Você está na página 1de 2

Maalinta Caalamiga ah ee #Noolaha_Kala_Duwan

#BiodiversityDay

Maalinta "Noolaha-Kala-Duwan" ee Adduunka, waa maalin caalami ah oo ay QM u asteysay


dhiirri-gelinta arrimaha la xiriira "Noolaha-Kala-Duwan". Maalintaas maanta ah waxaa lagu
beegay 22 bishaan May ee sanad kasta, waxaana adduunweynaha laga sameeyaa wacyi-gelin
guud ee bad-qabka "Noolaha-Kala-Duwan".

"Noolaha-Kala-Duwan" waxaa ku gadaaman mawaadiic faro badan, oo ay tahay in caalamku uu


iskaashi ka sameeyo, kalana ah: beerashada joogteysan; nabaad-guurka; tayo-dhaca dhulka iyo
abaarta; biyaha iyo fayo dhowrka; caafimaadka iyo horumarka joogteysan; tamarta; cilmiga
(science), farsamada (technology) iyo hal-abuurka; aqoon is-weydaarsiga iyo tababarada;
isbedellada cimilada; aafooyinka dabiiciga ah; badaha; keymaha iyo helidda cuntada (food
security).

"Noolaha-Kala-Duwan" waxa uu lagama maarmaan u yahay hababka isu filnaanshaha iyo is-
taageeridda dhamman noloshada ka jirta Dunida korkeeda, oo uu ku jiro banii’aadamka.
Haddii aanu jiri lahayn xayawaan, dhir iyo noolaha il-ma-aragtada ah (microorganisms), ma
heli karni lahayn mareegaha-noolaha (ecosystems) oo fayo qaba ee aan ku tiirsannahay,
kuwaas oo ina siiya hawada aan neefsaneyno iyo cuntada aan cunno.

Waddankeenna Soomaaliya waxa uu ka mid yahay dalalka Geeska Afrika ee hodanka ku ah


"Noolaha-Kala-Duwan", kaas oo leh noole aad u badan, kalana duwan oo gaar-u-ah (endemics)
waddankeenna. Hase-yeeshee, waa waddan oomane iyo lama degaan u-eke ah, lehna cimilo
aad u adag, roobka oo aan xilligiis ku imaan haddana yar, abaar soo noqnoqota, isla markaasa u
nugul nabaad guurka deegaanka. Arrimahaan oo yareyn kara hodantanimada "Noolaha-Kala-
Duwan" ee dalkeenna.

"Noolaha-Kala-Duwan" waxa lagu ilaalin karaa, sida tan:

1. In laga hor-taggo jarista dhirta;


2. In la mamnuuco ugaarsiga;
3. In kheyraadka dabiiciga ah looga faa'iideysto si isu-dheelitiran oo hufan;
4. In meelaha ay ku dhaqanyihiin duur-joogta la hormariyaa, laga ilaaliyo shanqarta iyo
howlaha kale ee banii’aadamka.

1
Si intaas loo xaaraantimeeyo waxaa loo baahanyahay xeerar iyo siyaasado lagu ilaalinayo
"Noolaha-Kala-Duwan" ee waddankeenna waa in Dowladda FS iyo Doladaha xubnaha ka ah
Federaalka ay sameeyaan xeerar iyo siyaasado heer federaal & state ah, oo lagu ilaalinayo
deegaanka guud ahaan. Maadaama aanay Soomaalia hore u lahayn xeerar iyo siyaasado lagu
dhaqo arrimaha deegaanka, waxa aan talo ahaan u soo jeedinayaa in la sameeyo:

1. Xeerka Keymaha iyo Duur-joogta, heer federaal & state.


2. Sharciga Maareynta Deegaanka, heer federaal & state.
3. Sharciga Ilaalinta Kheyraadka Dabiiga ah, heer federaal & state.
4. Siyaasadda Qaranka/D. Goboleedka ee Deegaanka, heer federaal & state.

Si aan deegaankeenna & kheyraadkiis ugu faa'ideysanno, isla markaasna innaga oo si isku
dheeli-tiran uga faa'iideysaneyno kheyraadka deegaanka, horumarna aan uga gaarno, haddii
aan nahay jiilka (generation) hadda jooga si aan baahideenna u daboolno, hase-yeeshee aanan
waxyeello gaarsiinin jiilalka mustaqbalka sidii ay iyaguna baahidooda u dabooli lahaayeen.

Caalamka waxa uu in badan ka walaacsanaa sidii loo ilaalin lahaa loogana hor-tagi lahaa
dabargoynta "Noolaha-Kala-Duwan", ugu dambeyntiina waxaa magaalada Rio de Janeiro ee
dalka Baraaziil isku yimid dowlado faro dadan sanadka marka uu ahaa 1992-kii, waxa ayna ku
galeen heshiisyo dhowr ah oo caalami ah, waxaana ka mid ahaa "Heshiiska Noolaha Kala
Duwan", kana kooban 42 qodob iyo labo lifaaq. Hishiiska waxaa gadaal ka riixaayey QM.
Ujeeddooyinka Heshiiskan loo galay waxaa lagu dhigay qod. 1-aad ee heshiiska, waxa uuna
leeyahay sida tan: "ilaalinta noolaha kala duwan, isticmaalka joogteysan ee qaybaha noolaha
kala duwan, iyo in si caddaalad iyo sinnaan ah loo wadaago faa'iidooyinka laga helo
kheyraadka hidde-sid (genetic resources) ee noolaha kala duwan”.

United Nations Biodiversity


#BiologicalDiversity_Day
@Abdulkadir Kanaale

Você também pode gostar