galay xubno matalaya Dawladda ku meel gaarka ah oo uu
hogaaminayo Mudane Mohamed Abdi Hayir oo ah Wasiirka Shaqada iyo Horumarinta
Shaqaalaha, Saraakiil ka socota Xafiiska ILO
Soomaaliya oo uu hogaaminayo Alexio Musindo, Agaasimaha aagga Bariga Afrika sida
(Keenya, Soomaaliya, Ugaandha iyo Tanzaaniya) iyo xubno matalaya Bulshada Rayadka
ah, hayadaha gaarka loo leeyahay iyo
hayadaha culuunta sare ee koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya.
Furitaankii Shirka Agaasimaha aagga bariga afrika wuxuu uga mahad celiyay wasiirka
ka qsoo qeyb galkiisa shirka, wuxuuna halkaa ka caddeeyay sida ILO ay uga
qoantahay in ay la shaqeyso una shaqeyso
ummadda Somaaliyeed.
Waxaa kale oo uu halkaa ugu soo gudbiyey salaan uu uga siday Agaasimaha ILO ee
qaaradda Africa Mr, Charles Dan.
Ka dib, agaasimaha wuxuu si kooban ugu wargeliyay ka qeyb galayaashii shirka in ILO
ay u dabaal degeyso sanad guuradeedii 90aad tan iyo markii la aasaasay, taasoo
halkudhigeeduna yahay Dadaalka 90ka
sano ah ee ku wajahan in la helo cadaalad dhanka Bulshada ahiyo in shirkan loogu
yeeray si horay loogu sii ambaqaado diyaarinta barnaamijka shaqada tayada wanaagsan
leh.
Xilli ay socdaan dabaaldegyadaas.
Wuxuu kaloo u sheegay ka qeybgalayaasha shirka in 46 waddan oo Afrika ka tirsan,
xubinna ka ah ILO ay iyagana sidoo kale u dabaaldegayaan sandguuradan ayadoo
dhammaantood culeyka la saarayo
barnaamijka Shaqada tayada wanaagsan leh.
Wuxuu sii watay hadalkiisii isagoo sharaxay in Barnaamijka kumeel gaarka ah ee
shaqada tayada wanaagsan leh (I-DWCP) uu yahay mid wadajir ah oo u dhexeeya ILO iyo
Bulshada Somaaliyeed.
Wuxuu kama dambeystii ka dhawaajiyay in shirkan maanta uu astaan u yahay talllabo
taariikhi ah oo horey loogu qaaday sidii loo gaari lahaa in dhammaan ragga iyo
dumarka Soomaaliyeed ay helaan Shaqo
tayo wanaagsan leh.
Wasiirka Shaqada iyo horumarinta Shaqaalaha ayaa wuxuu ugu hambalyeeyay ILO
taageerada ay horey ugu fidisay Sooomaaliya . Wuxuu kama dambeystii halkaa ka
sheegay in diyaarinta Barnaamijka shaqada
tayada wanaagsan leh (I-DWCP) uu yahay tallaabo taariikhi oo loo tallaabsaday
sidaaii loo taageeri lahaa barnaamijka horumarinta, Nabad ka dhalinta iyo dib u
dhiska Soomaaliya.
Wasiirka wuxuu ku nuuxnuuxsaday sida loogu baahanyahay in sare loo qaado taageerada
ay hayadaha caalamiga ah ee horumarinta u fidinayaan Soomaaliya.
Wuxuu dhiiri gelyay in baahida loo qabo wax qabad dhab ah oo la sameeyo xilliga loo
baahanyahay kaasoo taageeraya dadaalka loogu jiro dib u dhisidda somaaliya.
Waxaa kale oo uu wasiirka sharaxay in ahmiyadda ugu horeysa ay dawladdu siineyso
sidii shaqoo loogu abuuri lahaa dadka, gaar ahaan dhallinta dada yar iyo kuwa
horey uga tirsanaa ciidamo beeleedyada,
si looga hawlgeliyo hawlo wax soo saar leh oo ka wanaagsan wixii horey ay usameyn
jireen.
Wuxuu caddeeyay baahida loo qabo in shaqaalaha dowladda loo sameeyo tababaro sare
loogu qaadayo aqoontooda iyo in la dayactiro ama la dhiso xarumo tababarro oo
xirfadaha dadka kor loogu qaado.
Wuxuu kaloo ka codsaday ILO ay ka taagerto dawladda sidii loo xoojin lahaa nidaamka
saddex geesoodka ah maadaama xaaladda hadda jirta ee Soomaaliya aysan jirin ururro
shaqaale oo oo kulmiya wakiilna
ka shaqaalaha.
Iyo loo shaqeeyaha.
Wuxuu ku baaqay in la sameeyo qorshe hawleed ku aadan in shaqo abuuris deg deg laga
sameeyo Soomaaliya.
Kama dambeyntii wuxuu uga mahad naqay ILO soo abaabulidda shirkan muhiimka iyo
hayadaha wadaniga ka soo qey galkooda.
Ka dibna wuxuu halkaa kaga dhawaaqay shirka in uu furan yahay.
Furitaankii Shirka ka dib Ka dib markii ay ka munaaqishoodeen warqaddii lagu soo
bandhigay fikirka saldhiga u ah Barnaamijka shaqada tayada wanaagsan (I-DWCP
concept paper) iyo xaaladda uu wadanka ku
suganyahay, waxay ka soo qeyb galayaasha soo jediyeen kuna heshiiyeen in arrimaha
muhiimka ah oo ay u arkaan in lagu daro barnaamijka shaqada tayada wanaagsan ee
somaaliya (I-DWCP) ay yihiin sida soo
socota 1.
In la abuuro Shaqo Waxay soo jeediyeen In diiradda la saaro oo muhiimad gaar ah la
siiyo dadka tabarta daran sida dhallinyarada, curyaamiinta iyo dhallintii horey uga
mid aheyd ciidamo beeleedyada si
ay u helaan hab kale oo ay noloshooda ku maareeyaan.
Waxay ku baaqeen in la dayactiro and lana horumariyo xarumo dadka lagu siiyo
tababarro kuwaasoo ay ka mid yihiin xarumaha waxbarashada dadban (Vocational
training centers) si dhalinyarada iyo ciidamo
beleedyada loo hroumariyo xirfadood shaqo loona taageero hub ka dhigista.
Dayactir lagu sameeyo macadyada bixyada aqoonta heerka sare ee sida jaamacadaha
ayaa iyana loo aqqonsaday in ay muhiimad weyn leedahay.
Waxaa la aqoonsaday in awooda ganacsiga gaarka lool leeyahay sare loo qaado ay
muhiim tahay si ay u abuuraan fursado shaqo, gaar ahaan dhallinta dada yar.
Waxaa la qoonsaday in baahi weyn loo qabo in la sameeyo mashaariic ku slaeysan
adeegsiga xooga shaqaalaha sida dhismaha/ dayactirka/hagaajinta wadooyinka, howlaha
biyaha, maareynta qashinka kuwaasoo
hawgelin kara shaqaalle fara badan.
Waxaa la aqoonsaday in Baahi loo qabo furasado malgelino yay yar la helo si loo
tageero ganacsiyada yaryar iyo kuwa heerka dhexe oo ay ka mid yihiin sida soo
saaridda malabka, dalagga beeraha,
kalluumeysiga, soo saaridda cusbada, tolliinka dharka iyo farsamo gacmeedka. 2.
In La taageero nidaamka Saddex Geesoodka Ah Waxaa la aqoonsaday in Somalia Hadda
aysan laheyn ururro bulsho oo kulmiya ama matala Shaqaalaha guud ahaan iyo loo
shaqeeyayaasha.
Waxaa Lagu talo bixiyey in dadka lagu baraarujiyo muhiimadda ay leeyihiin ururada
shaqaalaha iyo kuwa loo shaqeeyayaasha si loo soo bandhigo xuquuqda shaqaalaha ay
leeyihiin.
Wxaa la soo jeediyey in la sameeyo urruro shaqaale iyo kuwa loo shaqeeyayaasha si
loo helo nidaamka saddex geesoodka ah. 3.
Maamulka arrimaha shaqaalaha oo ay ka mid tahay nidaamka caalamiga ah ee u degsan
shaqaalaha (Labor standards) Waxaa la aqoonsaday in 188 nidaam ee caalamiga ah oo u
degsan shaqaalaha aduunka ay
Somaaliya ka aqoonsatay wax yar oo keliya loona baahanyahay inta dhiman in la
aqoonsado lana hirgeliyo.
Waxaa lagu baaqay in la taageero dib ugu noqoshada iyo dhameystirka shuruucda
shaqaalaha Soomaaliya kuwaasoo markii ugu dambeysay ee lee eego ay aheyd 1972dii.
Waxaa la dhirrigeliyey in ragga iyo dumarka ay si siman u helaan fursadaha
shaqaaleynta. 4.
Xog ururin lagu sameeyo Suuqa shaqaalaha.
Waxaa la soo jeediyey in xog ururin suuqa shaqaalah ah la sameeyo si loo wargeliyo
wasaaeradda iyo kuwa kale ee daneynaya xaaladda dhabta ah ee manta ka jirta suuqa
shaqaalaha soomaaliya si ay ula
socdaa Baahida shaqaale ee jirta iyo shaqaalaha la heli karo.
Xogtan waxay dad ka caawineysaa in la ogaado barnaamijyada muhiimada sare leh si
loo taageero loona caawiyo dib u hagaajinta urrurad shaqaale ee hadda jira.
Ka dib xubnaha shirka ka soo qeyb galey waxay guddonsadeen in nattiijada la filaayo
in la gaaro ay yihiin kuwa soo socda Fursadaha Shaqo abuuris oo la kordhiyo
Ammaanka iyo nabadda oo wanaagsanaada Is
maamul wanaagsan, adeeg bulsho iyo la xisaabtanka maamulka oo wanaagsanaada In wax
lagu kordhiyo sinaanta xuquuqda, cadaalad bulsho iyo difaaca kuwa tbarta daran
Nidaamka xuquuda shaqaalaha oo la
horumariyo.
Nolosha oo horumarta taasoo yareyneysa fakhriga, kordhineysa helidda cuntada iyo
caafimaadka iyo deegaanka oo horumara.
Kaabayaasha nolosha oo horumara taasoo keeni karta in wax soo ssarka iyo adeega oo
horumara.
Socdaalka dhllinyarada oo yaraada Jawiga maalgelinta oo wanaagsanaada Awoodda
aqooneed ee hayadaha deegaanka oo horimarta si ay u samaayaan barnaamijyo wax ku
ool ah.
Heerka ka warqabka shaqaalaha iyo loo shaqeeyayaasha ee arrimaha la xiriira
xuquuqdooda oo horumarta.
Xiritnkii shirka Waxaa lagu heshiiyey sida soo socta.
Waxaa lagu heshiiyey in Wasaaradda shaqada iyo Horumarinta Shaqaalaha ay u ololeyso
talloyinka ka soo baxay shirka dhamaan masraxyada caalamiga ah iyo kuwa waddanka
gudihiisa.
Waxaa lagu heshiiyey wixii shirar dambe laga soo qeybgeliyo dhammaan kuwa danaha ku
leh arrimahaaan (Satakeholders) Waxaa loggu hambalyeeyay halkaas hayadda ILO
Soomaaliya iyo xubnihii ka soo
qeybgalay shirka.
Dhaamaan xubnaha waxay taageeren ayna qaateen qodobada ka soo baxay shirka.
Kama dambeystii Agaasimaha guud ee wasaaradda ayaa xiray shirkii isagoo metelaaya
Wasiirka.
Waxaa lagu qabtay Nairobi, Kenya taariikhdu Markey aheyd 23kii April, 2009ka .
Waxaa laga diyaariyey laba nuqul mid ingiriis ah iyo mid Soomaali ah lbada nuqulna
waa qoraalkii saxa ahaa.
shaqaalaha daryeelka caruurta in ay gaaraan goaan sax oo ku saabsan talaabooyinka
muhimka ah ee ay qaadayaan si ay uga hortagaan nabadgalyada caruurta oo ay
caawiyaan qoyska.
Waa hab lagu baadi doonayo xaqiiqada oo ay ka qayb qaataan shaqaalaha daryeelku ay:
la kulanka iyo wareysiga ilmaha iyo ilmaha kale ee nugul ee ku nool guriga;
toos u arko xaaladda
nolosha ee ilmaha; la kulanka iyo wareysiga waalidka (waalidiinta); 3 ku
noqoshada haddii ay jiraan wax horay loo diiwaan geliyey iyo gal dacwadeed;
ururinta macluumaadka sida qaraabada,
bulshada iyo adeegga bixiyayaasha kuwaas oo laga yaabo in ay aqoon u leeyihiin
ilmaha iyo qoyska; Qorshe dajinta isaga oo kaashanaya waalidka, haddii loo
baahdana (ay ka qayb qaataan qaraabada,
xubno ka tirsan bulshada iyo adeeg bixiyayaasha) oo ku saabsan nabadgelyada ilmaha
inta uu socdo baaritaanka; iyo Ka qayb galinta xirfadlayaasha muhimka ah sida
dhakhaatiirta, iyo ciidamada
nabadgelyada, haddii loo baahdo.
xaalad degdeg ah ama dareen ku saabsan nabadgelyada ilmaha iyo xaaladda caruurta,
baaritaanka badbaadada caruurta waa in uu markiiba bilowdaa.
Haddii arrinta dareenka leh aanay ahayn mid deegdeg ah baaritaanku waxa uu
bilaabanayaa sida ugu dhaqshaha badan ee suurto galka ah ugu yaraan shan cisho
gudahood waxaa inta badan lagu dhamaystiraa 30
cisho gudahood.
Waalidiinta waa lala socodsiiyaa baaritaanka badbaadada caruurta ka hor inta aan la
waraysan caruurta haddii aanay khatar ku ahayn naadgelyada ilmaha.
Shaqaalaha daryeelka caafimaadka ayaa idiin sharxi doona baaritaanka iyo sida
qoysku uga qeyb qaadanayo.
suurto gal ah in qoyska loo diro iyada oo aan lagu khasbin in loo fidiyo adeegyada
taageerada ah ee bulshada.
Haddii daryeelaha caruurta uu goaan ku gaaro in ilmuhu u baahan yahay badbaadin,
shaqaalaha daryeelka waxa uu qaadayaa talaabooyinka lagu badbaadiyo caruurta,
taasoo ay ka mid yihiin: Dajinta
qorshaha taageerada adeegga sidii ilmaha si nabadgelyo ah loogu hayn lahaa qoyska;
Haddii aanu ilmuhu ku sugnayn khatar degdeg ah, qoyska waxaa loo soo bandhigaa
qorshe iyo nidaamka goaan
gaarista sida shirarka qoyska, dhexdhexaadin iyo hab dhaqameedka ee goaan gaarista
taas oo ay ka qayb qaadanayaan qoyska iyo bulshada kuwaas oo samaynaya qorshe
ilmaha si nabadgelyo iyada oo aan
maxkamad la horgayn; Iyada oo waalidku ogolaado, in ilmuhu ku noolaado meel ka
baxsan guriga taasoo uu la noolaado qof ay isla ogolaadeen sida qoys kale ama
saaxiib, ama guryaha caruurta lagu
hayo heshiiskaas oo ah mid aan lagu qasbin, tan iyo inta ay nabadgelyo u tahay
ilmaha inuu ku noqodo guriga; ama ay maxkamadda hortagaan oo laga codsado in ay
soo saarto amar ku saabsan:
adeegga aasaaasiga ah ee caafimaadka amar maxkamadeed oo u ogolaanaya
shaqaalaha daryeelka caruurta in ay la shaqeeyaan oo ku kormeeraan ilmaha guriga
(amarka kor kala socoshada), ama
haddii ilmaha laga kaxeeyey guriga waayo isaga ama iyada waxa ay ku sugnayd khatar
degdeg ah ama ma jirin si kale oo lagu badbaadin karay xilligaas, amar maxkamadeed
ayaa: Shaqaalaha daryeelka
caafimaadka waxaa uu dooranayaa kan ku yeelanaya saamaynta ugu yar nolosha ilmaha
oo ku haboon nabadgelyada iyo fayo qabka ilmaha. in dhib geystaha laga saaro guriga
ilmuhu joogo ama la amro in
qofkaas uusan la soo xiriiri karin oo fara gelin ku samayn karin daryeelka ilmaha
in ilmaha lagu celiyo guriga oo waalidka la noolaado, iyada oo kor uu kala socdo
shaqaalaha daryeelka caruurta,
ama 5 La hadal shaqaalaha daryeelka caruurta si aad ogaato xaqa uu waalidku iyo
ilmuhu leeyihiin inta uu socdo nidaamka baaritaanka. in ilmaha loo geeyo saaxiib
ama qaraabo, iyada oo kor uu kala
socdo shaqaalaha daryeelka caruurta, ama in ay gacanta ku hayaan Wasaaradda ama
Hayadaha adeegga ee dadka dhulka loogu yimid.
Shaqaalaha daryeelka caruurta ayaa dooranaya kan ugu samayn yeelanaya nolosha
ilmaha oo ka hortagaya nabadgelyada ilmaha iyo wanaagiisa.
kale oo ilmaha lagu badbaadin karo, ilmaha guriga waa laga kaxaynayaa waxaana
bilaabanaya dhagaysiga maxkamadda.
Dhagaysiga maxkamadda, qaaliga arrimaha qoyska ayaa dhagaysta cadaymaha uu
maxkamadda u soo bandhigo shaqaalaha daryeelka caruurta oo goaan ka gaara halka uu
ilmaha ku noolaanayo tan iyo inta uu si
nabadgelyo ah ugu noqon karo guriga.
Inta badan waxa uu ilmuhu la joogaa qof qaraabada ah, saaaxiib, ama meel kale oo
ilmaha lagu hayo xilligaas.
Mar kasta oo ay suurtogal tahay, ilmaha waxaa la geynayaa guryaha ilmaha lagu hayo
oo waafaqsan dhaqanka, afka iyo halka ilmuhu ka soo jeedo.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan nidaamka maxkamadda ee badbaadinta caruurta
waxa aad ka heli kartaa xogsidaha cinwaankiisu yahay, Badbaadinta Caruurta: Maxaa
Dhacaya Marka Aad Maxkamadda Tagto.
daryeelka caruurta kala hadlo nabadgelyada iyo fayo qabka ilmaha; in aad ka
ogaato shaqaalaha daryeelka caafimaadka waxa uu u haysto in waalidku sameeyo si loo
xaqiijiyo in ilmuhu nabad qabo;
ka qeyb qaado habka cabasho soo gudbinta ee wasaaradda; U dood ama
taageero u fidi inta uu socdo baritaanku; codso nuqul ka mid ah waxyaabaha ku
jira galka qoyska ee adeegga sida
uu qabo Sharciga Macluumaadka xorta ah iyo Qarsoodi ka Dhigista (Freedom of
Information and Protection of Privacy Act). kala hadal u doodayaal ka baxsan sida
uu shaqadiisa u qabanayo daryeelaha
ama rayigeeda.
Haddii ilmahaagu ka soo jeedo dadka dhulka loogu yimid waxa uu xaq u leeyahay in
bulshadiisa loo sheego waxyaabaha dareenka laga qabo ee qoyska ka jira iyo nidaamka
baaritaanka.
Waxaa waajib ah in ilmahaaga la wargeliyo xaqa uu leeyahay haddii loo fidiyo
daryeel dhamaan.
daryeelka caruurta.
Soo booqo: www.mcf.gov.bc.ca/child_protection/publications.htm si aad u aragto:
Gurmadka dareen laga soo sheegay ilmo: Xilka ku saaran si aad u ogaato waxyaabaha
la soo sheego iyo goorta la soo
sheego (Responding to Child Welfare Concerns: Your Role in knowing When and What to
Report) (Ku daabacan Ingiriisi Kaliya) Dajinta Gurmadka Qoyska (Family
Development Response) 7 Badbaadinta
Caruurta: Maxaa Dhaca Marka Aad Maxkamadda Tagto (Child Protection: What Happens
When You Go To Court) Badbaadinta Caruurta: Doorka Qaraabada (Child Protection:
Your Role as a Relative)
Fursadaha ay haystaan Waalidiinta iyo Qoysaska: Qorshayn iyo Goaan ka gaaris wada
socda (Options for Parents and Families: Collaborative Planning and Decision
Making) (Ku daabacan Ingiriisi Kaliya)
Waa maxay dhexdhexaadinta badbaadada caruurta?
(What is Child Protection Mediation?) (Ku daabacan Ingiriisi Kaliya) Tirakoob ku
saabsan shirarka kooxaha qoysaska (Family Group Conferencing factsheets) (Ku
daabacan Ingiriisi Kaliya) M ac lu u
xafiiska degaanka ee Wasaaradda Horumarinta Caruurta iyo Qoyska (Ministry of
Children and Family Development) oo lambarka telefoonkooda laga heli karo buugga
telefoonada ama soo booqo
(Ku daabacan Ingiriisi Kaliya). Soo booqo bogga cabashada ee Habka Cabashada
(Complaints Process) ee wasaaradda haddii aad wax dareen ah ka qabto oo is leedahay
wasaaradda ayaa wax ka qaban karta hadii dacwadaadu aysan maxkamadda ka furnayn
www.mcf.gov.bc.ca/complaints/index.htm (Ku daabacan Ingiriisi Kaliya). La xiriir
xafiisyada hayadaha dadka
dhulka loogu yimid ee u xilsaaran Adeegga Caruurta iyo Qoyska oo (Aboriginal Child
and Family Services) lambarka telifoonkooda laga heli karo buugga telefoonada ama
barta internetka ee
www.mcf.gov.bc.ca/about_us/ aboriginal/delegated/pdf/agency_list.pdf (Ku daabacan
Ingiriisi Kaliya). La xiriir Wakiilka Caruurta iyo Dhalinyarada (Representative
for Children and Youth).
Xafiisku waxa uu taageeraa una doodaa caruurta iyo qoysaska, dhalinyarada iyo
qoysaska u baahan in laga caawiyo badbaadada caruurta ee nidaamka badbaadinta
caruurta.
Xafiiskan oo u xilsaaran baaritaanka cabashooyinka la xiriira hayadaha dawladda ee
ka hawlgala gobolkan.
La soo xiriir khadla lacag laaanta ah ee: 1-800-567-3247. Akhri Adeegga
Sharciga iyo Bulshada (Legal Services Society) Xuquuqda Waalidiinta, Xuquuqda
Caruurta, Hagaha Waalidiinta ee
Ayaga waxay ku faafiyaan dadka la leh xiriirka dhow dadka qaba cudurka ama
dheecaanka jirkooda.
Dadka waxay kale oo ay ka qaadi karaan waxyaabaha soo gaara cudurka sida irbidaha
ama siliingo.
Faafinta
Cudurakaan markii ugu horeysay ka soo if baxay wadanka congo awalne la dhihi jira
Zair, magacane uu ka qaatay webi halkaa ku yaala, wadamada uu ku faafo waxaa ka mid
ah Congo, Gabon, Sudan, Ivory
Coast, Uganda.
Habka lagugu ogaado in cudurkaan la qaaday Waxaa jita dhawr baaritaano oo ay ka mid
tahay ELISA, PCR
Ma laga hor-tagi kara cuduradan?
Tallalada ayaa loo helaya qaar ka mid ah cudurada VHF, waxa ku jira cudurka indho
caseeyaha.
Baaritaanka tallaalka waxa lagu sameeyey feyruusyada kale ee VHF.
Meelaha laga helay cudurkan ee dabiiciga ah, dadaalka lagula dagaalamo kaneecada
iyo shillinta waxay caawin karan ka hor-taga qaar ka mid ah noocyada cudurka VHF.
Laakiin maadaama cuduraka Ebola aan loo haynin wax tallaal ah waxaa lagula
talinayaa dadka ku nool meeshuu ka dilaaco inay ka baxaan dadka qabana la
karantiilo, inta la joogtane inay ka fogaadaan
dheecaanada bukaanka iyo inay xertaan dhar ka hortag ah.
Daawada cudurka Ebola
Nasiib xumo ilaa iyo hada wax daawo ah lama hayo, inkastoo dadka qaba cudurkaan la
siiyo daawooyin kaalmaati ah sida: fuuq celin, cadaadiska dhiiga oo la kontoroolo,
Oksajiin in la siiyo qofka iyo in
laga daaweeyo infekshanada kale ee la socda cudurka.
Kani waa maqaal ku saabsan Magaca Cumar . Qaab adeegsi kale, eeg Cumar (faah
faahin) .
Boqortooyada Islaamka wakhtigii Cumar
Hogaamihii la hubey (Amir al-Mu'minin)
Magaca
Makka ee dhulka Carabta, isla markaana dhintey 03 Nofember 644 C.D (26 Dulhijjah 23
Hijri), wuxuu ahaa saaxiibka labaad ee Nebi Muxamed , hogaamiyihii sadexaad ee
Dawladda Islaamka , asxaabi ka mid ah
Kulafo Raashidiinta iyo mid ka mid ah asxaabta rasuulka.
Cumar bin Khattab wuxuu ahaa hogaamiyihii ugu awooda badnaa khulafo al-Raashidiinta
kaasi oo meel sare kaga jirey maamulka Dawladda Islaamka intii uu Nebigu noolaa iyo
markii uu geeriyoodayba.
Intii nebigu noolaa, Cumar bin Khattab wuxuu ahaa saaxiibka iyo la-taliyaha labaad
ee Nebi Muxamed asagoo kala qeyb galay arimo aad u badan.
Wuxuuna ka garab dagaalamay Nebi Muxamed qaswado aad u badan ooy ka mid yihiin
Dagaalkii Beder , Dagaalkii Uxud , Dagaalkii Dhufeysyada , [6] qabsashaddii
magaalada Makka , Dagaalkii Kheybar ,
Dagaalkii Xunayn , go'doomintii Daa'if iyo Dagaalkii Tabuk . [7] Dagaaladani wuxuu
Abu Bakr ku kharash gareeyay in badan oo dhaqaalihiisa ka mid ah.
Si kastaba ha ahaatee, goortii Nebi Muxamed geeriyooday waxaa khulafo Raashidiintu
si waafaqsan dardaarankii nebiga isla garteen in Abu Bakr lagu wareejiyo hogaanka
iyo talada maamulka dowladii
Islaamka.
Wakhtigani waxaa dhacday khilaaf aad u wayn oo dad badan ayaa diinta Islaamka dib
uga noqdey maadaama nebigii waxyigu ku soo dagayay geeriyooday.
Abtirsiinta Cumar binu Khattab waxay ka bilaabantaa aabihii al- Khatab ibn Nufayl
bin Cabdu al Cuzy bin Rayaax bin Cabdalah bin Qarad bin Rasaax Cuday bin Kacab bin
Luay bin Qaalib bin Fahar bin Malik
bin Nadar bin Kanaana bin Khusayma bin Mudrak bin Ilyaas bin Madar bin Nasar bin
Macad bin Cadnaan binu Quraysh al Carabi . [8]
Cumar wuxuu ka mid ahaa raggii markii hore Islaamka iyo muslimiinta aadka u dhibi
jirey, sanadkii lixaad ee soo diriddii Rasuulka (s.c.w) ayuu maalin soo kacay
isagoo raba inuu Rasuulka SCW dilo, goor
uu dhexda marayo ayaa nin ka hor yimid oo ku yiri "Cumar xaggee u socotaa?
", wuxuu yiri "waxaan rabaa inaan Maxammed soo dilo, maxaa yeelay dadkii buu kala
geeyey", markaasuu ku yiri "ma waxaad u malaynaysaa haddii aad disho inaad reer
binu Cabdimanaaf ka nabadgelaysid,
haddiise aad wax tarayso walaashaa Faadumo iyo ninkeedii Siciid way Islaameene maad
iyaga wax ka qabatid!
".
Cumar ayaa markaa aaday gurigii walaashii isagoo xanaaqsan, markuu gurigii
irriddiisii soo marayo ayuu maqlay Qur'aan la akhrinayo waxaana guriga joogey
walaashiis, ninkeedii iyo Khabaab oo qur'aan u
akhrinayey.
Albaabka ayuu tegey oo ku garaacay, dadkii guriga ku jirey markay ogaadeen inuu
Cumar yahay ayaa Khabaabna dhuuntay, gabadhiina waraaqihii qur'aanku ku yiilley
xaseysey (qarisay).
Cumar markii guriga laga furay ayuu gabadhii ku yiri "keen wixii aad akhrineyseen",
markey u diideenna Siciid ayuu la dagaallamay, markaasay gabadhii difaacday
ninkeedii ilaa uu iyadii dakharro
gaarsiiyey.
Markii la dagaallamay oo nabarro la is gaarsiiyey, la iskuna xanaaqay ayey dheheen
"waxaad doonto samee annagu Ilaah ayaannu rumeyney waannuna islaamnay".
Cumar markuu arkay meeshay xaaladdu marayso iyo dhibkuu reerka u geystey siiba
walaashiis, ayaa naxariis qabatay, markaasuu tartiib ula hadlay oo yiri "i tus
waxaad akhrineyseen", waxay dheheen "waxaad
tahay nijaas ee soo qubeyso haddaad rabtid inaan ku tusno", wuu soo meyrtay markuu
soo taabtayna waraaqdii ay akhrinayeen oo ay ku taallay suuratu Dhah ayey u
dhiibeen.
Cumar markuu suuraddii akhireyey ayuu yiri "hadalkaan waa hadal cajiib ah".
Khabaab oo dhuumanayey ayaa markuu maqlay hadalka Cumar iyo siduu u soo dabcay ayuu
soo baxay oo ku yiri "Cumarow waxaan rajaynayaa iney kugu dhacday ducadii Rasuulka
SCW kolkuu lahaa "Ilaahow laba
Cumar (Cumar binu Khadhaab iyo Abii-jahal) midkaad kheyr ku og tahay islaamka ku
xooji".
Cumar intuu durba aad isu beddelay oo Ilahay qalbigiisa hanuun ku soo riday ayuu
yiri "xaggee joogaa Nabigii?
", markaas ayaa loo tilmaamay meeshuu joogo.
Cumar isagoon weli hubkiisii iska dhigin ayuu meeshii tegey oo ku garaacay gurigii
Rasuulka SCW iyo asaxaabtiisu ay joogeen.
Asxaabtii markay arkeen Cumar, ayaa la yiri "waa Cumar", markaasaa Xamsa oo muddo
yar ka hor sii islaamay meeshana joogey yiri "soo daaya, hadduu wanaag u socdana
waan arkaynaa, hadduu xumaan u
socdana seeeftiisaan ku dileynaa'.
Cumar gurigii ayuu galay, ka dibna halkaa ayuu ku soo islaamay.
Cumar iyo Xamsa markay soo islaameen Ilaahay (s.w) wuxuu muslimiintii siyaadiyey
cissi iyo xoog, xaaladdii Makkana way is beddeshay.
Cumar isla markiiba wuxuu qaadey tallaabooyin wuxuuna yri "waxaan is weydiiyey
ninka dadka ugu neceb islaamak markaasaan xasuustay inuu Abii-jahal yahay,
markaasaan gurigiisii ugu tegey oo ku garaacay,
albaabka ayuu iga furay oo i soo dhoweeyey yirina "maxaad iigu timid Cumar", waxaan
ku iri "waxaan kuugu imid inaan ku ogeysiiyo inaan islaamay oo rumeeyey Alle iyo
Rasuulka SCW , waxaan haysan
jirneyna aan beeniyey", Abii-jahal intuu naxay ayuu yiri "waxaad la timid baa
xumaaday" gurigii buuna ku cararay.
Sidoo kale wuxuu Cumar yiri "waxaan is weydiiyey ninka ugu warqaadka badan reer
Makka oo dadka oo dhan hadalka gaarsiin kara, waxaan xasuustay inuu yahay Sumeyn
ibnu Camar al-juhani", markaasaan u
tegay oo ku iri "waan islaamay " markaasuu u qeyliyey isagoo leh "Cumar ibnu
Khadhaab waa iishay" Cumarna wa ka daba hadlay isagoo leh "ma iilane waan
islaamay".
Waxaa kale oo Cumar sameeyey markuu islaamay ayuu Rasuulka SCW ku yiri "Rasuulkii
allow sow xaq kuma taagnin, waa inaan baxnaa oo dhammaanteen aan kacbada ku soo
tukannaa", Rasuulkuna SCW waa ka
yeelay, markaasaa waxaa soo baxay asxaabtii oo laba saf ah oo safna Cumar ku jiro
safna Xamsa.
Qureysh talo ayaa ku caddaatay waxayna ka caroodeen waxyaalaha uu Cumar sameeyey,
waxay markaa ku tashadeen ineyba dilaan hase yeeshee waxaa arrintaa is hor taagay
Cumarna gaarsiiyey Caas ibnu Waa'il.
Allaah wuxuu u soo hooyey dadkii muslimiiinta ahaa cissi waxayna bilaabeen in
waxyaalo badan oo ay la dhuuman jireen ay bannaanka soo dhigaan siduu Bukhaari ka
weriyey Cabdullaahi ibnu Mascuud inuu
yiri "kama aannaan suulin cissi intuu Cumar islaamay".
Habeen ka mid ah habeenada ayaa waxaa dhacday inuu Amiirkii Muslimiinta ee
wakhtigaas, Cumar Ibn Khattab (ilaahay ha ka raali noqdee) oo dhex qaadayay
xaafadaha Madinal Munawarrah si uu ogaado
dareenka iyo dhibtaada dadkiisa.
[12] Kadib wuxuu maqlay oohin, markaas ayuu ku leexday gurigii ay kasoo baxaysay
oohinta.
Markaas ayuu arkay haweenay iyo caruurteeda oo oynaya, iyo digsi dabka saran.
Kadib ayuu haweenaydii waydiiyay waxa keenay oohinta caruurta.
Gaajo inay hayso ayay u sheegtay Amiirka.
Hadaba digsiga maxaa saaran ayuu waydiiyay.
Biyo caruurta lagu sasabo ayaa saaran ayay ugu jawaabtay.
Maysan garan inuu ninka la hadlayo yahay Cumar (RC).
Kadib ayay bilowday inay eed dusha uga tuurto Cumar ayada oo ku eedaysay inuu iska
indhatiray dhibka haysta iyada iyo caruurteeda.
Cumar oonan wali isu sheegin ayaa markaa waydiiyay waxa uu u qaban karo asaga oo
markaas ilin badan ka qubanayso.
Haweenaydii ayaa u sheegtay inay waajib tahay inuu ogaado dareenka ummadiisa
maadaamo uu yahay Amiirkooda.
Cumar (rc) oo u la socdo gacan yarihiisii Aslam ayaa markaas soo aaday dhanka
magaalada ilaa uu gaaray Baytul Maalkii.
Markaas ayuu bilaabay inuu soo raro cunto kala duwan, saliid, bariis, subag iyo
xogaa lacag ah.
Markuu jawaankii buuxiyay ayuu ka codsaday Aslam inuu dhabarka u saaro.
Aslam ayaa diiday asaga oo ka xishooday inuu Amiirka Muslimiinta jawaan buuxo
dhabarka u saaro.
Cumar ayaa ku adkaystay, kuna yiri Aslam: Ma adiga ayaa Maalinta Qiyaamaha
culayska iga qaadi doona.
Waa inaan aniga xanbaaro jawaankan maadaama Maalinta Qiyaamo aniga la I waydiin
doono.
Aslam ayaa markaas Cumar (rc) u saaray dhabarka iyaga oo bilaabay inay aadaan
dhankii guriga haweenaydii baahnayd.
Markii ay tageen gurigii ayuu Cumar (rc) digsi ka buuxiyay raashin, ilaa uu ka
bislaado, hadana u soo riday caruurtii, iyaga oo ka dhargay isla markiina bilaabay
cayaar.
Haweenaydii oo aad u faraxsan ayaa Cumar (rc) ku tiri: wallee adaaba ka fiican
Amiirka Muslimiinta, Cumar. Cumar (rc) oonan wali isu sheegin ayaa ku jawaabay:
Hadaad aniga iga soo war doonto,
waad arki doontaa Amiirka Muslimiinta inshaAllah. Kadib ayuu iska fariistay isaga
oo fiirsanaya caruurtii oo cayaar gashay.
Intuu Aslam jaleecay ayuu yiri:
Ma ogatahay waxa igu keenay inaan halkan fariisto?
Hadaayey caruurtaan way ooyaysay, iminkana way qoslayaan oo cayaar ayay ku jiraan.
Inaan iska fiirsado faraxooda ayaan jeclaystay .
" ingiriis : 'Umar; carabi : ; magaca dhamaystiran Cumar ibn Al-
Khattab """
Anagoo ah ergada wakiilka ka ah dadka Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxaan si rasmi ah
ugu heshiinay inaan dejino Axdigaan federaalka ku meel gaarka ah:
Hadaba anagoo:
Goaansanay in aan ku wada noolaano nabad, midnimo, aan qeybsanayn iyo madaxbanaani
lehna suyaado qarameed.
Garwaaqsanay ku xadgudubyadii cuslaa ee xaquuqda adanaha ee loo geystay dadka
Soomaaliya iyo in la soo celiyo nabad gelyadii, dimuquraadiyada, sharci ku
dhaqankii, cadaaladii bulshada, sharaftii iyo
wadajirkii dadka Soomaaliyeed.
Si Dhab ah u dhisanay, korinaynana Dowlada Federaalka ku Meel Gaar ah.
Goaansanay inaan xoojino dib u heshiisiin, midnimo qaran iyo xukun wanaag.
Sidaas awgeed waxaa aanu qaadanay oo aanu u dajinay ummadda Soomaaliyeed Axdigan.
Jamhuuriyada Soomaaliya waxay yeelan doontaa Xukuumad Federaal ku meel gaar ah oo
ku salaysan rabitaanka dadka Soomaaliyeed.
Magaca dowlada qaran waxaa uu noqon doonaa Dowalada Federaalka Ku Meel gaarka ah
ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
Axdigan Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxaa loola jeeda Soomaaliya Jamhuuriyada
Soomaaliya iyo Jamhuuriyada dimuqraadiga ee Soomaaliya.
Dhamaan awooda siyaddada waxaa leh dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu dhaqmi karaan si
toos ah ama si dadban iyagoo u maray wakiiladooda, si waafaqsan Axdiga iyo
shuruucda dalka.
Xoriyada ku dhaqanka siyaaddada looma xilsaari karo qof, koox ama dabaqad mana jiro
qof iskiis/iskeed isugu xilsaari kara ama fulin kara awood dowladeed oo aan ka soo
jeedin Axdiga.
Dowladu waxay dhiirigalineysaa Midnimada dadka Soomaaliyeed, horumarinta dhaqanka ,
hidaha iyo caadooyinka.
Wadajirka dhuleed iyo siyaadada Jamhuuriyada Soomaaliya waa laguma xadgudbaan,
lamina qaybin karo.
Siyaasada dhulka ee Jamhuuriyda Soomaaliyeed waxay ka kooban tahay dhulka
Jasiiradaha, dhulbadeed, gunta dhulka , hawada sare, iyo goobta ay qaarada kaga
taal.
Jamhuuriyada Soomaaliyeed waxay leedahay xuduudaha soo socda:
Waqooyi Gacanka Cadmeed b) Waqooyi Galbeed Jabuuti c) Galbeed Itoobiya d) Koofur
iyo Koofur galbeed Kenya e) Bari Badweynta Hindiya.
Jamhuuriyada Federaaalka ku Meel Gaarka ah ee Soomaaliya waxay ku dhisan tahay
sarraynta sharciga, waxaana lagu dhaqi doonaa si waafaqsan Axdigan
Axdiga Dowlada federaalka ku Meel Gaarka waa xeerka ugu sareeya oo ay hoos
yimaadaan dhamaan dadka iyo hayadaha awoodda leh wuxuuna ka dhaqan galayaa dhamaan
jamhuuriyada Soomaaliyeed.
Sharci kasta oo aan la socon Karin ama ka hor imaanaya Axdigan wuxuu noqonayaa wax
kama jiraan.
Jiritaanka, sharcinimada habka fulintiisa ama faafinta Axdigan ma jirto maxkamada,
waax ama wakaalad (Hayad) dowladeed ka horiman karta.
waxaa Axdiga loo turjumayaa habka ah:-
horumarinta dib u heshiisiin qaran, midnimo iyo qiyamka dimuqraadiyadda.
Horumarinta qiyamka xukun-wanaagga.
Sare u qaadidda sharafta, Wadajirka, xuquuqda iyo xorriyadaha aasaasiga ah iyo ku
dhaqanka sharciga.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu maxkamad sare hor keeno cabasho la xirirta I
sharciga la faafiyey nuxur ahaanama qeyb ahaan uu yahay mid ka hor imaanaya Axdiga.
Maxkamada Sare waxa ay cabashooyinkaas goaan uga gaaraysaa sida ay u kala udan
yihiin
magaalo madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya waa Muqdishu (Xamar)
golaha shacadka ayaa soo saari doona sharciga lagu maamulayo magaalo madaxda.
alanka qaranka ee Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waa buluug furan, cirka u
eg, afar gees ah, dhexdana ku leh xidig cad shan gees leh madaxyo siman leh.
Astaanta Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay ka kooban tahay: Gaashaan
buluug furan oo leh xidaayad dahabi ah, dhexdana ku leh xiddig shan geesley ah oo
dheeh qalan ah leh.
Gaashaan dushiisa waxaa ku yaal rukumo carbeed oo xardhan, lehna shan madax oo
dahabiya oo ay labada geesaha ku yaalla ay kala qaaran yihiin, hareerahana waxaa ka
haya laba shabeel oo dabiici ah oo
isku began kuna kala taagan laba waran oo isku waydaarsan caarada hoose ee
gaashaanka, ayna weheliyaan laba caleen cawbaar dabiici ah, diilin caddina ku
qoofalan tahay.
Afafka rasmIga ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya waa afka Soomaaliga ( Maay iyo
Maxaatiri) iyo afka carabiga.
Afafka labaad ee Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waa Ingiriisiga iyo
Talyaaniga
Islaamka ayaa ah diinta Jamhuuriyada Soomaaliya
Shareecada Islaamka ayaa saldhig u ah shuruucda qaranka.
Calaamadaha qaranka ee Jamhuuriyda Soomaaliya waxay ka kooban yihiin: a) Calanka
Qaranka b) Heesta Qaranka c) Astaanta Qaranka d) Shaabadaa Rasmiga ah.
Qof kastoo ahaa muwaadin Soomaaliyeed xilliga Axdiganu dhaqangaley wuxuu ahaanayaa
muwaadin Jamhuuriyada Soomaaliya.
Qof kasta oo aslkiisu Soomaali yahay wuxuu xaq u leeyahayjinsiyada Jamhuuriyada
Soomaaliya, oo ay shardi tahay:
Inuu/Inay ku dhashay/ku dhalatay Jamhuuriyada Soomaaliya, ama
Aabihiis/aabeheed uu haysto Jinsiyad Jamhuuriyada Soomaaliya.
Qofka sifaha qodobkan ku haysta jinsiyadda lagma qaadi karo.
Qof kasta oo ka mid ah Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuu qaadan karaa labo Jinsiyadood.
Golaha shacabka ayaa ku meel marin doona labo iyo tobon bilood gudahood sharci
habeynaya arrimaha Jinsiyada.
Dowlada Federaalka Jamhuuriyada Soomaaliya waxay yeelan doontaa xukun qeybsan oo ku
salaysan nidaamka federaalka.
Jamhuuriyadda Soomaaliya waxay ka kooban tahay:
Xukuumadda Federaalka Ku Meel Gaarka ah
Dowlada Goboleedyo (Labo gobo lama in ka badan oo is raaca, iyadoo la dhowrayo
rabitaanka xorta ah)
Maamulda Gobolada iyo
Maamulo Degmo
Axdigan ayaa saldhig u noqon doona Dastuurka Federaaliga ah.
uddada la diyaarnayo Dastuurka cusub, waxaa barbar socon doona tirakoob qaran.
Ka dib, waxaa la sameyn doonaa afti qaran oo ay beesha caalamka kor joogteyso si
loo ansixiyo dasturka cusub.
Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay beesha caalamka weydiisan doontaa
kaalmofarsamo iyo mid dhaqaale
Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay kobcineysaa, horumarineysaana dowlad-
goboleedyada, maamul goboleedyada, iyo degmooyinka si waafaqsan sharciga, iyadoo la
raacayp tilmaamaha guddiga
dasturka federaalka iyo ansixinta golaha shacabka ku meelgaarka ah ee dhismaha
Dolwada Federalka Ku Mee Gaarka ah.
Dowlad goboleedyada, maamul goboleedyada iyo demooyinka waxay ka kooban yihiin
deegaanada dalka oo dhan.
Golaha wasiirada xukuumada Federalaka ee ku meel gaarka ah waxay 90 maalmood
gudahood marka xilka ay qabtaan u soo jeedinyaan Madaxweynaha magacyada dadka loo
magacaabayo Guddiga madaxa banana ee
dastuurka Federaalka si loo hubiyo hirgalinta habka federaalka mudadii Axdigan lagu
xadiday. 7) Golaha shacabka ayaa dejin doona sharciga qeexaya howsha guddigan,
aqoonta iyo shuruudaha shaqada
xubnaha.
Iyadoon wax loo dhimin faritaanada Axdigan ee la xiriira dhismaha wasaaradaha
xukuumada, waxaa la dhisi doonaa Wasaarada Federaalka iyo Arrimaha Dastuurka oo u
xil saran djaqan galinta arrimha
dastuurka iyo federaalka.
Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxat hubineysaa in la dhaqan galiyo habka
federaalka labo sanno iyo bar gudahood laga bilaabo marka Guddiga la dhiso.
Haddii Xukuumada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ay ku guul daraysato in ay ku baahiso
habka Federaalka Dalka oo dhan muddada loo cayimay ee ah labo sanno iyo bar,
Xukuumada Federaalka ku Meel ah
Gaarka ah waxay golaha Shacabka weydiisan doontaa cod kalsooni ah, hadday wetdana
waxaa la dhisi doonaa xukuumad cusub iyadoo la raacayo sida uu tilmamayo Axdigan.
Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah ee lagu dhisay Farqada (8) waa in ay ku
gaarsiisaa dhamaan dalka Soomaaliya habka Federaalka sannad (1) gudihiis, haddii ay
ku guul dareysatana waxaa lagu
dhaqamayaa faritaanada qodobka 11(8) ee kor ku xusan.
Waxaa jiri doona hayadaha kaabayaasha dowlada ee kala ah: a) Hanti Dhowrka Guud b)
Xeer Ilaaliyaha Guud c) Xisaabiyaha Guud d) Gudoomiyaha Bangiga Dhexe e)
Garyaqaanka Guud
Golaha Shacabka ayaa dejin doona sharciyada qeexaya howlaha Kaabayaasha ku xusan
qodobka 13 (1). 3) Hayadaha kor ku xusan waxay howshooda iyo masuuliyadooda ka
fulin doonaandalka oo dhansida uu
qabo sharciga.
Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waxa ay mel marin doontaa sharci xaqiijinaya
isudheelitirka iyo qoondeynta kheyraadka dalka.
Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxa ay sugeysaa in damaan magacaabista
xilalka xukuumada ay ku saleysnaadaan aqoon iyo xaqsoor muwaadiniinta dhexdooda ah.
Jamhuuriyada Soomaaliya waxay aqoonsaneysaa, hirgalineysaa heshiisyada caalamiga ah
ee la xiriia xuquuqda aadanaha oo ay Jamhuuriyadu qayb ka tahay.
Muwaadin waliba wuxuu xaq u leeyahay: a) Degaan, Shaqo, Socdaal xor ah meel kasta
oo ka tirsan dalka.
Abaabulo, aasaaso, ka qeybgalo ururo siyaasadeed, shaqo, xirfad ama bulsho oo
waafaqsan sharciga, iyadoon amar la soo weydiin dowlada.
Doorasho ka qeyb galo markii dadiisu gaarto 18 sanno
Iyado la raacayo sharciga uu u tartamo shaqo kasta oo bannaan.
lama faragalin karo is gaarsiinta shakhsiga gaarka u ah.
Muwaadiniinta Jamhuuriyada Soomaaliya oo dhami wey u siman yihiin sharciga iyo
faritaanada Axdiga ku meel gaarka ah, wuxuuna qof waliba xaq u leeyahay in uu
sharciga ka helo badbaadin iyo ka
faaiideysi siman iyagoo aan look ala saarin midab, dhalasho, luuqad, diin,
lab/dhedig iyo siyaasaduu aaminsan yahay.
Sinaanta waxaa ka mid ah helitaanka xuquuq buuxda iyo xorriyad taam ah.
Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay xuqquda nolosha, qofna lagama qaadi karo.
Qofna lagama qaadi karo xoriyadiisa gaarka ah iyo badbaadada qofeed.
Qofna lama baari karo oogadiisa, gurigiisa iyo hantidiisa iyadoo aan la helin awood
garsoor haddaanay la xiriirin caafmaad iyo canshuur.
Mar waliba waa I sharafta gaarka iyo xurmada qofka la dhowraa.
Waa denbi ciqaab mudan ah falalka qofka jirkiisa ama maskaxdiisa wax u dhimaya ama
xadidaya xoriyadiisa.
Qofna lama xiri karo lamana xadidi karo xoriyadiisa gaarka ah, aan ka ahayn marka
lagu qabto isagoo denbi faraha kula jiro (Flagrante delicto) ama amar kale oo
garsoor.
Sida lagu qeexay sharciga, qofkii lagu xiray tuhun ama la cadaadiyo xoriyadiisa
muddo 48 saacadood gudahood ah waa in la hor keenaa maxkamadda awooda u leh
garsoore xaqiijiyaa.
Qof waliba wuxuu xaq u leeyahay in uu daco hor dhigi karo maxkamada ay khuseyso.
Qof waliba oo lagu eedeeeyo fal dambi:-
waxaa loo qaadanayaa in uusan danbiile ahayn ilaa ay maxkamada awooda u leh ku
caddeyso.
Waxaa lagu arglinayaa waqti macquul ah iyo af uu si wanaagsan u garanayo nooca
danbiga lagu oogay.
Waxaa la siinayaa waqti ku filan iyo tas-hiilaad isu diyaarin difaac heer kasta oo
dhageysiga dacwada. 3) Qof wliba oo la xiray, la xabiso ama la xayiray waxaa loo
ogol yahayin uu is difaaco
maxkamada horteeda shakhsi ahaan ama la xiriiro ehelkiisa iyo qareenkuu rabo mar
alle markuu doono.
Qof waliba oo lagu soo oogay danbi ciqabtiisu gaareyso labaatan sanno xarig ah,
xabsi daain ma dil, wuxuu xaq u yeelanayaa in loo qabto qareen lacag laaan ah.
Xeerka ciqaabta, masuuliyada madaniga iyo maamulka ee shaqaalaha dowlada waxaa
qeexi doona sharci.
Qof shaqaale ah lama xaqiri karo, wuxuuna xaq u leeyahay mushahaar, gunno u
dhiganata howsha uu qabtay iyo faaiidooyin kale o lagu qeexi doono xeerka shaqada
iyo shaqaalaha dalka.
Shaqaalaha waxay xaq u leeyihiin nasasho todobaadle ah iyo fasax sanadeed lacag leh
lagumana qasbi kari inuu waayo.
Saacadaha shaqada shaqaalaha waxaa qeexi doona sharci.
Dowladda waxay dejineysaa sharci dada ugu yare e qofka lagu shaqaaleyn karo iyo
mushaarka ugu yare e shaqaalaha.
Markey awood u yeelato dowladu waxay u balanqaadeysaa shaqaalaheeda (madani iyo
ciidanba) xuquq howlgabnimo waxay kaloo u balan qaadeysaa shaqaalaheeda si sharciga
waafaqsan gargaarista waqtiyada
shilalka, jirada ama xil gudasho laaanta.
Sharci gaar ah ayaa qeexi doona howlgabka shaqaalaha gaarka ah.
Qof waliba wuxuu /waxay xaq u leeyahay/leedahaya:-
in uu si xor ah ula shiri karo dad kale iyo in uu gaar ahaan u sameysan karo ama ka
mid noqon karo urur shaqaale ama ururo kale si uu u ilaashado danihiisa.
In uu abaabuli karo, kana mid noqon karo shir ama bannaan-bax kasta.
Inuu si xor ah fikradihiisa u gudbin karo oraah, qoraal ama qaab kasta oo kale
iyadoon faaf reeb lagu sameyn.
Shaqaalaha Dowlad Federaalka Ku Meel Gaar ah waxay xaq u leeyihiin in ay dhistaan
ururo shaqaale si ay u ilaaliyaan danahooda sida uu qeexay sharciga.
Dowlada Federaalka ku Meel Gaarka ah waxay damaanad qaadeysaa xoriyada dabacaadda
iyo madaxbanaanida warbaahinta iyadoo la raacayo sharciga.
Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay in si xor ah uu u gudbiyo fikradiisa qaabkii uu
doono ilaa iyo xadka sharcigu u ogolaado iyadoo la dhowrayo aqlaaqda iyo
nabadgelyada guud.
Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah waxay dhiirigalineysaa sameynta xisbiyo
siyaasadeed sida sharcgu qabo.
Sida sharcigu qabo, dhamaan muwaadiniinta waxay xaq u leeyihiin in ay ka mid
noqdaan xisbiyi siyaasadeedoo leh qorshe siyaasadeed oo si cad u qeexaya hadaf
siyaasadeedkooda qaran.
Xisbiyada siyaasadeed waxay u furan yihiin dhaman muwaadininta waana in ay
hogaamisaa mabaadiida guud ee dimuqradiyada.
Waxaa reeban xisbi siyaasadeed kasta oo leh qaab dahsoon, qaab dhismeed ciidan
iyo/ama qaab qabiil.
Xisbiyada siyaasada waxaa u banana in ay bahoobaan waqtiga doorashada ka hor
dhexdeeda iyo ka diba.
Dhamaan muwaadiniinta buuxiya shuruudaha sharcigu qeexay waxay xaq u leeyihiin in
la doorto ama wax doortaan.
Cidna lagama carqaladeyn karo xoriyadiisa kulan,shirarka iyo in uu aasaaso ururo
bulsho si sharciga waafaqsan.
Qofna laguma qasbi karo in uu ku biiro ama ka sii mid ahaado urur.
Waxaa la diiwan galinayaa ururu kasta oo aan dowli ahayn oo ay ujeedadiisu tahay
xuquuqda aadanaha ama ilaalinta deegaanka, waxaa loo ogolaanayaa in uu ka howlgalo
jamhuuriyada federaalka
Soomaaliyasi waafaqsan heshiisyada caalamiga ah iyo shuruucda dalka.
Waxaa reeban dhisida ururo qarsoodi ahama kuwo leh ciidan, difaac, ama ciidan u
yaal.
Dowladdu waxay siin kartaa magangelyo siyaasadeed qof iyo xigtadiisoo ka soo
cararay dalkiisa/dalkeeda ama dal kale in loo cadaadiyo arrimo siyaasadeed,
diimeed, iyo dhaqan darted haddii magangelyo
doonuhu galin danbi ka dhan ah biniaadanimada.
Waxaa qof eedeysne ah loo gudbin karaa wadankiisa ama wadan kale haddii heshiis isu
gudbineed uu u dhexeeyo Soomaaliya iyo dalka weydiistay.
Waarashada waxaa loo aqoonsanyaa xuquuqda aasaasiga ay leeyihiin dhamaan
muwaadiniinta Soomaaliyeed.
Dhamaan muwaadiniita waxay xaq u leeyihiin in ay helaan waxbarasho lacag laaan ah
ilaa dugsi sare.
Dowladdu waxay mudnaan siineyssaa horumarinta , baahinta iyo faafinta waxbarashada
dadweynaha.
Waxbarashada waa in ay ahaa danta dadweynaha laguna fidiyaa dalka oo dhan.
Waa in lagu dhisaa dugsiyada gaarka ah, Machadyada iyo jaamacadaha si sharciga
waafaqsanisla markaasna la socdaan barnaamijyada iyo manaahijta waxabarashada
dalka.
Dowlada waxay dhiiriglineysaa sare u qaadida cilmi barista, farshaxanka, horumarka
ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka, isboortiga iyo caadooyinka suuban ee dadka
Soomaaliyeed.
Dowlada waxay dugsiyada dalka oo dhan ka hirgalineysaa manhaj mideysan waxayna
hubineysaa dhaqan galintiisa.
Dowlada waxay kobcineysaa waxbarashada sare isla markaana dhisi doontaa machadyada
farsamada, tiknoolajiyada, iyo xarumaha cilmi barista.
Dowladau waxay hormarineysaa barnaamijyo waxbarasho iyo manhaj mideysan ee dhamaan
dugsiyada.
Waxaa qasab ah in l baro diinta islaamka caruurta dugsiyada dowlada iyo kuwa gaarka
ah.
Qoysku waa aasaaska bulshada dhinacyada diinta, anshaxa, iyo jaceylka dalka oo ah
tiirarka qoyska.
Dowladu waxay dhowreysaa dhiirigalineysaana guurka.
Waalidiintu waa in ay ka tageeraan caruurtooda waxbarashada isla markaana u
daryeelaan sida sharcigu qabo.
Caruurta qaan gaarka ah, waxaa qasab ku ah in ay taakuleeyaan waalidkood marka
aaney isku filneyn.
Xil ayaa ka saaraan waalidiinta/daryeelaha diiwaan-galinta caruurta marka ay
dhashaan.
Dowladu waxay balanqaadeysaa daryeelka bulshada
dowladu waxay masuul ka tahay ilaalinta iyo gaarsiinta caafimaadka dadweynaha,
xakameynta cudurada faafa, badbaadinta hooyada iyo dhalaanka.
Daryeelka curyaamiinta, agoonta, garoobada (Widows) dadka gaboobey iyo
halgamayaasha u soo dagaalamay difaaca dalka.
Dowlada waxay dhiirigalineysaa abuurida bulshada rayidka ahiyo machadyo horumarin
bulsho, sida kuwa aan dowliga ahayn (NGO), haweenka, dhalinyarada, ardeyda,
xuquuqda aadanaha iyo ururo xirfadeed.
Waxaa reeban shaqada sanduleynta ah iyo ciidameynta caruurta dadoodu 18 ka yar
tahay.
Sida sharcigu qabo caruurta dadoodu ka yar 18 lalama xiri karo dadka waaweyn.
Sharciga ayaa nidaaminaya dhisida xarumaha caafimaadka gaarka ah iyo bukaan socod
eegtooyinka.
Dowlada waxay dhowreysaa anshaxa guud ee bulshada.
Dowladu waxay ku dadaaleysaa sare u qaadida daryeelka bulshada iyo horumarinta reer
miyiga.
Dowladu waxay u abuureysaa haweenka jawi wax ku ool ah oo ay si firfircoon uga qayb
qaadan karaan dhaqaalaha, nolosha bulshada iyo siyaasadda.
Sharciga ayaa qeexaya xiriirk ka dhexeynaya dowlada federaalka ku meel gaarka ah
iyo shaqaalaha dowladii hore.
Dhaqaalaha dalka waxaa lagu saleyn doonaa habka suuqa xorta ah.
Dowladu waa in ay dhiirigalisaa, taageertaa, isla markaana damaanad qaadeysaa
maalgalinta shisheeye sida sharciga ku cad.
Xaqa lahaanshaha gaarka ah waxaa sugaya sharciga isla markaana qeexi doona
nuxurkisa iyo xuduudiisa
Sharcigu wuxuu dhowrayaa xuquuqda farsamo (Copywright) farshaxanka sayniska iyo
tiknoolajiyada wuxuuna habeynayaa nuxurkiisa iyo xuduudiisa.
Hantida gaarka waa loola wareegi karaa dan guud awgeed, iyadoo lagu bedelayo
magdhow u dhigma oo aan lagala raagin.
Hase yeeshee, hantida waa celin karaa milikiilihii ama dhaxaltooyada sida sharciga
waafaqsan.
dhamaan awooda sharci dejinta ee Dowlada ku Meel Gaarka ah waxaa leh Golaha
Shacabka.
Jmhuuriyada Federaalka ku Meel Gaarka waxay lahaan doontaa hal aqal oo gole shacbi
ah.
Xubnaha golaha shacabka waxay wakiil ka yihiin midnimada ummadda.
Golaha shacabka Federaalka ee Ku Meel Gaarka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya wuxuu ka
koobnaan doonaa 275 (labo boqol iyo todobaatan iyo shan) xubnod oo ay ugu yaraa 12%
(boqolkiiba laba iyo tobon )
yihiin haween.
Golaha shacabka eek u xusan qodobka 29 waxaa loo soo magacaabi doonaa sida soo
socota:
Xubnaha golaha shacabka waxaa loo soo xuli doonaa heer jifo hoosaad
Xubin kasta oo ka mid ah jifooyinka beesha waxa ay xaq u leedahay in loo xulo
golaha shacabka iyadoon loo fiirin in uu shirka joogay iyo in kale.
Waa in habka xulidu uu noqdaa mid furan oo ay hogaamiyeyaasha siyaasada,
siyaasiyiinta, iyo hogaamiyeyaasha dhaqanku ka qayb qaataan.
Marka ay hogaamiyeyaasha Dhaqanku ay soo ansixiyaan magacyad xubnaha shacabka ee la
soo xulay ayaa giddiga Maareynta iyo fududeynta Soomaalida ayaa u gudbinaya Guddiga
Fududeynta IGAD waqtiga ku
haboon.
haddii xubin baneyso jagadeda dhaqangalka Axdigan ka dib waxaa jagada banaanaatay
lagu buuxin doonaa habka ku xusan qodobka 30 (1).
Qofka kasta wuxuu xaq u leeyahay in uu xubin ka noqdo golaha shacbiga haddii uu :-
Yahay muwaadin Jamhuuriyada Soomaaliya
Dadiisu aanay ka yareyn shan iyo labaatan sanno (25)
Leh aqlaaq wanaagsan
Dhimirkiisu dhan yahay.
Wuxuu qofku waayi karaa xubinimada golaha shacabka haddii
loo magacaabo xil xafiiseed oo aan ahayn xubin golaha wasiirada
Ay cadaato in dhimirkiisu dhiman yahay
Lagu helo fal danbiyeed (Interdictable offence)
Horey looga qaaday xafiis dowladeed sababo akhlaaq-xumo iyo musuqmaasuq awgeed.
Muddada dowlada federaalka ku meel gaarka ah waa shan (5) sanno.
Muddada golaha shacabka ku meel gaarka ah waxay ka bilaaban doontaa taariikhda loo
dhaariyo xilka waxayna socon doontaa ilaa iyo taariikhda la ansixiyo doorashada
xigta ee golaha shacabka.
Kulanka koowaad ee golaha shacabka wuxuu ku qabsoomayaa 30 berri gudahood laga
bilaabo marka sedex meelood laba xubnaha golaha xilka loo dhaariyo.
Muddada golaha shacabka federaalka eek u meel gaarka ah lama kordhin karo.
Fadhiga ugu horeeya ee golaha shacabka waxaa shir gudoominaya xubinta ugu dada
weynilaa gudoomiyaha Golaha shacabka laga doorto.
QODOBKA 33 WAAJIBAADKA GOLAHA SHACABKA
Golaha shacabka wuxuu qabanayaa waajibaadka soo socda:
Doorashada Madaxweynaha Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka ah b) Dooorashada
Gudoomiyaha iyo ku xigeenada. c) Dejinta Sharuucda d) Ansixinta iyo meel marinta
miisaaniyada sanadeedka. e) Meel marinta
soo jeedinta kalsoonida xukuumada f) Dejinta xeer hoosaadka g) Baarista arrin kasta
oo dan guud ah. h) Qabashada dhageysiyo guud i) Ansixinta heshiisyada caalamiga ah.
QODOBKA 34 KAL FADHIYADA GOLAHA SHACABKA
Golaha shacabku wuxuu yeelanyaa labo kalfadhi oo caadi sanadkiiba.
Gudoomiyaha Golaha shacabka wuxuu isugu yeeri karaa kalfadhi aaa caadi ahayn haddii
ay codsadaan Madaxweynaha ama sedex meelood hal meel xunaha Golaha.
Shirarka Golaha Shacabka iyo guddiyadiisu waxay ansixi karaan haddii ay goobjoog
yihiin hal dheeri xubnaha Golaha.
QODOBKA 35 XUQUUQDA IYO XASAANADA GOLAHA SHACABKA.
Xildhibaanada Golaha shacabka laguma eedeyn karo rayiga ama aragtida uu ka soo
jeediyo Golaha Shacabka.
Xildhiaanka laguma soo oogi karo dacwad ciqaabeed lid ku a haddii aan lagu qaban
isagoo dambi gacanta kula jira (Flagranto delicto).
Xildhibaan lama weydin karo suaalo la xiriira baaris danbiyeed, lamina baari karo
oogadiisa iyo hoygiisa inta uu gudanayo xilka golaha shacabka.
Golaha shacabka ayaa sameynaya sharciga gunnada xubnihiisa taasoo ku kooban fadhiga
golaha iyo guddiyadisa.
QODOBKA 36 SHARCI DEJINTA
Marka golaha shacabku u soo saaro sharci waxaa loo gudbnyaa Madaxweynaha si uu
ansixiyo.
Madaxweynaha labaatan iyo koow (21) Maalmood gudahood marka sharci loo soo gudbiyo
si uu u ansixiyo sida ku qeexan qeybta (1) waxaa uu u cadeynayaa guddoomiyaha
Golaha shacabka in uu ogolaaday ama
diiday sharcigaas.
Haddii madaxaweynuhu diido in uu ku ansixiyo sharci la soo hor dhigay afar iyo
toban (14) Maalmood gudahood, wuxuu qoraal tilmaamaya faritaanada sharcigaas ee ay
la tahay in dib loo eego si wax
looga bedelo uu u gudbinayaa gudoomiyaha golaha shacabka.
Golaha shacabku wuxuu dib u eegayaa sharciga Madaxweynaha ku soo celiyeyiyagoo
tixgalinayaa faalada madaxweynaha waxayna:
ogolaanayaan soo jeedinta madaxweynaha iyagoo wax ka bedelaya ama aan wax ka
bedelin, kuna celinaya mar kale madaxweynaha si uu u ogolaado ama
Diidayaan soo jeedinta madaxwynaha waxayna ansixinayaa sharcigi hore oo aan waxba
laga bedelin iyadoo lagu meelmarinayo cod bixinaan ka yareyn 65% xildhibaanada
golaha shacabka taasoo madaxweynaha
ogolaan doono sharciga afar iyo toban (14) maalmood gudahood maalinta sharciga la
soo gudbiyey.
Faafinta sharci uu sameeyey golaha shacabka ma dhaqan gali karo ka hor inta aan
lagu daabicin faafinta rasmiga ah ee dowlada.
QODOBKA 37 SARAAKIISHA GOLAHA SHACABKA
golaha shacabku wuxuu yeelan doonaa:
Gudoomiye b) Laba Gudoomiye ku xigeen iyo c) Saraakiil kale oo Golaha shacabku
magacaabo.
Fadhigiisa ugu horeeya golaha shacabku wuxuu iska dhex dooranayaa Gudoomiye iyo
Laba ku xigeeno.
QODOBKA 38 HOWL SOCODSIINTA GOLAHA.
fadhiyada Golaha waxaa gudoominaya: a) Gudoomiyaha b) Mid ka mid ah ku xigeenada
haddii gudoomiyaha maqan yahay, amase c) Xubin golaha doorto haddii gudoomiyaha iyo
ku xigeenadiisu maqan yihiin.
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya waa: a) Madaxa Dowlada b) Taliyaha Guud ee
Ciidamada Qalabka Sida c) Astaanta Midnimada Qaranka
Madaxweynuhu wuxuu awoodiisa u gudanayaa si waafaqsan Axdiga iyo shuriicda dalka.
Madaxweynaha ma qaban karo xil kale oo daqli ka soo galayo.
Qof waliba wuxuu xaq u leeyhaya in uu isu soo sharaxo jagada madaxweynaha haddii uu
buuxiyo shurudaha soo socda:
Inuu/inay yahay/tahay muwaadin Jamhuuriyada soomaaliyyeed. b) Dadiisu ka yareyn
afartan (40) sanno. c) Inu/inay yahay/tahay Muslim kuna dhaqma/dhaqanta.
Waalidiintiisuna/walidiinteedana yihiin Muwaadin Soomaaliyeed. d) Shisheeye qabin,
inta xilka uu /ay hayana /haysana guursan shisheeye. e) Dhimirkiisu dhan yahay,
horeyna aan loogu xukumin danbi culus.
Leh aqlaaq wanaagsan. g) Leh karti xil gudasho iyo waayo aragnimo uu ku gudan karo
waajibaadkiisa madaxnimo.
madaxweynaha waxaa cod qarsoodi ah ku dooranaya golaha shacabka aqlabiyad dhan
sedex meelod laba (2/3) wareega hore, halka wareegyada danbe loo baahan yahay cod
dheeri.
Wareega labaad waxaa ka qeyb galaya lixda musharaxa ee ugu horeysa halka wareega
sedexaadna ay ku tartamayaan jagada madaxaweynaha labada musharax ee ugu cod badan
madaxweynaha wuxuu inta uusan xilka qaban marayaa dhaarta ah:
waxaan ku dharanayaa magaca ilaah inaan u guto xilkayga, si daacad ah oo danta
dadka ku jirto , dhowrana axdiga iyo dhuruucda jamhuriyada Soomaaliya
madaxweynaha wuxuu haynayaa xilka muddo shan (5) sanno ah laga bilaabo marka loo
dhaariyo madaxweynenimada ayadoo uu marayo dhaarta Axdiga lagu qeexay.
Madaxweynaha wuxuu xilka haynayaa haddii aysan jirin geeri, shaqo ka tagid, ama
joojin shaqo sababo lagu qeexay Axdiga ilaa inta qof kale ee loo soo doortay
madaxweynenimada uu xilka la wareegayo.
Madaxweynaha waxaa la eedeyn karaa haddii uu ku xadgudbo Axdigaiyadoo eedeyntaas
loo gudbinayo golaha shacbiga.
Marka soo jeedinta eedeynta madaxaweynaha la hor dhigo golaha shacabka-
waa in eedeyntaas lagu cadeeyo goaan afar iyo toban (14) beri ka dib ayna
sixiixaan ugu yaraan sedex meeloood hal meel tirade guud ee golaha shacabka oo
dalbanaya in la siiyo goaankaas.
Waa in baaritaan lagu sameeyo danbiga ama sababta keentay dacwada.
Madaxweynuhu wuxuu xaq u leeyahay in uu goobjoog ka ahaado ama wakiil u dirsan karo
goobta barista.
Waa in natiijada baaritaabka goaan lagu soo saaraaiyadoo lagu ansixinayo cod ugu
yaraan sedex meelood laba meel xubnaha golaha shacabka.
Goaankaas wuxuu yeelan doonaa awood awood uu madaxweynaha xilka looga qaadayo laga
bilaabo maalinta goaankaas la gudbiyey.
madaxweynuhu wuxuu qaban doonaa xilal dowladeedka soo socda: a) furitaanka golaha
shacabka
wuxuu la hadalayaa fadhiga gaarka ah ee golaha shacabka sanadkiiba mar.
wuxuu la hadli karaa golaha shacabka markasta oo kale.
Madaxweynuu wuxuu magacaabayaa gudoomiyaha maxkamada sare iyo garsoorayaasha soo
jeedinta golaha wasiirada ka dib.
Madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa jagooyinka sare ee xukuumada iyo madaxda hayadaha
dowlada marka uu soo jeedoyio golaha wasiirada.
Madaxweynaha wuxuu magacaabi doonaa jagooyinka Danjirayaasha, diplomaasiyiinta,
Qunsuliyadaha marka uu golaha wasiiraa uu soo jeediyo.
Madaxweynaha wuxuu qaabilaa diplomaasiyiinta shisheeyahaiyo wakiilada qunsuliyadaha
dalalka shisheeye.
Wuxuu gudoonsiiyaa abaal marinta xushmada qaranka (state honor) marka golaha
wasiirada soo jeediyo.
madaxweynuhu wuxuu magacaabayaa xilkana ka qaadayaa wasiirka koowaad ama kala
dirayaa xukuumada haddii ay weydo codka kalsoonida golaha shacabka.
Madaxweynuhu wuxuu xilka ka qaadayaa wasiirada iyo wasiir ku xigeenada marka uu
wasiirka koowaad soo jeediyo.
Madaweynuhu wuxuu leeyahay awoodaha kale ee soo socda
Saxiixida heshiisyada caalamiga ah marka golaha wasiirada soo jeediyo golaha
shacabkuna ansixiyo.
Ansixinta shuruudaha golaha shacabku ogolaado si sharci loogu bedelo.
Dikreetooyinka iyo xeernidaamyada golaha wasiirada.
haddii xafiska madaxweynuhu banaanaado sababo la xiriira; iscasilaad, geeri ama
xilgudasho laaan joogto ah darteed, gudoomiyaha golaha shacabka ayaa si dhaqsa ah
ula wareegaya waajibaadka
madaxweynaha, golaha shacabkuna wuxuu ku kulmayaa sodon (30) maalmood gudahoodsi ay
u soo doortaan madaxweyne cusub.
Awoodda fulinta waxaa leh golaha fulinta
Wasiirka koowaad oo uu magacaabaya madaxweynaha wuxuu noqonayaa hogaamiyaha iyo
shir gudoonka golha wasiirada.
Wasiirka koowaad wuxuu magacaabayaa sedex wasiir koowaad ku xigeen.
Wasiirka koowaad wuxuu magacaabayaa wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.
Wasiirka koowaad ayaa u jeedin doona madaxweynaha magacyada dadka ku haboon in loo
magacaabo wasiiro iyo wasiir ku xigeeno.
Ku xigeenada wasirka koowaad waxay lahaaanayaan xil wasaaradeed waxayna
kormeerayaan wasaaradaha la xiriira qeybaha siyaasada, bulshada iyo dhaqaalaha.
Xilalkooda gaarka ah sharci ayaa qeexi doona.
wasiirka koowaad, ku xigeenada wasiirka koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada
waa in ay buuxiyaa shuruudaha soo socda.
in uu yahay muwaadin jamhuuriyada Soomaaliya.
Xubin ka yaha golaha shacabka
Dada wasiirka koowaad waa in aysan ka yaraan afartan (40) sanno, ku xigeenaa
wasiirka koowaad, wasiirada iyo wasiir ku xigeenada aysan dadoodu ka yaraan sodon
iyto Shan (35) sanno.
Waa in ay lahaadaan tayo hogaamineed iyo qibrad siyaasadeed.
Wasiirka koowaad wuxu yeelanayaa xilalka soo socda.
Wuxuu gudoominayaa kulamada golaha wasiirada
Wuxuu masuul ka yahay horumarinta, isku duwida iyo kormeerida siyaasada xukuumada
iyo maamulka guud.
wasiirka koowaad marka golaha shacabka aogolaado magacaabistiisa wuxu marayaa
dhaarta hoos ku qoran
waxan ku dhaaranayaa magic ilaahay inaan u guto xilkayga, si daacad ah oo danta
dalka ku jirto, dhowrana Axdiga iyo shuruucda Jamhuuriyada Soomaaliya
Wasiirka koowaad wuxuu hayn doonaa xafiiska ilaa:
uu geeriyoodo, is casilo ama laga qaado xilka
ilaa xilka cid kale loo soo magacaabo.
wasiirka koowaad iyo/ama ku xigeenada wasiirka koowaad wey iska casil karaan xilka
iyagoo iscasilaadooda qoraal ugu gudbinaya madaxweynaha.
Iscasilaada lagu qeexay farqada (1) waxay hirgalaysaa taariikhda lagu qeexay
iscasilaada , madaxweynuhuna ogolaado.
haddii in ka badan boqolkiiba konton (50%) golaha shacabka ka soo jeediyo goaan
kalsooni daro ah wasiirka koowaad, madaxweynuhu wax uu xilka ka qaadayaa wasiirka
koowaad iyo golaha wasiirada.
Madaxweynaha xilka kama qaadi karo wasiirka kowaad ama ku xigeenada wasiirka
koowaad inta uu jiro golaha shacabka, si kasta ha ahaatee aan ka ahayn siyaabaha ku
cad Qodobka 51(1).
Golaha wasiirada wuxuu ka kooban yahay:_ a) wasiirka koowaad b) ku xigeenada
wasiirka koowaad iyo c) wasiirada.
Golaha wasiirada wuxuu u xilsaara yahay: a) diyaarinta dhaqan galinta siyaasada iyo
miisaaniyada qaranka b) diyaarinta iyo u soo bandhigida shuruucda dowlada golaha
shacabka. c) Meelmarinta iyo
maamulida shuruucda. d) Isu duwida howlaha wasaaradaha. e) Meel marinta howlha kale
eek u qeexan Axdiga iyo shuruucda, marka laga reebo kuwa madaxweynaha loo
qondeeyey.
qof waliba oo loo magacaabo ku xigeen wasiirka koowaad, wasiir ama wasiir ku xigeen
:- a) wuxuu ku dhaaranayaa magaca ilaah inuu daacad u yahay Jamhuuryada Soomaaliya
iyo Axdiga. b) Wuxuu is casil
karaa isagoo qoraal dhaqo ka tagid ah gudbiyo wasiirka koowaad iyo madaxweynaha. c)
Wuuu xilka xafiiska hayn doonaa ilaa uu geeriyoodo iscasilo ama laga qaado xilka
ama inta laga soo magacaabayo qof
kale doorasho guud ka dib.
Haddii aan si kale loo sheegin goaanada golaha wasiirada waa in ahaadaan qoraal.
Ku xigeenada wasiirka koowaad iyo golaha wasiiradu waxay kaaliyaan talana siiyaan
wasiirka koowaad
Golaha wasiirada waxay si wadajir ah masuul uga yihiin loogalana xiisaabtamayaa
baarlamaanka hortiisa iyadoo la tixraacayo mabdaa masauuliyada wadareed iyo tan
shaqsiyadeed wax kasta oo ay
fuliyaan sida:- a) fulinta awoodooda iyo mel marinta waajibaadkooda. b) Maareynta
iyo dhaqan galinta shuruucda loo xil saaray. 4) Sedex (3) ku xigeenada wasiirka
koowaad iyo wasiiradu waxay si shaqsi
ah masuul uga yihiin wasiirka koowaad fulinta awoodaha iyo wjibaadka sida gaarka ah
loogu xilsaaray.
Wasiir waliba wuxuu hor tagayaa golaha shacabka ama guddi golaha shacabka marka loo
baahdo, si uu uga jawabo suaal kasta oo saamaysa arrimaha loo xilsaaray
wasaaradiisa.
Golaha wasiirada wuxuu masuu ka yahay siyaasada guud ee federaalka iyo maamul
goboleedyada sida ay qabaan Axdiga iyo shuruucda dalka.
Hadii golaha shacabka cod bixin ay taageeraan in ka badan boqolkiiba konton xubnaha
golahu, waxaa meel maraya soo jeedinta kalsoonida lagala noqonayey xubnaha golaha
wasiiradamarka laga reebo
wasiirka koowaad iyo ku xigeenada wasiirka koowaad, madaxweynuhu wuxuu xilka ka
qaadayaa xubintaas.
awooda garsoorka jamhuuriyada soomaaliya waxaa u xil saran maxkamadaha.
Awooda garsoorka waxay kobcineysaa arrimaha madaniga, ciqaabta, maamulka, ganacsga
iyo arrimha kale ee shuruucda kale iyo Axdigu u xilsaaraan.
Garsoorku wuxuu ka madax banana yahay hayadaha xeer dajinta iyo fulinta marka ay
gudanayaan xilkooda garsoor, xubnaha garsoorka waxay u hogaansamayaan sharciga.
Waxaa xilka garsooraha laga qaadi karaa oo kaliya marka uu gudan kari waayo
waajibaadkisa taasoo noqon karta cilad jirka ah, dhimirka, anshax xumo, iyo sababo
kale.
Waxaa garsoore xilka laga qaadi karaa hadi arrinta xil ka qaadida uu soo jeediyo
guddiga adeega garsoorka in xilka looga qaado sida kor lagu soo sheegay.
Xubnaha garsoorka ma qaan karaan xafiis kale iyo howlo kale oo ka hor imaanaya
waajibaadkooda.
Talaabooyinka maamulka iyo anshax marinta xubnaha garsorka waxaa loo raacayaa sida
sharcigu qabo waxaana lagu fulinayaa dekreeto madaxweyne ka dib markuu soo jeediyo
wasiirka cadaalada iyo arrimaha
diinta lana waafajiyo goaanka gollaha adeegga Garsoorka.
Garsoorku wuu ka madax banaan yahay awaamiirta hayad kale.
Garsoorku wuxuu ka turjumayaa isla markaana hirgalinayaa sharciga si waafaqsan
Axdiga iyo sharciga.
Golaha shacabka ayaa dejinaya shuruucda iyo niudaamka magacaabida, shaqo ka eryida,
anshax marinta iyo qaab howleedka garsorayaasha.
dacwo qaadistu way u furan tahay dhageysiga dadweynaha, inkastoo maxkamadu
goaansan karto in lagu dhageysto dacwada aqal xiransababa la xiriira anshaxa,
caafimaadka iyo xasiloonida.
Goaan maxkamadeed lama gaari karo ilaa dhinayada dacwada khuseyso helaan fursad
dacwadooda lagu dhageysto.
Dhamaan goaanada garsoorka iyo talaabooyinka kale waa in la sababeeyaa, gaar
ahaana kuwa ku lug leh xoriyada shaqsiga.
waxaa reeban in la dhiso maxkamada gaar ah marka laga reebo maxkamada ciidamada oo
awood u leh dembiyada ay galaan xubnaha ciidamada qalabka sida, xiliga nabada iyo
dagaalka.
Waxaa u fura dadweynaha, rayidka iyo ciidankaba in ay si tos ah ga qeyb galaan
dacwo qaadista si waafaqsan sharciga tilmamaya ka qeyb qaadashadooda.
dacwo ciqaabeed laguma soo oogi karo garsooraha inta uu xilka hayo, waxna lagama
weydiin karo baaris damb, oogadiisa iyo hoygiisa, lamina xiri karo haddii aan la
qaban isagoo danbi faraha kula jira
ama ayana ogolaan guddiga adeega Garsoorka.
garsooorayaasha oo dhan waxaa lagu magacaabayaa dikreeto madaxweyne iyadoo la
tixgalinayo talo bixinta Gollaha Adeegga Garsoorka
magacaabida garsoorayaasha waxaa lagu salaynayaa aqoontooda sharci yo kartidooda.
Qofna looma magacaabi karo maxkamada sare haddaanu noqon ana ahayn:
Garsoore Maxkamada Racfaan lehna khibrad dheer dhinacyada madaniga, ganacsiga , iyo
danbiyada. b) Yahay/tahay qareen maxkamad sare ee Jamhuuriyad muddo aan ka yareyn
shan (5) sanno oo xiriir ah.
Haddii uu xafiis garsoor banaanaado ama sababa kale datreed garsooruhu gudan kari
waayo xilkiisa ama uu gaaro dada howl gabka oo ah lixdan iyo shan (65) sanno,
madaxweynuhu wuxuu magacaabi doona
garsoore cusub markuu helo talada Guddiga Adeega Garsoorka.
Hab dhismeedka maxkamadaha wuxuu ka kooba yahay:
Maxkamada Sare b) Maxkamada racfaanka c) Maxkamadaha kale ee sharcigu dhiso.
maxkamada sare ayaa leh awooda, goaan ka gaarida khilaaf kasta oo saameynaya
Axdiga Federaalka Ku Meel Gaarka ah iyo shuruucda kale.
maxkamada sare waa makamada ugu sareysa waxayna leedahay awood ku bahsan
Jamhuuriyada Soomaaliya dhinacyada madaniga, dembiyada, ganacsiga, iyo awoodha kale
ee Axdiga ama sharci kale siiyo.
Garsoorayaasha Maxkamada Sare waxay ka kooban yihiin Gudoomiyaha iyo garsoorayaasha
kale sharcigu tilmaamo.
Garsoorayaasha Maxkamada Sare waxay leeyihiin caymis shaqo.
Golaha shacabk ayaa diyaarin donaxeerark tilmaamaya qaab dhismeedka maxkamada sare.
Fadhiga maxkamada sare wuxuu noqonayaa magaalo madaxda Jamhuuriyada Soomaaliya.
Guddiga Adeega Garsoorka wuxuu masuul ka yahay siyaasada guud iyo maamulka
Garsoorka sida sharcigu tilmaamo.
Guddiga Adeega Garsoorka wuxuu ka kooban yahay:-
Guddoomiyaha Maxkamada Sare b) Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka c) Sedes (3)
Garsoore oo laga soo doortay Maxakamada Sare d) Afar (4) qareen laga soo xulay
ururka qareemada Soomaaliyeed.
xubnaha guddiga waxay leeyihiin xuquq iyo xasaanad la mid ah tan garsoorayaasha.
Guddigu wuxuu msuul ka yahay magacaabidda, bedelka, asluubta iyo anshax marinta iyo
gunada garsoorayaasha.
Muddada guddi kasta waa shan (5) sanno.
Xafiiska xeer ilaaliyaha guud waa qeyb ka mid ah hayadaha garsoorka wuxuuna ka
kooban yahay:
Xeer ilaaliyaha guud oo awoodiisu tahay ilaalinta iyo hirgalinta xeerarka dalka oo
dhan, xilkiisa iyo masuuliyadiisa waxa qeexaya sharciga.
Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka waxaa lagu soo magacaabayaa dikreeto madaxaweyne
soo jeedinta golaha wasiirada ka dib.
Xeer iaaliyaha waa dacwad oogaha guud ee dowlada federaalka ku mel gaarka ah.
Xeer ilaaliyaasha dowlada goboleedyada iyo degmooyinka awoodooda waxay ku xadidan
tahay gobolada iyo degmooyinka waxaana lagu magacaabi doonaa sida ku cad qeybta (b)
kore.
Masuuliyda gaarka ah ee xeer ilaaliyaha guud waxay tahay horumarinta iyo dhowrida
ku dhaqanka sharciga.
Jamhuuriyda Soomaaliya waxay lahaaneysaa ciidan qaran oo ka kooban Militari iyo
Boolis.
Ciidamada qalabka sida waa in ay si daacadnimo ah ugu hogaansan yihiin una dhowraan
Axdiga, sharciga iyo midnimada dalka.
Sharciga ayaa habeybaya qaababka iyo howlaha ciidamada qalabka sida iyo habka wada
shaqeynta iyo isku dubaridka waajibaadkooda.
Dhulka waa qeyraadka soomaaliya ee ugu muhiimsan iyo saldhiga nolosha dadka waana
in loona isticmaalaa loona maareeyaa qaab xaqsoor ah, wax tar leh iyo wax soo saar
la joogteyn karo.
Dowlada waa in ay qeexdaa dejisaana siyaasada qaran ee dhulka, isla markaana
habeysaa dhulka Jamhuuriyada Soomaaliya taasoo hubin3ysa diiwaan galinta ku
dhaqanka lahaanshaha, helida, degida,
xuquuqda maareynta, adkeyta danaha iyo milkiyada dhulka.
QODOBKA 67 KHEYRAADKA DABICGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA
Kheyraadka dabiciga ah ee dalka sida Macdanta, Biyaha, dhirta, iyo Ugaarta waa
hanti qaran.
Sharci ayaana cadeynaya sida dan guud loohu manafacaadsanayo.
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay mudnaan siineysaa ilaalinta, kadinta,
dhowrista deegaanka kana ilaalineysaa wax kasta oo wax yeelayn kara kala
duwanaanshaha dabiicga (biodiversity) iyo
hab dhiska dabecada (ecosystem).
Qof kasa oo ku sugan Jamhuriyada Somaaliya waxaa waajib ku ah inuu dhowro
hagaajiyana deegaanka, kana qrey qaato horumarinta, fulinta, maareynta, badbaadinta
iyo ilaalinta kheyraadka dabiiciga
ahiyo deegaanka.
Dowlada Federaalka Ku Meel gaarka ah waxay qaadeysaa talaabooyn degdeg ah oo lagu
nadifinayo haraaga wasaqda lagu qubay xeebaha Soomaaliya, waana in la wydiistaa
magdhow cida lagu helay in ay ka
danbeeyeen dembiyadaas.
Dowlada Federaalka Ku Meel Gaarka a waa in ay qaadaa talaabooyin degdeg ah oo ay ku
joojineyso nabaad guurka xaalufinta, baabinta deegaanka, gubida dhuxusha, sharci
darada ah iyo dhoofinta ugaarta
nidirka ah.
Waxaa la dhisi doonaa guddiyo madax banaan hadba sidii loogu baahdo.
Dhisida guddiyada madax banaan, qaab dhismeedka iyo howlahooda waxaa soo jeedinaya
golaha wasiirada waxaana ansixinaya golaha shacabka.
Wasiirad a quseyso aya golaha u soo jeedinaya ka koobnaanshaha guddiyadaas sida
hoos ku xusan:
Guddiga DastuurkaFedraalka b) Guddiga Dib u heshiisiinta c) Guddiga Tirakoobka
Qaranka d) Guddiga Shaqaalaha Rayidka ah e) Guddiga Baadigoobka iyo diiwaan galinta
hatida qaranka iyo mida gaar
ahaaneed f) Guddiga Dib U Dajinta Qaranka g) Guddiga Olombikada Soomaaliyeed h)
Guddiga Calaamadeynta Soohdimaha Dowlada Goboleedyada i) Guddiga Hu Ka Dhigista iyo
abaabul ka saarka. j) Guddiga soo
kaashada Dhaqaalaha k) Guddiga khilaafaadka dhulka iyo hantida. l) Guddiga
doorashooyinka
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Soomaliya waxay adkeynayasaa
xeerarka shuruucda caalamiga ah iyo mucaahadooyinka caalamiga ah ee ay Jamhuuriyada
Soomaaliya Dhan ka tahay iyadoo
la raacayo sharciga.
Heshiisyada caalamiga ah ee la ogolaaday lana qaatay waxaa meel marinaya sharciga.
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya waxay adkeyneysaa
meelmarineysaana heshiisyada laba geesodka ah ee Jamhuuriyada Soomaaliya dhinaca ka
tahay.
ayadoo la tixgalinayo qodobkan golaha shacabka ayaa awood u leh in uu wax ku daro,
ka bedelo, kala bedelo ama dib u fiiriyo Axdiga.
Wax k bedelka Axdiga waxaa lagu bilaabi kar ooo kaliya soo jeedin ay taageersan
yihiin xubno gaaraya (1/3), waxaan lagu ansixin karaa tiro aan ka yareyn sedex
meelood labo (2/3) tirade guud ee
golaha shacabka.
axdigu waxaa uu lahaanaya awood sharci ilaa inta laga dhaqan galinayo Dastuurka
Federaalka.
Dasturka Jamhuuriyada Soomaaliya ee 1960 iyo sharciyada kale waa loo isticmaali
karaa arrimaha aan lagu xusoin Axdigan hadii ayan ka horimaaneyn Axdigan.
Dowlada federaalka ku meel gaark ah waxay ku dadaaleysaa inay soo gacan geliso una
soo celiso dowlada dhamaan hantida qaranka guurto ama ma guurto ee dalka iyo
dibedda yaalla.
Dowlada waxay isku howleysaa inay u soo celiso cidii lahayd hantida gaarka ahee
hadda sharci darada lagu haysto.
Dwolda federaalka eek u meel gaarka ah waxay isku taxluujineysaa dib u soo celinta
nabada iyo xasiloonida, isku socodka xorta ah ee ee dadka iyo badeecada,
shaqooyinka iyo adeegyada, hub ka
dhigiusta iyo uruurinta hubka sharci darada ah eek u jira gacanta dadweynaha, si
loo xafido, dhaqan celiyo, la iskuna dhafo maleyshiyada iyadoo lala kaashanayao
maamul goboleedyada, odey dhaqameedyada
iyo beesha caalamka.
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay isku taxluujineysaa dib u dajinta
qaxootiga iyo dadka barakacay.
Mashaaricada horumarinta haatan dalka ka socda way sii socon doonaan haddii aanay
waxba u dhimeyn qaranimda dalka iyo deegaanka.
Dhamaan mashaariicda cusub waa in ay helaan ogolaansho iyo tilmaamaha dowlada
federaalka ku meel gaarka ah.
Maka la dhameeyo shirka nabadeynta qaran ee Kenya, dhamaan ururada maleyshiyada,
kooxaha hubeysan iyo kooxaha Jamhuuriyda Soomaaliya ka jira ma sii jirayaan waxayna
hubkooda ku wareejinayan dowlada.
Axdiga ayaa aasaas u a dastuurlka federaalka ee lagu dhameyn doono laba sanno iyo
bar (2.5) laguna meel marin doono aftida dadweynaha ee la qaadi doono sanadka ugu
danbeeya xilliga ku meel gaarka
ah.
Waxay xukuumada qaadi doontaa dhamaan talaaboyin lagula dagaalami karoqabyaalada
eexda, xatooyo hanti dadweyne musuq maasuq, dhaman falalka wax isdaba marintaee
curyaaminaya dhaqanka suubanee
bulshada iyo howlaha qaranka.
Dowlada federaalka ku mee gaaka ah waxay baaritaan ku sameyneysaa isla markaana
qiimeyneysaa mashaariicda horumrineedeee shisheeyuhu maalgaliyey si loo hubiyo in
ay wax u dhimayaan siyaasada ama
nabad galyada qaranama waxyeelayn karaan dhaqanka, deegaanka ama caafimaadka dadka.
Axdigu wuxuu dhaqan galayaa marka ergooyinka shirweynaha dib u heshiisiinta qaran
ee Kiinya ogolaadaanwaxaanu jirayaa ilaa uu ka dhaqan gelayodastuurka federaalka.
Dowlada federaalka ku meel gaarka ah waxay ku lahaaneysaa dalka oo dhan awoodaha
soo socda:-
Arrimaha Dibbeda 2) Difaca iyo Nabadgelyada 3) Lacagata iyo Bangiga Dhexe 4)
Dhisida Dowlad Goboleedyada 5) Boostada iyo Isgaarsiinta 6) Socdaalka iyo Jinsiyada
Bixinta 7) Maamulka Dekedaha iyo
Garoomada dayaaradaha 8) Qorsheynta iyo Hor u Marinta Dhaqaalaha 9) Kheyraadka
Dabiiciga ah 10) Duulista Hawada (Civil Avaition) 11) ilaalinta Deegaanka 12)
Ogolansha iyo Bixinta Ruqsadaha shirkadaha
gaarka ah, gaar ahaan kuwa heerka qaran 13) Uruurinta Caanshuuraha, soo dejinta /
Dhoofinta iyo Caanshuuraha dadban.
Dowlada goboleedyada waxay qabanayaan howlaha soo socda:-
Waxbarashada 2) Caafimaadka 3) Wadooyinka 4) Badbaadinta deegaanka 5) Boolis
goboleedka 6) Guryeynta 7) Horumarinta biyaha iyo korontada 8) Horumarinta beeraha
iyo maareynta biyaha 9) Horumarinta
xoolaha iyo dhul-daaqeed. 10) Hor u marinta ganacsiga iyo iskaashatooyinka dowlada
goboleedyada. 11) Dejinta dadweynaha 12) Hor u marinta dastuurka dowlada
goboleedyada, calanka iyo astaantooda 13)
Magacaabista guddiyada doorashada dowlada goboleedka iyo dhaqan galinta
doorashooyinka dowlad goboleedyada. 14) Ururinta dhamaan caanshuuraha tooska ah.
15) Hor u marinta ciyaaraha, fanka, suugaanta
iyo cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka. 16) 15- Ruqsadaha ganacsiga 17) Qorsho
magaaleynta iyo ruqsadaha dhismaha. 18) Faydhowrka guud 19) Xarumaha nasashada iyo
goobaha caruurta 20) Caafimaadka guud ee
dadweynaha.
Warbixinada shanta guddi ee dib u heshiisiinta ee shirweynaha qaran ee nabadeynta
soomaaliya kiinya 2002-2004.
Liiska ergada, ururada iyo kooxaha siyaasada.
Soo socda wuxuu ka yimid xagga maqaalka oo lagu qaaday on column akhriska ee Nikkei
Newspaper on November 15th.
Ayaa ku xukuntay ah * ~ * ii yihiin.
"Waa hordhac ah ka dib markii dagaalka" Written by Kato Norihiro
Falanqayayaasha waxay: Daisaburou Hashizume
Waxaa iska casilay iyo ilaalinta dastuurka waa ...
Waa soo jeedin daran ah run ahaantii geesinimo.
Sida buugga taas waa in ay qurxiyaan guul ah in 70 ka dib markii dagaalka, waa in
qorid ee xasuusta dadka qoto dheer.
Falanqaynta taas oo qabow leh dhaqankan cusub ee beesha caalamka in dhigeysa in
Dagaalkii Adduunka II, oo ku saabsan 2/3 ee qeybtii hore ee la dhumucda ama ma
noqon doonto, waayo, buugaag edition
jeebka saddex waraaqa.
About 1/3 qeybtii labaad waa soo jeedinta sameeyo qoraaga gaarka ah si aynu jaray
shukaan ee xarunta Qaramada Midoobay ka la sasabasho Maraykanka iyada oo dib u
eegis dastuurka.
* Qoraaga waxa uu noqon doonaa ku wajahan bini'aadamka waa kuwa inta badan si dhab
ah oo dheeraad ah, haddii la barbar dhigay culimada kuwaas oo si lama filaan ah u
muuqday iyo qaylo daran ee
mucaaradka-US Japan Security Treaty, laakiin waa in in this smart aqoonyahan in la
xuso, ayaa lagu qabtay in khayaal inay odhan Qaramada Midoobay.
Si aad u malaynayso, waxaan noqon lahaa ku wajahan bini'aadamka oo tilmaamay yaqiin
ka mid ah Qaramada Midoobay ayaa markii ugu horeysay adduunka.
Laakiin markii uu ku qoray kitaabkan, wuxuu doonayay in aanay jirin sabab ay u
akhriya tifaftirka.
Aan tifaftirka ka dib, magazine Newsweek ayaa saftay, ayuu akhriyin lahaa xaqiiqada
dhabta ah ee United Nations.
Dawladdu waxay dhabta ah oo u sheegay in ay tahay oo kaliya in Japan in ay u
maleeyo in Qaramada Midoobay ay tahay mid ku haboon ah,
Xaqiiqdu waxay noqon sheegashada ah danta hadayana jirin qaranka iyo heerka ay
dacaayad oo kaliya.
Taasi Japan oo sii waday inuu siiyo sida United Nations kaalin ugu weyn weyn
dhadhamiyey, laakiin dhab ahaan, Norihiro Katou aan ogaan lahaa in ay ahayd sheeko
ee mid ka mid ah ay qarxi soo galeen
qosol oo kaliya, sidoo kale, at dhan.
Dhab ahaantii, Yukio Mishima kuwaas oo ahaa dad kii oo ku saabsan xaqiiqada ah in
aduunka iyo sida ay u Toosan ah dad adduunka ka dib markii dagaal ma u dhigi
aasaasiga ah ee gobolka oo ku jira meesha
in loogu yeedho dhalanteed in Qaramada Midoobay iyo wixii la mid ah.
Runta waxa ay had iyo jeer waa mid fudud.
Its dalka doorasho aan ahayn in ay sii horeysay ahaantiisa.
Taasi waa inay noqdaan sida marka ay jirto xaalad aad u xun oo, autarchic xisbiga
ee xisbiga shuuciga ah, in dalka deriska la ah oo hubka hubka nuclear sababta ay u
fahmaan xadaanadda yahay.
Iyadoo aadanaha u fiican ma jiraan in iyagoo ee Japan waayahaas, sidoo kale,
dabcan, laakiin isagoo aan soo gabagabayn ansixinta heshiiska si ay u sameeyaan in
Japan ma ilaaliyaan hub nuclear,
By xaaladda oo wargeyska isagoo lagu qaban lahaa Quisling ah in ay Japan iyo
wargeyska anti-Japanese xukumaan,
Rajo ee Yukio Mishima marka Japan ayaa soo gabagabeeyay in heshiiska,
Maxaa yeelay, isagu waa ku wajahan bini'aadamka oo uu leeyahay maskaxda dhab ah, oo
ay ahayd ku wajahan bini'aadamka ogaa taariikhda Japan, Muuqda ee dhaqanka, iyo
quruxda Japan.
Quusanina ... in Japan oo ahaa mid ka dhigay doqon, sida uu hadda iyo jeerba taas
oo halis ku Shiinaha ee dhulka ah ee Senkaku-shoto iyo shiraaca xorta Shiinaha
South badda taas oo halbowle ah ee
Japan oo ay ku xiran tahay Bariga Dhexe si qallafsan in khayraadka saliidda.
Mishima waa mid aad u kala duwan oo ka soo dadkuba in ay moralist ee ku shubtaa-ku
oo ay matalayaan Oe Kenzaburo iyo xaqiiqda ah in ay xadaanadda nacas ah.
Rajo-kii ahaa xaqiiqda og in wax dhabta ahaa qoto dheer ilaa xad in ay doortoba,
ilaa ugu dambaysta ah si uu naftiisa u gaar ah gelin.